1.png Rugta Akhriska,Maqalka,& Aragga Akhbaarta Sugan(RAMAAS). 2.png
September 09 2010 22:37:53
BBC-SOMALI



sideb-left.pngsideb-right.png
WEBLINKS

































sideb-left.pngsideb-right.png
Counter
1,124,630 unique visits
sideb-left.pngsideb-right.png
Qoraalo

War-Saxaafadeed Ka Soo Baxay Guddidii Dood-Cilmiyeedka Miisaanka Maansada Soomaalida Oslo Norway.

Oslo(Ramaas) Dec.05, 2008 - Waxa shalay (04.12.2008) lagu saxeexay war-saxaafadeed ka soo baxay dood-cilmiyeedkii miisaanka maansada ee ku qabsoontay jaamacadda Oslo, iyo kulan turxaan bixin ah oo loo qabtay labada aqoonyahan Prof. Maxamed Xaashi Dhamac ”Gaariye” iyo Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed ”Carraale” 29.11.2008 kuna qabsoomay guri ku yaal magaalada oslo.

Saxeexa war-saxaafadeedkan oo ay qalinka ku duugeen labada aqoonyahan, isla markaana ay si buuxda isugu raaceen waxa uu xambaarsan yahay, waxa lagu saxeexay garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada Oslo(Gardermoen).

Waxaana labada aqoonyahan ka saxeexay qoraalka guddoomiyihii guddida hawshan waday Prof. Xusseen Xasan Guuleed.  Xafladii saxeexa war-saxaafadeedka ka dib waxa ramaasnews waydiisay su´aalo kooban labada aqoonyahan iyo Guddoomiyaha guddiga Prof. Xusseen Xasan waxaanay u dhaceen sidan:

Waxan ku bilaabay Prof. Carraale:

S/: Prof. Cabdillaahi Diiriye Guuleed hawshii aad halkan u timi ee ahayd miisaanka maansada ee guddida balaadhani ka qeyb qaadatay ee labada weji lahayd, jaamacadda oslo-na aad dooda ku qabatay sidan heshiisku u dhacay raali baad ka tahay saw maaha?

J/: Raali baan ku ahay sheekadaana dhamaan baa loogu heshiiyey.

Prof. Gaariye:

S/: Prof. Maxamed Xaashi arintii ku saabsanayd miisaanka maansada adiga iyo carraale bartanaa wada taagan tihiin, hawshii guddi reer Oslo ah ayaa qayb weyn ka qaatay oo xusseen xasan madax u yahay, maxaad ka leedahay heshiiska?

J/: Heshiiskaa waan ku qanacsannahay, ilaahay guddida heshiiskaa soo saartayna ha ka abaal mariyo, raggii qaban-qaabiyey ilaahay ha ka abaal mariyo. Hawluhuna waxay ku wanaagsan yihiin marka la isla buuxiyey ku wanaagsan yihiin, marka la is bar-baryaaco kuma wanaagsana. Maanta waxa noo bilaabmay aniga iyo cabdillaahi inan is buuxino, annagoo heshiiskaa ka duulayna iyo talodaa aad noo soo jeediseen.

Prof. Xusseen Xasan Guddoomiyaha Guddida:

S/: Prof. Xusseen Xasan adiga oo labada aqoonyahan heshiiskooda arkaya maxaad ummadda u jeedinaysaa?

J/: Waxan odhan lahaa horta waa mahadsan yihiin hawshan maanta inaga dhacday ee labada professor u taalay ee ay maanta oslo ku soo af jareen, mana hagaagteen oo guddidu waxay qaban lahayd ma jireen, haddii aanay labada professor raali ka noqon oo aanay xaggeeda wanaagsan ka eegin. Waxaanu ummadda soomaaliyeed ka codsanaynaa wax allaale iyo wixii muran ee noocaas ah ee ama siyaasi ama ijtimaaci ah, wax aan wadahadal lagu daweyni ma daweysmaan ee wadahadal iyo isu tanaasul ha lagu dhameeyo khilaafyada.

Halkan hoos ka akhriso warsaxafadeedkii guddida oo dhan.

news: doodoslo1.jpg

news: doodoslo2.jpg

news: doodoslo3.jpg

news: doodoslo4.jpg

 

 

centerb-left.pngcenterb-right.png
Latest Articles
  Article Category Reads Comments
»Saaxiibka Saddexaad Ee Nolasha Qoyska (Sheeko Gaaban).
by: harar on 22/07/2010 21:28
Akhristeyaasha 542 0
»Damqashada Nabadda Somaliland Iyo Dareenka Ku Xeeran Xeeladii Codaynta. Qalin...
by: harar on 09/07/2010 18:18
Akhristeyaasha 317 0
»Xayiraad Ha La Saaro Universal TV Iyo Dhawaaqa Jaaliyadaha Ka Soo Yeedhaya. ...
by: harar on 04/07/2010 13:07
Akhristeyaasha 397 0
»Waa Guul U Soo Hoyatay Somaliland Qalinkii: Xamse Axmed Salaan – London.
by: harar on 28/06/2010 08:06
Akhristeyaasha 359 0
»Tallo Ku Socota Shacabka Somaliland Ee Codeynaya Doorashada Dhici Doonta 26.0...
by: harar on 20/06/2010 21:43
Akhristeyaasha 301 0
·
centerb-left.pngcenterb-right.png
Qubane







"



sideb-left.pngsideb-right.png
Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
sideb-left.pngsideb-right.png
Random Media
sideb-left.pngsideb-right.png