Sheekh Shariif Oo Markii Ugu Horeysay Beeniyay In Uu Lunsaday Malaayiin Doollar Oo Beesha Caalamku Ugu Deeqday Maamulkiisa.
Muqdisho, Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar ay saaxaafadda Soomaalida qaarkood baahiyeen oo odhanaya in isaga iyo Ra'iisal wasaarihiisii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay lunsadeen dhaqaale lagu taageeray dawladiisa, waxaana uu sheegay in wararkaasi yihiin qaar been abuur ah.
Saxaafadda Soomaalida qaarkood ayaa baahiyay warar ay ku sheegeen in ay ka soo xigteen hay'ad fadhigeedu yahay Magaalada Washinton ee dalka Maraykanka oo sheegtay in Sheekh Shariif iyo Farmaajo ay lunsadeen dhaqaale dunidu ay ugu deeqday shacabka Soomaalida.
"Wararkaas waa been aan sal iyo raad lahayn... waxaana faafintiisa ka dambeeya koox Qaran-diid ah, haddii ay hayaan caddeymo arrintaas ku saabsan waa in ay keenaan" ayuu yidhi Sheekh Shariif.
Madaxweynaha DKM ah ee Soomaaliya ma aanu sheegin in ay xukuumadiisu arrintaas ka qaadan doonto tallaabo iyo in kale, balse waxa uu si xooggan u beeniyay wararkaas, waana hadalkii ugu horeeyay ee uu ka yidhaahdo arrintaas, tan iyo markii la bilaabay in la baahiyo.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.






