Xukuumada Oo Ku Guuladaraystay Dhex-dhexaadintii Ay Ugu Kala Dabqaadaysay Labada Garab Ee Iska Soo Horjeeda Ee Xisbiga UCID.
Hargeysa, Xukuumada Somalilanda ayaan ku guulaysan wadahadalo ay ku dhex-dhexaadinaysay masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ee UCID oo u kala qaybsamay laba kooxood ee iska soo horjeeda, kuwaas oo la sheegay in ay diideen qorshaha xukuumada oo uu dhinac waliba u arkay in aanay dantiisu ku jirin.
Wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo isku xilqaamay in ay ka qaybgaataan soo afjarida muranka qadhaadh oo kala qaybiyay xisbiga, oo hore kulamo ula yeeshay Eng Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha golaha ku meel gaadhka ah, ayaan wax horumar ah ka samayn ah dadaaladii ay galeen.
Garabka uu hogaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay in ay xukuumada ku tuhunsan yihiin in ay ka dambaysay waxa ay ugu yeedheen inqilaabkii xukunka lagaga tuuray Faysal oo isna weli isu aqoonsan guddoomiyaha sharciga ah ee xisbigaas, waxaana ay ku eedeeyeen in xukuumadu aanay daacad ka ahayn dhex-dhexaadinta ay wado.
Golaha ku meel gaadhka ayaa iyana dhankooda la sheegay in aanay danaynayn wadahadalo ay wakhtigan ay la yeeshaan Faysal Cali Waraabe oo ay u arkaan qof aan munaasib ku ahayn in lagala hadlo masiirka xisbiga oo go’aanku gaadhay in xukunka laga tuuro , maadaama uu baalmaray shuruucda iyo qawaaniinta u yaala xisbiga UCID sida ay ku doodayaan
Dhinacyo kale ayaa iyana ku hawlan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen,iyada oo xisbiga UDUB ay sheegeen in ay wadaan kulamo ay doonayaan in ay isku soo hor fadhiisiyaan labada garab, laakiin waxaan la ogayn waxa ka soo bixi doona qorshaha UDUB.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.






