Administrator
Hargeysa (Ramaas) Augost 3,2011 – Caawa saacadu Afrikada bari markii ahayd 2:25 Am ayaa waxa Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Wajaale, waxa laga dareemay Dhul-gariir daqiiqo socday.
Dhul-gariirkan laga dareemay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ayaa waxa uu sababey in dadku guryaha dibada uga yaacaan si ay uga baxsadaan khatarta ka dhalan karta haddii guryuhu dumaan.
Dhul-gariirka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ayaa oo aan la garanayn sida ay u kala awood badnaayeen ayaa isku mar kaliya labada Magaalo ka wada dhacay.
Boorama.Magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa dadkii ku noolaa oo wakhtigaa qaarna hurdeen qaarna soo jeedeen ayaa waxa ay ku kaliftay inay guryaha dibada uga yaacaan, iyadda oo markiiba soo buux dhaafiyey sakadaha xaafadaha Magaalada Boorama, iyadda oo dadku argagax ka muujiyeen, iyadda oo dadku bilaabeen ka sheekaynta qaabkii qof walba gurigiisa uga dareemay Dhul-gariirka.
Wariye Cali Aare oo ku sugan Magaaladda Boorama ayaa sheegaya in Dhul-gariirku mar kale laga dareemay Magaaladda Boorama saacadu markay ahayd 2:52 AM.
Hargeysa.Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo aan looga baran inuu Dhul-gariir ka dhaco ayaa iyaddana wakhtiga Boorama Dhul-gariirka laga dareemay, iyaddana laga dareemay, iyadda oo dadkii dibada u soo wadda baxeen.
Iyadda oo Magaaladda Hargeysa dadka badankiisu soo wada jeedaan isla-markaana lagu cawaynayo maqaaxiya ayaa dadkii qaarkoodna qayilayeen, qaarkoodna sheekaysanayeen waxa ay dhammaantood argagax ka muujiyeen Dhul-gariirkan.
Xafiiska shabakada wararka ee RAMAASNEWS.COM oo ku yaala dabaqa ugu sareeya dhisme ku yaala badhtamaha Hargeysa ayaa wariyayaashii ku shaqaynayey dibada uga yaaceen, ka dib markii dabaqu dhaqaaq kooban sameeyay, iyadda oo wakhtiga uu Dhul-gariirku socday wariyayaashu ku qiyaaseen 5 ilbidhiqsi.
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB oo markii Dhul-gariirku joogsaday xidhiidh nala soo sameeyay ayaa sheegay in Dhul-gariirka Hargeysa laga dareemay cabsi galiyey “Waxaan mooday in gurigiiba igu soo dumayo.” Ayuu yidhi Md Yaasiin.
Dhinaca kale, Magaaladda Wajaale ayaa iyadana wararka naga soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in Dhul-gariirkan laga dareemay, iyadda oo la sheegayo in dhismayaasha Magaaladaasi qaarkood ay ka soo daateen ciid iyo walxaha kale ee ay dhismayaashaasi ka samaysan yihiin.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Dhul-gariirkan, maadaama oo uu dhacay wakhti habeenimo ah, inkasta oo daqiiqado kooban la waayey isgaadhsiintii telefoonada oo mar dambe soo noqday.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) Augost 3, 2011 – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa si adag uga hadlay khilaafka ka dhex aloosan xisbiga UCID, waxaanu Madaxwayne Siikaanyo ugu baaqay in furayaasha xarunta dhexe lagu wareejiyo Faysal Cali Waraabe.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa uu sheegay in Aaden Waqaf oo ah guddoomiyaha garabkii xilka ka qaaday Faysal Cali Waraabe aanu jirin shirwayne lagu doortay, isla-markaana Faysal Cali Waraabe xisbiga ku soo daray markii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ka qaaday xilkii wasiirka gaashaandhiga oo uu wakhtigaa ahaa.
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, oo caawa fiidkii shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa kale waxa uu wax ka tilmaamay shir Magaaladda Djabuuti ugu qabsoomay aqoonyahanka Soomaliyeed, kaas oo uu tilmaamay in nuxurkiisu ahaa in Somaliland lagu burburiyey, isla-markaana Madaxwayne Axmed Siilaanyo loogu qorsheeyay inuu noqdo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Suldaanku waxa kale oo uu sheegay in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo rag badan oo ka mid yihiin Dr Sifir Iyo Jaamac Cismaan (Jaamac Kaluun) ay soo mareen iyagga oo ku socda shirkaasi Djabuuti ka dhacay uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo qabsaday muddo hal sanno ah oo uu ku jajabiyo Somaliland, isaga oo Suldaanku xusay in khilaafka UCID jajabintaasi hordhac u yahay.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ugu horeyn ka hadlaya khilaafka UCID waxa uu yidhi “Xubnaha dhinaca kale ka soo jeeda ee uu ka midka yahay Aaden Maxamed Mirre Waqaf waxba kala qarsan maynee, waxa si cad u magacaabay Guddoomiyaha (Faysal Cali Waraabe), isaga oo markii hore ahaa wasiirka gaashaandhiga Somaliland, markii xilka laga qaadeyna Faysal Cali Waraabe ayaa Xisbigooda ku soo daray, shirwayne lagu doortayna ma jirin, markaa in maanta xisbigii isku qabsado wax aan laaqi ahayn, anaga waxay nala tahay qas iyo jaho-wareer in loo jeedo.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo uu soo qaaday “Asxaabta kale ee qaranku haddii ay ka talin waayaan wanaaga iyo samaha iyo jiritaanka xisbiga UCID, xisbina xisbi ma xukumi karo mana haysan karo furayaashiisa.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Madaxwaynaha waxa furayaasha loogu dhiibay in marka uu akhriyo shuruucda xisbiga inuu furayaasha u soo celiyo guddoomiyaha xaqa u leh, cidii xisbiga ku gardarootana anagu waxaanu u aragnaa cid qaranimada baa’biinaysa, sidaa awgeed waxaanu Madaxwaynaha ka codsanaynaa inuu furayaasha ku soo celiyo cidii xaqqa u lahayd, maadaama oo uu muddo gacanta ku hayay.”
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay “Haddii kale, arintu waa laba mid uun, in furayaasha loo soo celiyo guddoomiyihii sharciga ahaa iyo in la yidhaahdo waa lagaa xoog-roon yahay oo arintu dagaal noqoto, umadduna waa u diyaar inay xisbigooda difaacaan oo ay magaca xisbigooda ku dagaalanto” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo tafaasiil ka bixinaya shir aqoonyahanka Soomaliyeed uga qabsoomay Magaaladda Djabuuti iyo ujeedada laga lahaa “Shirkii lagu qabtay magaalada Djabuuti oo ay ka soo qayb-galeen Aqoon-yahano Soomaaliyeed, shirkaas Go´aamadii ka soo baxay Ummadda reer Somaliland wali may akhrisan, laakiin runtu waxay tahay oo shirkaas loo furay burburinta Somaliland.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo uu yidhi “Shirkaasi waxa la yidhi Madaxweynaha Soomaaliyeed halaga dhigo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle, Ciidanka Somaliland iyo Ciidanka Puntland-na halaga dhigo Ciidan qaranka Somaaliyeed leeyahay.”
Suldaanka guud ee beelaha Somaliland waxa uu sheegay in Madaxwaynaha ay soo mareen siyaasiyiin badan oo ku socday shirka aqoonyahanka Soomaliyeed uga qabsoomay Djabuuti “Waxa jiray Rag soo maray Madaxweynaha oo shirkaas DJabuuti ku socday, raggaana waxa ka mid ahaa Cismaan Jaamac (Cismaan Kaluun) iyo Dr Sifir oo Madaxweynaha si toosa u soo maray markii ay ka qayb-galayeen Shirkaas DJabuuti.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Madaxweynuhu waxu shirkaasi qabsaday mudo Hal-sano ah oo uu yidhi waxaan ku kala jajabinayaa Somaliland, markaa waxaan filayaa in waxan dhacayaa arrintaas xaqiijinteedii tahay,”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu fariin u diray Madaxwayne Axmed Siilaanyo “Waxaan leeyahay Madaxweynaha heshiis keligaa ma geli kartid ummada reer Somaliland way u soo jeedaa qaranimada iyo jiritaankeeda labadaba.”ayuu yidhi.
Shirka jaraa’id ee uu caawa qabtay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu ku wehelinayey Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi oo ka mid ah sulaadiinta reer Somaliland, waxaanu Suldaanka guud ku waafaqay hadalkiisa.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) Augost 3, 2011 - Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sharaxaad ka bixiyay shir uu kaga qayb-galay xarunta daraasaadka iyo horumarinta ee Chatham House ee Magaaladda Lodon, kaas uu sheegay in lagu eegay siyaasadda arimaha dibada Somaliland iyo waxyaabaha ku soo kordhay sanadkii la soo dhaafay.
Wasiirka wasaaradda khaarajiga Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu sheegay in daraasadan lagu soo bandhigay xarunta Chatham House ay ka soo baxday inay horumar samaysay siyaasadda arimaha dibada Somaliland, isla-markaana ilaaqaadka siyaasadeed ee Somaliland iyo beesha caalamku kordhay.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu iftiimiyey in waxa ugu wayn ee daraasadaas ka soo baday ay ahayd in beesha caalamku soo dhawaynayso ilaaqaadka beesha caalamku la leedahay Soamliland.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ugu horeyn ka hadlaya arimahaas waxa uu yidhi “Waxyaabaha ugu waaweyn ee ka soo baxay waxa weeye inay beesha caalamku ay soo dhawaynayso cilaaqaadka ay Somaliland la yeelatay adduunka sanadkii la soo dhaafay.”
Md Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaana sida laga warqabo ay soo dhaweeyeen inay Somaliland yimaadeen illaa shan Wasiir oo ka socday dalalka qaaradda Yurub.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxqabsiga Somaliland waxay dunida u muujiyeen in Somaliland tahay dal lala shaqayn karo, waxa shirkan ka soo baxay in la kordhiyo taageerada siyaasadeed ee caalamku siiyo Somaliland isla markaana la taageero,”
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) Augost 3, 2011 – Daraasad dheer oo guddi uu Faysal
Cali Waraabe u saaray inay soo baadhaan in xisbiga Mucaaradka ah ee
UCID uu doorashadii kaalinta saddexaad ka gallo, ayaa soo saaray
natiijadii ka soo baxday.
Guddida loo saaray oo daraasadooda ka sameeyay guud ahaan gobolada
dalka, isla-markaana wareysi la yeeshay guddoomiyayaasha gobolada ee
xisbiga ayaa waxa ay soo saareen daraasad lid ku ah Faysal Cali
Waraabe, taas oo iftiimisay in Faysal Cali Waraabe oo xisbiga UCID
musharax u ahaa inuu sabab u ahaa in dadku codkooda la noqdaan.
Daraasadan oo maanta xubin guddidaas ka mid ah oo hadda taabacsan
garabka uu hogaamiyo Aaden Waqaf uu ku soo bandhigay shir jaraa’id oo
garabkaasi Hargeysa ku qabtay ayaa waxa ay sheegtay in hadalo
iswaydaar ah oo wakhtigii ololaha doorashada Faysal meelo kala duwan
kaga khudbadeeyay ay sababeen in taageerayaashii codkooda la noqdaan,
kana shakiyaan masuuliyadda Faysal Cali Waraabe.
Daraasadan oo ka kooban 17 bog ayaa sidoo kale, waxa ay xustay in
sababaha keenay in masuuliyiin iyo xildhibaano xisbiga UCID ahina
ololaha xisbiga ka gaabsadaan ay sababtay Faysal Cali Waraabe oo
meelaha qaarkood kaga khudbadeeyay in xisbigu dabaqayo isla-markaana
dalka ku hogaamin doono shareecadda Islaamka, taas oo daraasadu xustay
inaan hogaanka UCID arintaa isla meel dhigin.
Daraasadan oo dhamaystirana waxa ay u dhignayd sidan:
MAHADNAQ
Waxa gudiga qoray daraasadani uu mahad gaara u celinayaa dhamaan:
Hogaanka Xisbiga UCID uu ugu horeeyo Gudoomiye Faysal Cali Xuseen,
Gudiga Fulinta iyo qaybaha kale ee xisbiga ee ka qaybqaatey soo
bixitaanka warbixintan. Waxa mahad gaar ah mudan xoghaynta xarunta
dhexe ee xisbiga oo isku duuban oo ka qaybqaatey qorida iyo garaacidda
warbixintan. Waxanu sidoo kale mahad balaadhan u haynaa bulshada reer
Somaliland ee ku nool dhammaan lixda gobol ee dalka oo nagu qaabilay
qalbi furan niyad samaan iyo gacmo furan. Waxanu si aada mahad iyo
ammaan ugu haynaa bulshadda reer Sanaag oo aanu ku bixinay waqtigii
ugu badnaa mudaddii ay socotay xog ururintani oo noo fidiyey gogol
gacaltooyo iyo marti soor aan hagar lahayn iyagoo u wada dhan. Waxa
maamuus iyo mahad gaara mudan Md. Xiis Ismaaciil Ciise oo si aan hagar
lahayn ugu guntaday sidii hawlaha gudigu ugu qabsoomi lahaayeen una
fidiyey gacan walaaltinimo. Waxanu u mahad celinaynaa dhamaan
dhalinyaradii, haweenkii iyo qaybihii kala duwanaa ee xisbiga ee gacan
iyo niyadba nagu taageeray, kuna hadlay fikirkooda oo badhax-tiran
tilmaamaynana sida ay ugu muuqato iyo sida wax looga qaban karo
qaladaadkii dhacay. Ugu dambayn, waxanu mahad guud u celinaynaa
dhamaanba bulshadii suurto gelisay inay warbixintani soo baxdo ee uga
qayb qaatey si gobanimo iyo geesinimo ku dheehan tahay.
ARAAR
Doorshooyinkii ka qabsoomay Somaliland 26 June 2010 waxay muhiim u
ahaayeen geedi socodka dimoqraadiyadda Somaliland. Waxa kasii
muhiimsanaa, sida sharafta iyo gobanimadda leh ee ay u dhacday
xil-wareejintii kursiga madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa ee 27 Julay
2010. Xisbiga UCID wuxu ahaa dhardhaarka ugu adag ee geedi socodka
doorashadaas, waxanu kaalin laxaadle kaga jirey keeniddii iyo kalsooni
siintii nidaamkii doorashada sida diiwaangelintii (Voter Registration)
iyo shaandayntii severka. Waxa iyana muuqatay dareenii bulshada ee ay
aqoonsadeen awoodda UCID dabadda kaga riixaysay qabsoomidda
doorashada, taas oo ay dadwaynuhu ku muujiyeen taageeradii ay u hayeen
UCID dhoolasuskii ugu balaadhna ee waqtigii ololaha laga muujiyey
dhamaan gobolladda dalka. Waxay taasi kordhisay hunguriga Xisbiga UCID
ku qabay inuu qabto hogaanka talada Somaliland. Markii la shaaciyey
natiijadii kama dambaysta ahayd ee guushu ku raacday Xisbigii
mucaaridka ahaa ee KULMIYE, waxa xisbiga UCID degdeg u hambalyeeyey
natiijadaas una bogaadiyey madaxwaynaha Cusub Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) iyo Xisbigiisaba. Waxase la yaab noqotey iyo u qaadanwaa
kaalintii uu galay xisbigu (3aad) oo ahayd mid aanu marnaba filayn.
Iyadoo xisbigu helay boqolkiiba 17% wadartii guud ee codbixiyayaasha
reer Somaliland. Sidaa awgeed, waxa Xisbiga Caddaaaladda iyo Daryeelka
(UCID) u saaray guddi qiimayn iyo dib u sixid ah doorashadii
madaxtooyada ee ka dhacday dalka 26 June 2010. Isagoo guddigu
eegayayey wixii sababey inuu galo kaalinta 3aad ee saddexdda xisbi
qaran ee u tartamay doorashadaas. Waxa uu guddigu ku maray kormeer
hawleed dhamaan lixda gobo lee dalka Somaliland iyo degmooyinkooda
(marka laga reebo gobolka Sool aanu gaadhin xarunta Laas-caanood).
Balse la wareeystay madaxda iyo maamulka gobolka. Isagoo u kuurgelaya
xaalad kasta oo la xidhiidha qaabkii iyo farsamooyinkii ay ku dhacday
doorashadaasi. Haddaba, Waxa uu Guddigu warbixintan dhinacyo badan
taabanaysa ka diyaariyey qaabkii ay guud ahaanba u dhacday
doorashadaasi iyo duruufihii sababey guul-darrada xisbiga.
HORDHAC
Warbixintan iyo xog urursigani wuxu u dhacay si wadar ah (kooxo muhiim
ah oo xisbiga ah) iyo si gooni gooni ah oo loo qaabiley dhamaan
heerarka kala sareeya ee xisbiga (From the top learship down to the
grass roots). Warbixinatni waxay koobaysaa dhamaan xaaladihii iyo
duruufihii ay doorashadu uga dhacdey lixda gobol iyo degmooyinkooda.
Sidoo kale warbixintani waxay si mug leg u eegaysaa qaabkii xisbigu
ugu diyaargaoobay ololaha doorasha, dhinaca dhaqaalaha, agabka
saxaafadda, doorka hogaamineed ee madaxda xisbiga iyo xaaladihii ku
xeernaa. Waxay warbixintu taabanaysaa kaalintii Kimishanka Qaranka iyo
agabkii loo adeegsaday qabsoomidda doorashaadaas uu ugu horeeyo
Server-kii shaqadiisa iyo kalsoonidiisaba muranka badani ka dhashay.
Sidoo kale,waxay warbixintani si mugleh u eegaysaa sababaha keenay in
xisbigu galo kaalinta sadexaad iyadoo taageerada xisbiga ee bulshadu
ku qiimaysnaa kaalinta kowaad waqtigii ololaha. Bandhigga xogta ay
xambaarsantay warbixintani ujeedadeedu maaha in cid lagu dabagalo ama
lagu eedeeyo. Waxay ujeedaddu tahay la in muujiyo qaladaadkii,
tabashooyinkii iyo goldaloolooyinkii dhacay, si casharo looga barto
loogana tabaabulshaysto doorashooyinka dambe ee ka dhici doona guud
ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa daraadeed, warbixintu waxay
soo bandhigi doontaa talloyin wax ku ool ah ay u jeedin doonto Gudiga
doorashooyinka Qaranka, Saddexda xisbi Qaran, xukuumadda hadda taladda
haysa, golayaasha aqoon-deris ee dalka ka jira iyo ciddii kale ee
dnaynaysa geedisocodka dimoqraadiyadda Somaliland.
2. QIIMAYNTA IYO SIXIDDA OLOLIHII XISBIGA UCID
Guddiyadda xisbiga ee la qiimeeyey
Marka laga reebo Maamulka gobolladda, degmooyinka, taageerayaasha
xisbiga iyo dadwaynaha qaybihiisa, wuxu Gudigga dib u sixidda iyo
qiimaynta kulamo iyo warsiyo la qaatey Guddiyo gaar ah oo heer hogaan
ah. Guddiyadaasi waxay u kala baxaan kuwo la sameeyey xilligii
doorashadda oo loo cayimay muhimad gaar ah iyo kuwo hore uga mid ahaa
waaxyaha maamul ama hogaamineed ee xisbigga. Waxa waraysiga qaybtan ka
mid ah xog-waraysiyo gaara aanu la yeelanay: Gudoomiyaha ololaha
Goboladda galbeedka, Gudoomiyaha ololaha Goboladda Bariga, Gudoomiyaha
Barlamaanka, Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga UCID iyo
musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga. Xogtii waraysiyadaasi waxanu kasoo
ururinay warbixintan.
2.2. Guddigga ololaha Doorashooyinka xisbiga heer qaran:
Iyadoo wax yar uun doorashada ka hor la magacaabay (5 may 2010)
gudoomiyaha Guud ee ololaha doorashada iyo 13 guddigiisa ah oo aan
khibrad badan u lahayn dabiicadaha iyo duruufaha bulshada iyo dalka.
Isla markaana uu jiray guddi hore oo ololaha doorashooyinka ah.
Lahaana jaangoyn shaqo ay ku hawl geli lahaayeen. Guddigaas oo mar
qudha laga guuray. Sidoo kale gudoomiyaha ololaha guud muu haysan
istiraatiijiyada uu ku hawlgalo iyo dhaqaale ku filan toona. Taas
waxay keentay, in ay adkaato isfahanka iyo wada shaqaynta
hawlwadeenada iyo taageerayaasha xisbiga. Waxa guddigu helay cabasho
xoogan oo ka timi qaybaha maamulka gobolka: Garabka dhalinyarada,
garabka haweenka iyo taageerayaasha xisbiga. Waxay si cad u qeexeen
xubno ka mid ah gudigii hore ololaha in iyaga iyo istratijiyadii ay
samaysteenba laga guurey mar qudha iyo in talooyinkii ay soo jeediyeen
ee ku dhisneyd ogaansho dheer iyo aqoonay u lahaayeen qaybaha bulshada
la garab marey. Arintan oo ku dhalisay qaar ka mida xubnahaasi
niyad-jab, marmarka qaarkoodna iney kalsoonidii u wareejiyaan
xisbiyadda kale. Iyagoo weli jooga oo ka dhex muuqda kulamadda xisbiga
niyad ahaanse ka guuray xisbiga. Tani waxay suuldaaro ku noqotey
hawshii ololaha waxaney khalkhal gelisay taageerayaal badan oo ku
xidhnaa gudigaas ay barteen ee la casilay. Waxa intaas dheeraa,
Guddigan cusub oon marar badan si joogta ah u joogin xafiisyadii loo
qoondeeyey inay ka hawl-galaan. Sababtuna ahayd, culayska ay dul
dhigeen xubnihii firfircoonaa iyo taageerayaashii xisbiga ee dhamaan
goboladda dalka. Arintan ayaa markale niyad-jab wayn ku riday
taageerayaal badan oo u yimi xafiisyadda in la qaabilo, xubno
firfircoon oo waday qorshayaal lagu kasbado taageero iyo xataa gudi
hoosaadyo shaqo u diyaar ahaa. Waxa aad u xadidinaa dhaqaalaha iyo
agabka loo qoondeeyey gudigan, iyadoo in badan goboladdii ay masuulka
ka haaayeen gacan-saar toosa la samaysteen hogaanka sare ee xisbiga.
Arintan oo dhinaceeda wax yeeshay awooda maamul ee gudiga.
Waxa iyana xusid mudan guddigii ololaha gobolka oo ka gaabiyey hawshii
loo igamday. Gidigga gobolka M/jeex waxay si baaxad leh ugu milmeen
gudigii ololaha heer qaran. Waxana guud ahaanba xidhmey dhaqdhaqaaqii
xafiisyada heer gobol. Waxa si cad u muuqanayey masuuliyiintii gobolka
oo dhex taagan xarumihii dhexe ee xisbiga. Iyadoo ay ahayd inay hagaan
taageerayaasha gobolka. Sidaa awgeed, waxa gudigan ka horyimi caqabado
shaqo, dhaqaale iyo maamul.
2.3. Guddigga Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta (Media Committee)
Guddigani waxa uu ka koobnaa 7 xubnood waxana guddoomiyaha lagu
magaacabay December 2009 carriga Ingiriiska. Waxanu gudoomiyuhu soo
galay dalka 28 May 2010. si la mid ah gudigii ololaha (Faqrada 2.2)
waxa hore uga jiray dalka gudihiisa guddi warfaafineed oo lahaa
gudoomiye iyo xubno kale. Waxa markii hore bilaabmay xafiiltan yar
iyo diidmo ka timi gudigii hore, waxase si dhib yar u xalliyey
Gudoomiyaha Xisbigga oo arinkaa ka hawl galay. Waxa la qoray siyaasad
cad oo aanu helay nuqul ka mid ah (eeg lifaaqa 2aad), taas oo qeexaysa
qaabka shaqo ee gudiga warfaafintu u shaqaynayo. Naiib darro, Gudigani
kumuu shaqayn stratiijiyadii ay dhigteen. Taasi waxay sababtey agaasin
la’aan xagga shaqadooda ah iyo kala daadasho qorshihii shaqo ee
warfaafineed. Tusaale ahaan, website-dada waxa heshiis lala galay 2
cisho ka hor maalintii xisbigu bilaabayey ololaha. Waxa intaa dheera
gudigga farsama ee saxaafadda oo waqti badan haysan jirey wararkii iyo
barnaamijyadii la faafin lahaa. Caqabadahaasi waxay sababeen in
xisbigu ku gaabiyo xagga saxaafadda: haday noqon lahayd TV-yada,
Wargeysyada dalka iyo Mareegaha Internet-ka. Inkastoo warbaahinta qaar
la siiyey dhaqaale xoog leh (Universal TV) hadana may faafin wax
xayaysiin ah (Advertisement) waxanay ku gaabsadeen dhoolatuska
maalmaha xisbigu leeyahay oo ay kusoo daraan warka. Waxa sababteeda
loo tiirin karaa, daba-gal la’aan iyo la xisaabtan aanay samayn
gudigga warfaafinta. Dhinaca kale, waxa caqabadaha ka hor yimi Gudigga
warfaafinta ugu waynaa dhaqaala daro, isku-xidhnaan la’aan iyo
agaasinka oo aan habaysnayn. Arintani waxay ololaha xisbigga
dhaxalsiisay inuu aad uga hooseeyo warbaahin iyo saxaafadba labada
xisbi ee kale.
2.4. Gudida dhaqaalaha (Finance Committee)
Gidigan waxa madax ka ahaa, gudoomiyaha Barlamaanka ahaana ku-simaha
goomiyaha xilligii ololaha doorashadda. Waxa gudigani masuul ka ahaa
dhaqaala lagu geliyo ololaha guud ahaanba. Waajibaadka gudigan waxa
ugu muhiimsanaa gacan ku haynta gelidda iyo bixidda (Income &
Expenditure) dhaqaalaha. Waxa iyana saarneyd gudigan raadinta
maalliyad lagu galo doorashadda. Waxa gudigan qiimayntu helay qoraal
jaangoynaya dhaqaalaha doorashada (Comprehensive Financial strategy)
oo dhamaystiran Warqdani (eeg lifaaqa 3aad) waxay odorosaysaa maaliyad
dhan 1.3 Milyan US Dolar. Guddi ahaan maanu helin inta kasoo xarootay
dhaqaalahaas iyo qaabka ay u baxday. Waxase Gudiggu xog waraysi dheer
oo ilaa gudoomiyhii gudigan ka qayb galay ku helay: (a) in aan la
raacin siyaasadda ku cad warqaddan (b) in gudigaasi aanu wada shaqo
gelin guud ahaanba (c) in wixii kasoo xarooday dhaqaalahaas loo
isticmaalay si habacsan goboladuna aany u sinayn (d) in aanay jirin
dhaqaale loo meel dhigay maalmihii ugu dambeeyey ee ololaha oo 70%
xafiisyadii iyo guryihii taageerayaashu kusoo hirteen laga waayey wax
dhaqaalaa ah xataa sharaab ama biyo loo siiyo gudiyadii shaqaynayey
iyo taageerayashii.
Waxa guriyihii iyo xafiisyadii goboladda qaarkood lala wareegay
saacadihii dambe markii inamadii iyo hablihii joogey ay soo rogan
waayeen wax lagu sii hayo gurayahaas. Waxa habeenkii 25 June ee
codbixintu dhacaysay berri dhawaaq dheer soo qayliyey masuuliyiintii
iyo gudiyadii goboladda, iyagoo ogaa in saacadaha yare e hadhay ay
muhiim yihiin, dalkana lacag lagu kala wareejinayo habeenkaas.
Masuuliyiin badani waxay noo sheegeen in xataa telefoonadii laga qaadi
waayey, oo masuuliyiintii u xil saarnaa dhaqaalaha iyo gudiyadii iyagu
ay is-waayeen. Qaabka loo maamulay wixii la hayey ayan ahayn mid ku
dhisnayd nidaam ama qorshe dejisan.
3.4. Hogaanka sare ee xisbiga
Hogaanka sare ee xisbiga uu ugu horeeyo gudoomiyuhu waxay guddigan
hortiisa ka qireen in aanu jirin maamul dhisan 5-ta gobol Maroodijeex
mooyaane, ayadoo cabashooyin badan ka imaanayeey goboladaas waxna laga
qaban. waxa jiray isqabsi goboladda Togdheer, Sanaag, Sool iyo Awdal
oo dhamaantood eeda la saarayey gudoomiyayaasha. Waxa intaa dheer,
hogaanka xisbigu wuxu qaatay siyaasad ku salaysan in uu cod lixaad leh
ka helayo gobolada bariga (Togdheer & Sanaag) kuwaas uu siiyay
wakhtigii ololaha intii u badnayd iyo dhaqaalihii u badnaa maadaama uu
aaminsanaa in uu ka helayo cod 45% codadka Guud. Inkastoo guud ahaanba
dhaqaalaha lagu bixiyey ololaha uu aad u hooseeyey gobol kasta.Marka
la eego heer qaran iyo gobolba, Hogaanka sare ee xisbigu isagaa xushay
dadkii ololaha hogaaminayey. Dadkaas, intooda badani may ahayn Kaadir
UCID oo xisbigu soo rabaystey. Waxa intaa dheer, khibrad ahaan may
gaadhsiisnayn halkii loo bahnaa. Aqoonta halkan ku xusani waa aqoontii
dadka iyo codbixiyaha (Local knowledge and Electrol Behaviour). Waxa
iyana cad, in qaabka loosoo xulay aan lagu salayn tashi badan.
Dhinaca kale, masharaxiintu may hor keenin xisbiga dhaqaale ay ugu
talagaleen wakhtiga doorashada. Manay muujin ilo dhaqaale oo qeexan.
Tani waxay keentay in aan la ogayn berri oo dhoolatusku dhacayo wixii
lagu hawl geli lahaa. Isla markaana lama aqoon maxaa gacanta inoogu
jira ama khasnadda ku hadhsan. Waxa xusid mudan, in warqadda
tusaysaysa miisaaniyadda doorshada lagu gelayo (1.3 Mil USD) aanay
suntan meesha dhaqaalahaasi ka imanayo. Markii gudigu waraystay
masuuliyiintii dejisay qorshahan dhaqaalena, waxay eedda ku tureen
hogaanka xisbiga (Musharaxa Faysal, Gud. Barlamanka Cirro iyo
Musharaxa Kuxigeen Maxamed Rashiid) oo noo sheegay bay yidhaahdeen in
lacagtaasi gacan ku jirto. Arinkan oo beeray is-dhigasho tuhun aan run
ahayn iyo milo-awaal aan xaqiiqo ahayn. Waxay guntii noqotay in
adduunkii lagu dagaal galay uu ahaa wax aan u dhawayn mala-awaalkii
hore loo sawiray. Waxana lacagtani inteeda badan ka timi, kaalmo
ganacsato reer Somaliland ah iyo qurba jooga xisbiga taageeradooda oo
keliya.
3. QAABKA DOORASHADU UGA DHACDAY LIXDA GOBOL
Guddigu wuxu qirayaa in dhamaan lixda gobol ee Somaliland ay
doorashadu uga dhacdey hab nabadgelyo, iyadoo aaney dhicin
dhibaatooyin la hseegi karo. Iyadoo dhamaan bulashada reer Somaliland
ay si muuqata oo wadaninimo ku dheehan tahay uga qayb qaateen
doorashadaas. Taas oo la odhan karo in ay sabab u ahayd laba arimood:
dadka oo u oomanaa isbedel siyaasaseed oo ay ku gaadhaan himiladooda
ka mid-noqoshadda bulshadda caalamka (International Community) iyo
xukuumadda talada haysa oo muddo-dhaaftey. Sidaa awgeed, bulshadu
xiiso badan ayey u qabtey doorashadda iyo codbixintaba. Iyadoo ay
taasi jirto, ayaa hadana waxa uu gudigani soo taabtey in aaney
bulshadu u codayn sidii laga filayey, iyadoo ay codkooda bixiyeen in
ka yar klabadh (538,246) tiradii xaq u lahayd iney codeeyaan. Qormadan
waxanu kusoo bandhigaynaa sida Xisbigu uga hawl-galay gobol kasta iyo
goldaloolooyinkii jiray. Iyadoo aan gobol kasta miisaanka u saari
doono gaarkiisa:
3.1. Gobolka Maroodijeex:-
Guud ahaanba G/maroodijeex doorashadu waxay ku dhacday si nabadgelyaa
waxaanay ku dhamatay waqtigii loogu talagalay hasayeeshee kamay
madhnayn; maamul xumo, is daba marin iyo ku shubasho (Gabilay).
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID wuxuu ka helay codkii ugu badnaa
oo dhan 62,983.
Iyadoo uu xisbigu ka galay G/Maroodijeex kaalinta labaad ahaydna in uu
qaato kaalinta kawaad. Hadaba gudigu waxaa uu helay in arrintaas ay
ugu wacnayd sababaha soo socda:-
iyadoo wax yar uun doorashada ka hor la magacaabay (5 may 2010)
guddiga Guud ee ololaha doorashada oo ay ka maqanayd khibrad iyo
xeel-dheeri wadciga yaala gudaha dalka.
Magacaabida guddiga Guud ololaha qaranka iyo kan gobolka (Maroodijeex)
waxay khalkhal galisay maamulkii iyo habsami u socodkii shaqada
gobolka. Iyadoo maamulkii gobolka, dhalinyaradii iyo haweenkuba ay
dareemayn in maamulkoodii la dul keenay maamul cusub. Waxay isku
raacayn dhamaan qaybaha maamulka G/Maroodijeex ee gudigu waraystay, in
ay u arkeen arrintaasi mid hogseeg ah oo curyaamisay masuuliyadii iyo
shaqadii ay xisbiga u hayeen. Isla markaana aan la isticmaalin
maamulkii gobolka guud ahaan mudadii ololaha doorashada. Tani oo mar
labaad keentay, wada shaqayn la’aan, calool xumo iyo khilaaf
ragaadiyay habsami u socodkii ololaha doorashada gobolka.
Qaabka loo xulay muraaqibiinta gobolka maroodijeex iyo aqoonta ay u
lahayeen shaqadaas oo liidatay. Taa waxaa dheeraa, iyagoo intooda
badani aanay hore u ahaan jirin xisbiga, sidaa awgeed may jirin
kalsooni iyo qiiro ay muraaqibiintu u qabeen xisbiga, waxayse
arrintoodu ku ekayd ka shaqaysi iyo aduunyo doon. Waxaa intaa dheeraa,
saadka iyo sahayda muraaqibiinta oo aad u liidatay ama aan jirinba.
Muraaqibiintu may ahayn kawaadir xisbigu soo rabaystay oo ka tirsanaa
intooda badani. Waxayse ahaayeen dhalinyaro hamigoodu ahaa ka
shaqayasi iyo helid dhaqaale oo keliya. Arrimahaas iyo kuwa la mid ah
waxay sahleen in si dhib yar loo marin karo ama loogu jahayn karo
wixii la doono.
Dhaqaala xumo iyo agab yaraan saamaysay guud ahaanba gobolka gaar
ahaana 3-dii maalmood ee u dambeeyay. Iyadoo hawlwadeenadii,
taageerayaashii iyo dadkii codka ula diyaarka ahaa xisbiga ay sugayeen
in la bixiyo dhaqaale lagu kasbado codka dadka laguna sii hayo goobaha
iyo guryaha u furnaa xisbiga. Waxa kaloo taageerayaasha xisbigu
sugayeen in la soo booqdo oo waciygelin loo sameeyo goobihii iyo
guriyhii ay joogeen. Xagga agabka, waxa ka dhacay khalkhal fara badan,
iyadoo ay dadku aad u raadinayeen calamada iyo astaamaha xisbiga aadna
u jeclaayeen. Ayaa hadana waxa dhacdey inaan si fiican loo maamulin,
lagana haqab tirin taageerayaashii u oomanaa. Arimaahaas iyo kuwo
kaleba waxay niyad jab weyn ku abuurtay taageerayaashii mudada dheer
naawilayeey guusha xisbiga. Sidaa awgeed, waxaa fududaatay in
xisbiyada kale la wareegaan goobo iyo guryo badan oo taageersanaa
xisbiga UCID.
Ugu dambeyn, Waxa hubaal ah in Degmada Gebilay ay ka dhacdey ku
shubasho xooggan uu sameeyey xisbiga doorashadda ku guulaystey ee
Kulmiye. Iyadoo taasina ay ku dhacday gudoomiyaha loo magacaabay
degmada (ololaha) oo ku cusbaa xisbiga, muraaqibiinta oo loo xulay si
aan habaysneen iyo hawlwadeenada komishinka oo aan wax ka qaban
cabashooyinkii xisbigu uu u gudbiyay.
Gobolka Awdal:-
Guud ahaan doorashadu waxay uga qabsoontay si nabadgelya ah waxaanu
ahaa gobolkii uu ka sharaxnaa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID.
Sidaa awgeed waxaa xisbigu ka filaayeey taageero mug leh iyo cod xaddi
leh. Nasiib darro arrintaasi sidaa uma dhicin.
Qaabdhismeedka maamulka gobolka oo liitay iyo iyadoo inta badan aan
gudoomiyuhu ka shaqo-gelin xafiiskiisa.
Dhaqaale xumo iyo iyadoon loo qoondeen wax lacag ah oo gobolka lagaga ololeeya.
Qaabka loo xulay muraaqibiinta oo dhalisay wareer badan iyadoo liiska
la badalay dhowrjeer. Meelaha qaarkoodna aaney gaadhinba wax
muraaqibiin ahi.
Maamulka gobolka (gudoomiyaha) oo aan u hagar bixin ololaha doorashada.
Iyadoo aan si buuxda looga ololayn dhulka ka baxsan degmada boorame
Khudbadii musharaxa madaxweynaha 17 June 2010 oo ka jeediyay boorame
oo qaar ka mid ah saxaafadu suxun u turjumeen.
Mashaqada ceel bardaale oo samayn ku yeelatay codbixinta gobolka.
Labadii wasiir ee reer burco ee iska casilay xukuumada UDUB iyo
jawaabtii uu ka bixiyay madaxweyne Rayaale oo qaybisay codbixyaasha
gobolka taageerayaal badana ay dib ugu laabteen UDUB.
Ku shubasho iyo kunoqnoqsho xun oo ka dhacday degmooyinka qaarkood.
Iyadoo 2-da xisbi ay hore uga urusadeen kaadhadhkii cod-bixinta
muwaadinin badan. Kuwaas oo weli qaarkood ku jiraan goobihii lagu
urursadey.
Shahaadooyin ay bixiyeen Guddiga doorashooyinku oo metelayey kaadhadh
la waayey aan loo ogolaan in lagu cod-bixiyo.
3.3. Gobolka Togdheer:-
Guud ahaan doorashadu waxay uga qabsoontay si nabadgelya ah. Gobolku
wuxuu ka mid ahaa gobolada uu xisbigu ku haystey taageera xoogan kana
filaayeey cod badan. Waxanu gobolku ahaa meelihii uu xisbigu geliyey
dhaqaalihii ugu badnaa waqtiga ololaha, marka loo eego gobolladda
kale. Waxanu murashaxa madaxwaynuhu waqtigiisii ugu badnaa xilligii
doorashada siiyey gobolkan. Taas oo uu xisibiggu ka qabay isku halayn
badan. Hase yeeshee, Waxa uu xisbigu ka helay 14,294 waxaanu galay
kaalinta sadexaad. Qodobada ugu waaweyn ee keenay guuldara gobolka
Togdheer waxay ahaayeen:
Gudoomiyaha gobolka Togdheer xogihii iyo waraysiyadii aanu ka helay
taageerayaasha xisbigu waxay tilmaameen inuu xidhiidh hoose lalahaa
xubno sare oo ka tirsan xisbiga UDUB. Inkastoo uu gudoomiyuhu aad uga
horyimi xogahaas, kuna tilmaamay waxba kama jiraan.
Maamulka gobolka oo ay ka jirtay qabyo badani, awoodda maamulna ay ku
urursanayd gacanta gudoomiyaha, ilaa laga gaadho ololaha doorashada
dhexdiisa. Waxana jiray khilaaf jiitamay oo u dhaxeeyay maamulka
gobolka, degmada iyo qaybo dhalinyarada.
Xisbiga oo ku guul daraystay in uu keeno gobolka ashkhaas magac iyo
maamuus ku leh, ama siyaasadda hore ugu soo jiray in kastoo oo gudigii
ololaha doorashada ay gacanta ku qabteen madaxdhaqameedyo badan.
Gobolka waxaa u joogay xisbiyada kale kawaadir adag ama wasiiro xilal
ka haya dawlada halka xisbiga UCID kawaadirta u joogtay ay ugu
waynaayeen 2 xildhibaan.
In kastoo xisbigu ku isticmaalay gobolka togdheer dhaqaale aan yarayn
hadana may awdin baahidii dhaqaaleed ee meesha taalay. Iyadoo
xisbiyada kale ay isticmaalayeen maaliyad xoog leh. Guryo badan oo
laga taageerayeey xisbiga ee galbeedka Burco waxa habeenadii ugu
dambeeyay loo waayay biyihii iyo qaadkii lacag la’aan awgeed. Waxa
iyana xusid mudan in dhaqaale wixii gobolka gaadhay loo badiyay
degmooyinka iyo miyiga. Halka ay ahayd in awood dhaqaale iyo farsamo
la saaro caasimada Burco.
Taageerayaashii xisbiga gobolka togdheer waxay u qaybsamayn 3 qaybood;
Koox qalbiga ka taageersan xisbiga oo aan kaadhadh qaadan (Wadaadada)
Koox kaadhadhkoodii aan gacanta ugu jirin oo hore looga uruursaday.
Koox loo sheegay in laga iibsanayo codkooda (reer miyiga). Kuwaas oo
ku hongoobay dalabkoodii.
Xisbiga oo ololaynta iyo waciyigelinta ka bilaabay gobolka togdheer goor dambe.
Khudbadii murashaxa madaxweynaha ee sida khaldan loo turjumay (17 june
Boorame) oo samayn xoog leh ku yeelatay taageerayaasha xisbiga ee Reer
Togdheer
Qaadashada shareecada oo markii ugu horaysay murashaxu kaga dhawaaqay
Burco oo laga bixiyay tafsiiro kala duwan. Isla markaana aan si qeexan
loogu dhigin golayaasha wax garadka iyo culumada.
Goobaha hawdka oo kaadhadhkii dadka ay gacanta u galeen haydh-tuulo
iyo cuqaal daacad u ah xisbiga UDUB. Tani oo dhalisay in kaadhkii iyo
codbixiyihii ay is waayaan
Barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga oo ahaa mid ku salaysan nidaam
maamul casri ah. oo aan la jaan qaadayn hab dhaqanka siyaasadeed iyo
beeleed ee gobolka. Taasi oo sababtay in dhaqaale badan iyo tamar
badan loo isticmaalo
Wasiiradii is casilay ee UDUB oo ka soo jeeday gobolkan waxa ay
sababeen in siyaasadda gobolku is bedesho isla markaana taageerayaal
badan oo ka soo go’ay UDUB ay dib ugu laabtaan.
Ku shubashada iyo ku celcelinta aan loo miidaan deeyn oo ka dhacday
bariga Togdheer. Iyadoo goobo ka mid ah bariga Burco uu hal qof ka
codeeyay 30 jeer. Goobo kale oo bariga Togdheer ahna muraaqibiintii
iyo kumishinka goobaha lala heshiiyay, ka dibna waraaqihii codbixinta
lagu shubay sanaaduuqda.
3.4. Gobolka Sanaag:-
Inta badan doorashadu waxay uga qabsoontay si nabadgelya ah marka laga
reebo goobo ka mid ah bariga sanaag oo waxoogaa shaqaaqooyin ah ka
dhacayn. Gobolkani wuxu ka mid ahaa gobolada xisbigu ka haystay
taageero sare, kana filayeey cod door ah. Nasiib daro taasi ma dhicin.
Waxaanu xisbigu ka helay gobolka 7,304 waxa guddiga u soo baxaday
sababaha hoos ku qoran;
iyadoo haba yaraatee maamulka gobolku aanu dhisnayn, jirina guddi
shaqaynaysa marka laga reebo gudoomiyaha gobolka, garabka dhalinyarada
iyo garabka haweenka.
Xisbiga oo ku guul daraystay in uu keeno gobolka ashkhaas magac iyo
maamuus ku leh. Kuna balan qaaday bilawgii ololaha in ay soo socdaan
qorba joog iyo rag miisaan ku leh gobolka.
Liiska muraaqibiinta oo wax laga badalay ka dib markii hay’adii
tababaraysey ay dhintay tirada muraaqibiinta goobaha.
Qaabka hab beeleed ee looga dhaqmo gobolka oo saamayn ku yeeshay
codbixinta. Iyadoo maalmihii u dambeeyay shaki badani galay beeshii uu
xisbigu ku tiirsanaa.
Dhaqaale la’aan ku dhacday hawlwadeenada iyo taageerayaasha xisbiga,
maalmihii u dambaysay doorashada. Taasina keentay in 17 guri oo laga
taageero xisbiga lacag lagula wareegay. Arrintaana ay sameeyeen
xisbiga UDUB.
Dadkii u codayn lahaa UCID oo inta badan aan gacan ku hayn
kaadhadhkoodii, oo gacanta ugu jiray madaxdhaqameedyo iyo
ganacsadayaal.
Khudbadii murashaxa madaxweynaha ee sida khaldan loo turjumay (17 june
Boorame) oo samayn xoog leh ku yeelatay taageerayaasha xisbiga ee reer
sanaag.
Ku shubasho xoogan oo ka dhacday gobolka intiisa badan iyadoo si cad
iyo si qarsoon loo kala iibsanayeey kaadhadhka iyo waraaqaha
codbixinta. Arrintaana si aan loo aaba yeelin u sameeyeen xisbiga
Kulmiye.
Iyadoo xisbiga kulmiye si habaysan gacanta ugu dhigay hawlwadeenada
kumishinka ee heer gobol iyo heer degmaba.
Maamulka gobolka oo aan xidhiidh wanaagsan la lahayn degmooyinka
gobolka. Iyadoo aan maamulku samayn kormeer iyo waciygelin degmooyinka
iyo tuulooyinka ay suura gal ahayd.
Iyadoo ay suura gal ahayd in la iibsado kaadhadh iyo waraaqaha
codbixinta ha sayeeshee hogaanka sare ee xisbigu oo arrintaa ka hore
yimid.
3.5. Gobolka Saxil:-
Guud ahaan doorashadu waxay uga qabsoontay si nabadgelya ayadoo
xisbigu ka helay 3110 cod. Inta aanu ognahay,ma jirin ku shubasho ama
ku noqnoqasho baahsani.
Inkastoo maamulka degmada Sheekh uu ahaa mid adag oo wada shaqaynaya,
hadana Berbera waxaa ka dhisnaa maamul jilicsan. Sababaha keenay in
xisbigu ku liito gobolka waxaa ka mid ahaa;
Bulshada gobolka gaar ahaan magaalo madaxda Berbera oo asal ahaan
taageera kalsooni buuxdana u haya xisbiga UDUB.
Kawaadirta xisbiga ee ka ololaynaysey gobolka oo ahaa qorbajoog aan
aqoon badan u lahayn hab dhaqanka iyo dabiicadaha bulshada.Tani oo
keentay khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo maamulkii gobolka. Iyadoo
dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka oo ka soo jeeda gobolka iyo
saraakiil sare oo ka tirsan xukuumaddu muda dheer ka ololaynayeen
gobolka (3 Ministaries vice President & Berbera port DG).
Inta badan tuulooyinka bariga gobolka oo aan helin kormeer iyo
waciygelin ku filan, iyadoo taageerayaal badan oo iskood isu abaabulay
ay waayeen xataa cid la hadasha. Tani oo ku keentay niyad jab xun.
Dhaqaalo xumo baahsan iyo agabka oo ku yaraa gobolka waxay keeneen in
laga tamar roonaado ololaha xisbiga.
Khudbadii murashaxa madaxweynaha ee sida khaldan loo turjumay (17 June
Boorame) oo samayn xoog leh ku yeelatay taageerayaasha xisbiga ee
reer Saaxil.
3.6. Gobolka Sool:-
Inta badan doorashadu waxay uga qabsoontay si nabadgelya ah marka laga
reebo goobo ka mid ah gobolka oo waxoogaa shaqaaqooyin ah ka dhaceen.
Gobolkani wuxu ka mid ahaa gobolada xisbigu ka haystay taageero sare,
kana filayeey cod door ah. Nasiib daro taasi ma dhicin. Waxaanu
xisbigu ka helay 1,487 Cod. waxa guddiga u soo baxaday sababaha hoos
ku qoran;
Habacsanaan baahasan oo ka jirtay maamulka gobolka taasoo sababtay
khilaaf wada shaqayn la’aan jiitantay.
Degmooyinka iyo tuulooyinka ka baxsan xarunta oo aan Helin kormeer iyo
wacyigelin ku filan
Dhaqaale xumo ka jirtay gobolka iyo wixii loo helay oo aan loo
maamulin sidii loogu talagalay.
Booqshadii musharaxa madaxweynaha iyo waftigiisa oo ay saluugeen
taageerayaasha xisbiga (not enough time given local leaders). Iyadoo
maamulka gobolku ay qorsheeyeen fadhiyo iyo shirdoceedyo ay waftigu la
galaan madax-dhaqameedka haweenka iyo dhalinyarada gobolku taasi oo
aan dhicin. Waxa iyana jirtay ballan qaad dhinaca waftiga ah in ay ku
soo noqdaan lascaanood mar labaad, arrintaasi ma dhicin, waxaanay
sababtay niyad jab ku yimi taageerayaasha xisbiga ee gobolka.
Isbedelo degdeg ah oo lagu sameeyay maamulka gobolka (muddadii uu
ololohu socdey) waxay sababeen khilaaf iyo wada shaqayn la’aan.
4. HAWL-GALKII IYO HAB-DHAQANKII KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA
(National Electrol Commission-NEC)
Gidigga Doorashooyinka Qaranku waxay u dhexeeyeen dhamaan axsaabta iyo
tartamayaasha doorashadda waxanay ku jireen halka siidhi-waluhu ugu
jiro kooxaha cayaarta kubaddu ku dhex marayso garoon siman. Komishanka
qaranku wuxu ka koobnaa 7 xubnood uu gudoomiye u ahaa Eng Ciise
Xamari. Waxa hubaal ah oo la wada qirayaa inuu ahaa komishankii ugu
ceebta yaraa dhexdooda. Mana dhicin isqabsi, is-diidanaan iyo kala
hadal soo shaac baxay oo laga maqlay/arkay intii ay xilka hayeen. Mana
dhicin in ay is buriyaan ama shir-jaraa’id ay kala qabtaan sidii hore
looga bartay Gudigii iyaga ka horeeyey. Tani waxay dhaxal siisey, in
sumcad wanaagsan iyo kaloosami lagu taageero. Isla markaana niyad
samaan iyo aaminaad culus loo muujiyo. Inkastoo hadaba uu sawirkaasi
run yahay marka la qiimeeyo 7-dii qof ee la doortey. Nasiib darro,
waxa cadaatey sawir aad uga duwan kaa hore marka hoos loogu daadego
dhamaan xubnihii heer gobol, degmo ama goobeed. Waxase kasii daran
markii dhab ahaan loo derso Mucjisadii Server-ka (The Big Server
Myth).
4.1. Mucjisadii Diiwaan gelinta iyo Ma dhalaysnimadii Server-ka
Waxa dalka laga qabtey is-diiwaan gelin ka dhacday guud ahaan 6-da
gobol Jamhuuriyadda Somkaliland marka laga reebo goobo Sanaag Barri ah
iyo Buuhoodle. Diiwaan-gelintu waxay gundhig u ahayd laba arin (a) in
la helo tirada xaq u leh codbixinta heer gobol ilaa goob (b) in ay
dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah (one man one vote). Haddii
codbixiye kastaaba qaato hal kaadh oo uu coddeyo hal mar waxay noqon
lahayd in ay rumowdo riyadii doorshao xor iyo xalaal ah. Mar haddii
aanay sidaa ahayn, oo codbixiyuhu qaatay kuna codeeyey hal kaadh wax
ka badan lama odhan karo in ay dhacday doorasho xalaal ahi. Maxaa
hadaba sababay in tani timaado:
4.2. Sawirkii dadwaynuhu ka fahmeen diiwaan-gelinta iyo wixii ka soo baxay.
Diiwaan-gelintu asal ahaan waa in muwaadinka loo sahlo sidii uu
codkiisa u bixin lahaa si nabad gelyo ah oon musuqmaasuq ku jirin.
Diiwaangelintu waxay saldhig u ahayd habsami socodka iyo qiimaynta
doorashada. Waxa komishanku qoondeeyey in doorashu dalka oo dhan kusoo
dhamaato muddo hal bil ah. Waxayse dib ka go’aamiyeen in lagu daro 10
cisho oo dheeraad ah si dadkii aan nasiibka u helin markii hore isu
diiwaan geliyaan. Waxa ku baxay dhaqaale tiro badan, waxa la
isticmaalay logistikadii dawladda, waxa la geliyey tamar tacab iyo
xoog naf iyo maalba leh. Nasiib daro, Natiijadiii tacabkaasi waxay
noqotay is diiwaan-gelintii loo fahmo tiro-koob iyo yaan lagaa badan.
Waxay qaadatay micyaar qabiili iyo gobolaysi ah (regional & tribal
dimension). Waxanay noqotey in is-diiwaan gelinta lagu celceliyo
iyadoo qofku isku deyayo inuu jahawareeriyo agabka iyo shaqaalaha
hawsha wada. Sidaa darteedna, isu yeelo kolba suurad cusub iyo weji
cusub. Gobolkastaa iyo ciddii degtaaba waxay isku dayeen inay ka tiro
bataan goboladdii ka horeeyey. Waxa la isticmaalay wax kasta oo suurto
gal ah iyo waxaan ahaynba si kor loogu qaado tiradda iska diiwaan
gelisay gobolkaas, degmadaas ama goobtaas.
Qof kastaaba wuxu qaatay kaadhadh badan intii u suuro gashay. Waxa ugu
musuq yaraa gobolka Saaxil oo diiwaan gelintu ka bilaabantay. Waxana
ugu xumaa gobollada barigga (Togdheer, Sanaag iyo Sool). Shaqaalaha
diiwaan gelintu waxay ahaayeen kuwo aan tababar badan qabin, agab
liita iyo faham daro ujeedadda shaqadooda ka haysatey iyo kharash
la’aan ayaa kaliftay in dhexdooda laga shaqaysto. Waxa Inter-Peace
xisbiyada ku beer laxawsatey in kaadhadhkaas la qaban doono oo
SERVER-ku uu kala shaandhayn doono. Qof kastaana heli doono hal kaadh
oo keliya. Waxa la aaminay in server-ku oo soo dhufanayo markiiba
muwaadinka ku noqnoqday ee dhowr meelood iska diiwaan geliyey. Ugu
dambayn 27kii July 2009 ayaa natiijadii kala shaandheynta
Diiwaamgelinta ay Hay’adda Inter-peace u gudbisay xisbiyada qaranka.
Waxanay cadeeyeen in weli qalad ku jiro diiwaan gelinta oo sidaa lagu
galo ama lagu galo diiwaan gelin la’aan.
1. Waxa gudigani xaqiiqo ku heleen arimahan hoos ku qoran:
In guud ahaanba Serverku ahaa mala-awaal (Myth) aanay jirina wax uu
kala hufay haba yaraatee.
Qof kastaa wuxu helay tiradii kaadhadhka uu hore u qaatay waqtigii
diiwaan-gelinta
waxa gudigani gacantooda ku taabteen wiilka markii horena is-diiwaan
geliyey 7 goor. Server-kuna siiyey 7 kaadh, ninka haysta 14 kaadh,
ninka ku codeeyey 30 jeer…iwm
Dadkii xisbiga u matalayey shirarka Komishanka may keeni jirin xogo
dhab ah ama may fahminba waxa socda. Kayse Cali Geedi ahaa ninka inta
badan hawshaa xisbiga u hayey waakii marqudha u diga rogtey UDUB
waxanu la tegey xog wixii uu hayey.
Xoghayihii guud (Talaata-codle) wuxu inta badan hayey xidhiidhka
xisbiyada kale, waxanu ogaa hawlaha Inter-Peace wado. Marna muu muujin
wax tilmaamaya khatarta Inter-Peace iyo Server-ka. Xoghayuhu wuxu oo
isna is-casilay waqti xun, waxanay xisbiga ku noqotay haraati aan loo
baahneyn.
Qaabkii loo qaybiyey kaadhadhkii cod-bixintu wuxu ahaa Ceeb Qaran.
Waayo, boqolkiiba 60% kaadhadhka codbixinta waxa gacanta loo geliyey
madax-dhaqameed, masuuliyiin xisbi ama hawl wadeeno xukuumi ah. Waxa
nasiib daro ahayd, in badan oo ka mid ah muwaadiniinta aan kaadhkoodii
gacanta loo gelin. Waxa kadibna lagu baayactamay kaadhadhka
cod-bixinta oo ka buuxa jawaano kuna xaraysan bakhaaro iyo guryo
(waxanu haynaa cadayn markii loo baahdo)
Cod-bixiyayaal badani waxay goobaha yimaadeen iyagoon haysan kaadh,
loona sheegay in kaadhkoodii hebel u hayo. Laakiin hebelkii ma joogo
meesha (tusaale: galbeedka iyo hawdka Burco).
Ugu dambayn, Waxa warbixinatani cadaynaysaa in ay dhamaan ka dhacday
gobolladda oo dhan: Maamulxumo baahsan oo ah Komishanka
doorashooyinka, tayo darro dhinaca agabka la isticmaalay, tababar-xumo
shaqaalaha ah, isgaadhsiin daciif ah (weak logistics) iyo nidaamkii
guud ee doorashada lagu galay oo lahaa goldaloolooyin fara badan.
Sidoo kale, waxa warbixintu run u heshay (facts and figures) in
gobollada: Awdal, Togdheer, Sool, Sanaag iyo degmadda Gebiley ay ka
dhacday isdaba-marin iyo ku shubasho cad aan loo meel dayin.
4.3. Goldaloolooyinka Nidaamka Guud ee Doorashada: Iyada oo Xisbiga
Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) uu hormuud ka ahaa yagleelidda
nidaamka diiwaan gelinta codbixiyayaashaya iyo suurtagelinta
helitaanka kaadhka aqoonsiga muwaadinka iyo codbixinta si loo helo
doorasho xor iyo xalaal ah. Lana ogaa in xisbigu taageero buuxda
siiyey dhamaan heerarkii ay arintan geedi-socodkeedu soo martey sida;
diiwaangelnitii kala shaandheyntii Server-ka, demintii muramadii ka
aloosmey arintaas iyo kaadh bedelashadiiba. Hadaba, Waxa rajo-wayn ku
qabeen bulshadda Somaliland guud ahaanba iyo Xisbiga UCID gaar ahaan
in nidaamkaasi uu u shaqeeyo si hufan, sax ah, cadaaladd ku dhisan oo
waafaqsan dhamaan xeerarkii iyo heshiisyadii la wada qaatey. Waxa
xusid mudan in la tilmaamo, sababihii dibu-dhaca doorashada oo qaatey
ku dhawaad 3 sano ay qayb ka ahayd isbedelkii lagu sameeyey Gudiga
doorashooyinka qaranka si loo helo Guddi lagu kalsoon yahay iyo nidaam
saxan oo shaqayeeya. Nasiib darro nidaamkaas aynu wada aaminey wuxu
yeeshay khaladaad badan oo aan laga fileyn, iyadoo aanu, guddi ahaan u
sibir-saareyno khaladaadkaas gudigga Doorashooyinka Qaranka.
4.4. Tayo-darradda Agabka Komishanka: Waxa xaqiiqo ah in agabkii loo
isticmaaley doorashu uu ahaa mid tayadiisu liidato, Tusaale ahaan: (a)
Khadka far-mariska oo ahaa mid si fudud loo tirtiri karo, sababayna ku
noqnoqosho aan loo meel deyin. (b) Kaadhadhka codbixinta oo si baahsan
loo qaatey hal wax ka badan laguna codeeyey, shaqaalaha goobta
codbixintuna aaney awood u lahayn iney joojiyaan arintaas qalab la’aan
awgeed. (c) Gudiga doorashooyinku waxay muwaadiniinta siiyeen
Shahaadooyin u metelaya kaadhkoodii codbixinta. Shahaadooyinkaasi
sawir may lahayn, lambar lagu gartona may lahayn.Goobo badan lama
keenin magacyada muwaadiniintii la siiyey shahaadooyinkaas. Taasina
waxay sababtey in aaney muwaadiniintaasi bixin codkii ay xaq u
lahaayeen. Sidoo kale, waxa dhacdey in gobolladda qaarkood
hawl-wadeenadii u joogey komishanku ay diideen in lagu codeeyo
shahaadooyinkaas. Sidaa awgeed, Waxa cad in shahaadadaas ay ahayd mid
aan laga fiirsan bixinteedu. (d) Warqadii uu codbixiyuhu saxeexi lahaa
oo aan guud ahaanba sidey ahayd loo raacin. Suulka codbixiyaya oo aan
ahmiyad wayn la siin guud ahaanba gobolladda dalka.
4.5. Maamul-xumo Baahsan: Waxa Guddigan u cadaatey in hawl-wadeennadda
Gudiga Doorashooyinka heer gobol, degmo iyo goob ay qabeen tababar yar
ama aanu jirinba. Tusaale ahaan, markii goobaha qaar loo kala jabiyay
gooba yaryar (a,b,c) waxaa ku atkaatay hawlwadeenada komishinka inay
dadka ku hagaan goobaha ay codka ka bixinayaan. Waxa kaloo dhacday in
gobolada badankooda komishinka goobta uu lahaa go’aanka codbixinta.
Taasi waxay keentay in cabashooyin muhiim ah oo ay gudbiyeen axsaabta
qaranku laga gaadhay go’aamo aan cadaalad ahayn sida, sanaaduuq la
diiday iyo kuwo dib u tirin u baahnaa oo aan dib loo tirin. Guud ahaan
ba xubnaha komishinka sare saamayn badan kumay lahayn go’aamada ay
qaadanayaan hawlwadeenada heer gobol, degmo, ama goobeed.
3.6. Is-Gaadhsiin la’aan: guud ahaanba guddida doorashooyinka Qaranku
waxay haysteen waqti xadidan oo ay ku fidiyaan shaqaalaha,
muraaqibiinta iyo Agabka doorashooyinka. Gaadiidka la isticmaalayeey
oo tayadoodu aad u hooseeysay. Waqtiga iyo goobta lagu la balamay
hawlwadeenada oo ay ka dhacday khalkhal badan. Iyo iyadoo aan hagid
cad la siinin qaar badan oo ka tirsan hawlwadeenada komishinka iyo
muraaqibiinta. Arimahaasi oo dhami waxay sababeen in hawlwadeena
badani aanay tagin goobohoodii waqtigii loogu talagalay qaarkoodna ay
ka maqnaayeen, muraaqibiinta oo aan la siinin sahay taas oo u
noglaysay in si fudud oo aan sharci ahayn loo adeegsaday.
4.6. Ku shubasho baahsan: waxaa gudidan u cadaatay in ay dhacday ku
shubasho baahsan oo ay sameeyeen 2-da xisbi ee KULMIYE iyo UDUB. Ku
shubashadaasi waxay u badnayd gobolada: Togdheer, Awdal, Sanaag iyo
Sool waxaanay u dhacday sidan; kaadhadhka codbixinta oo goobahaasi
intooda badan aanay gacanta ku haysan muwaadiniintii iska lahayd,
laakinse ay gacanta ugu jireen shakhsiyaad ka tirsan 2-daa Xisbi ama
taageeraya. Taasi waxay sahashay in waraaqaha codbixinta la
calaamadiyo sanduuqa xisbiga la rabo iyadoo aan loo baahan qofkii
kaadhka lahaa. Waxa kaloo iyana dhacday in shakhsiyaad iyo kooxoba ay
ka ganacsadeen kadhka codbixinta iyagoo qiima ka soo siistay cidii
iska lahaa qiima kalana kaga iibiyay hawlwadeenada 2-daa xisbi. Ku
shubashadu waxay aad ugu badnayd gobollada bariga, waxana ku shubtay
xisbiga KULMIYE. Waxa xaqiiqa ah in xisbiga cadaalada iyo daryeelka
UCID uu ka rumeeyay fariintii uu gaadhsiiyay taageerayaashiisa oo
ahayd in ay hal mar oo xalaal ah u codeeyaan.
Marka laysku soo duubo, waxa u soo baxday guddidan, in ay wadanka ka
dhacday cadaalad darro xun, musuqmaasuq iyo ku shubasho baahsan. Haba
u baadnaato gobolada Awdal, Togdheer, Sanaag iyo Sool. Arintaas oo ay
sababteeda lahayd guddida doorashooyinka Qaranka oo aan u diyaarin
waqti ku filan iyo agab tayo leh, guud ahaanba doorashadii dalka ka
dhacday 26 juun 2010. iyadoo dhinaca kalena, xisbiyadda UDUB iyo
KULMIYE ay si cad oo ula kac ah u sameeyen musuqmaasuq, ku-shubasho
habaysan iyo maalliyad baaxad leh oo ay ku iibasadeen codka muwaadinka
iyo kaadhadhkaba. Qormadan gunaanadkeedu waa: (a) In Komishanka
doorashooyinku dusha sare ka dhisnaa, laakiin, aanu awood badan ku
lahayn waxa ka dhacaya heer gobol iyo waxii ka hooseeya (b) in dhamaan
agabka iyo hawlgalka Komishanka wax ka dhinaayeen. In waqtiga iyo
agaasinka doorashu ceebo badan lahaa. In Komishanku lahaa yool keliya
oo ah in doorasho dhacdo oo ay iclaamiyaan natiijo. In aanay dheg
jalaq u siin cabashooyinkii qoraaladda ahaa ee axsaabtu u gudbisay. In
sida dusha sare loo dhigay aanay ahayn doorashu ee ku shubasho iyo
musuq mug wayni dhacay. In nidaamka doorasho ee hadda jira aan lagu
geli Karin doorshao dambe una baahan in wax laga bedelo.
GUNAANAD & GABAGABO:-
Waxa war-bixintan ku cad in guud ahaanba dalka ay doorashadu ku
dhacday si nabadgelya ah iyo hanaan dimuuqraadiyadeed. Hasa yeeshee,
ku dhawaaqida xiliga doorashadu oo ahaa degdeh aan qorhsaheeda laga
fiirsan. Nidaamka loo dejiyey doorashada iyo qorashaha logistikada ah
ee komishanku u dejiyeen oo lahaa gol daloolooyin cadcad. Intaa waxaa
dheeraa maamul xumo, tababar la’aan iyo tayo darro xagga agabka ah.
Waxa kaloo warbixinta u cadaadatay in ay dhacday ku shubasho, kaadh
iibsi, cod iibsi iyo is-dabamarin balaadhan. Waxa warbixintani xog
dhab ah ku heshay in guul darrada ku timi xisbiga UCID ay keentay
sababo badan. Oo ay ugu muhiimsanyihiin: Maamulka gobolada iyo
degmooyinka oo aan dhisneyn, awoodda maamul iyo agaasnika agabka
gobolada Awdal, Togdheer, Sanaag iyo Sool oo ku uruursanaa gacanta
gudoomiyaasha goboladaasi. Waxa iyana mudan in la xuso, in guud
ahaanba dhaqaalaha uu xisbigu ku galay doorashadda uu ahaa mid
xadidan, maamulkiisuna aanu qorshaysnayn, ilaha dhaqaale ee lagu
tiirsanaana aanay habaysnayn. Waxa loo aanaynayaa in taageerayaal
badan ay codkoodii kala noqdeen xisbiga balanqaad iyo damac aduunyo oo
ay ku hungoobeen awgeed.
Khudbadii Murashaxa Madaxweynuhu ka jeediyay Boorame (17 June) ee sida
qaldan loo turjumay waxay saamayn weyn ku yeelatay taageerayaasha
xisbiga ee gobolada Awdal, Togdheer iyo Sanaag, iyadoo laga fahmay in
murashaxu u jeeday codka siiya UDUB hadaad UCID siin waydaan. Waxa se
xaqiiqa ah in arrintaa ay buunuuniyeen qaybo ka mid ah saxaafada iyo
xubno u ololeenayey Xisbiga UDUB. Inkastoo dabbaqaadda shariicada
Islaamka ay ka mid ahayd barnaamijka siyaasada xisbiga kuna xusantahay
dastuurka Qaranka, hadana qodobkaasi wuxuu ahaa mid aan si mug leh
looga doodin xisbiga dhexdiisa, golayaasha culimada iyo aqoonyahahanka
toona. Waxaanay keentay dooda qodobkaasi muramo iyo fal-celimo is-ka
horjeeda. Waxaa guud ahaanba ku cad xogta ay warbixintani
xambaarsantahay in barnaamij siyaasadeedka xisbiga ku dagaal galay uu
baal marsanaa hab-dhaqanka siyaasadeed, iskooxaysiga beelaysan iyo
fahamka bulshada codka laga doonayo. Waxaa qodobkan laga xusi karaa
laba ariimood oo muhiim ah oo ay si qayaxan u sheegeen dhamaan
kooxihii iyo shakhsiyaadkii (6-da gobol ee dalka) ka qayb qaatay xog
uruurinta. Labadaa arrimood oo kala ah: in xisbiga ay ka madhnaayeen
siyaasiyiinta rug cadaadi ah, ashkhaas muhiim u ah beelaha oo ay
siyaasada ku qadariyaan iyo hurjoogayaasha beeluhu. Arrinka labaad
wuxuu yahay in wali nidaam beeleedkii shaqaynayo oo siiyaasada xoog ku
leeyahay bulshaduna ay weli talada siyaasadeed iyo ta dhaqanba ka
qaadato kuna qadariso ashkaas iyo rag ugu suntan hurmoodka iyo
hugaaminta siyaasadeed ee reerka. Iyada oo xisbigu sitay kuna
qanacsanaa barnaamuj siyaasadeed oo casri ah oo aanay weli bulshadu la
jaan qaadin. Wuxu xisbigu ka gaabiyay ka ololaynta iyo xodxodashada
beelaha iyo is-bedel doonka reeraysan oo ay uga fara dhuudhuubnaayeen
labada xisbi ee kale. Wuxu xisbigu isha ka laliyay shakhsiyaad miisaan
ku leh siyaasadda (isbedel doonka UDUB, UDHIS, kooxihii ka jabay
KULLMIYE ...etc) oo ay ahayd in lagu bixiyo waqti, fikir iyo maalba.
TILMAAMO IYO TALO SOO-JEEDIN
Socdaal dheer, xog uruurin, kormeer iyo tala raadin kadib waxaanu ku
talinaynaa qodobada soo socda:
6.1. Dhismo guud oo Xisbiga
Waxaa laga maarmaan ah in si degdeg ah loo bilaabo dhismaha maamul ee:
laamaha, tuulooyinka, degmooyinka iyo gobolada dalka oo dhan. Waxaanu
ku talinaynaa in la dhiso maamul cusub oo aaminsan mabaadii’ada
xisbiga dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka(fiiro gaar ah la siiyo
gobolada Awdal, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Degmada Gebilay).
6.2. Is-bedel hogaanka Xisbiga
Gudoomiyaha Xisbiga ee hadda (Eng. Faysal Cali Xuseen) waxa uu isusoo
taagay oo hogaamiyay Murashaxnimada madaxweynaha laba jeer (2003 iyo
2010). Waxana jawaabtii bulshadu noqotey “MAYA”. Sidaa awgeed, waxa
gudigani ku talinayaa in marka waqtigeeda la gaadho (shir waynaha
xisbiga) la doorto hogaan cusub oo xisbigga gaadhsiiya himilada uu
higsanayo. Iyadoo xeerka xisbigu xadeeyey in gudoomiyaha/musharaxa
madaxwaynaha uu is sharixi karo laba jeer oo keliya, sida ku cad
Qodobka 19 aad Faq.1aad ee xeerka xisbiga. Waxanu ku boorinaynaa
xubnaha golaha dhexe, golaha fulinta iyo odoyaasha xisbiguba inay u
kaba gashadaan una dadaalaan ka midho dhalinta arrinkan. Waxaanu soo
dhaweynaynaa in arrintan loo maro sida ay dhigayaan xeerarka iy
shuruucda u dajisan xisbigu. Oo si diimuqraadiya oo xor ah loo doorto
hogaan cusub oo xisbigu yeesho, iyadoo la qadarinayo codsiga cid kasta
oo isu soo taagta jagadan hadii ay buuxiso shuruudaha ku cad dastuurka
dalka iyo xeerarka xisbiga.
6.3. Jaangoynta miisaaniyad iyo ilo dhaqaale oo laysku halayn karo
Waxa ku cad sooyaalka taariikheed ee xisbiga inuu dhaqaale ahaan ku
tiirsanaa: dhigaalka xubnaha gudaha, gunada yare e dawlada dhexe
bixiso iyo taakulada qorbajooga xisbiga. Waxaa intaa raaca taageerada
iyo caawimada xiliyeysan ee saaxiibada xisbiga iyo qaar ka mid ah
ganacsatadu ay dhiibaan munaasabadaha gaarka ah iyo xilliga
doorashooyinka. Waxaan muran ku jirin, in aanu xisbigu lahayn hanti
(guurto ama maguurto) oo laysku halayn karo. Mana jiraan inta laga
warqabo taageero ka timaada maal-qabeeno, ururo ama dawlado saaxiba
ah. Guddigu wuxuu soo jeedinayaa in loo shaqo galo habkii iyo sidii
lagu raadin lahaa dhaqaale xisbiga lagu wado oo ka mug weyn sida
xaalku hada yahay. Waxaanu faraynaa xisbiga in si degdeg ah loo saaro
guddii xirfad u leh uruurinta dhaqaalaha (committee for fundraising)
oo ka hawl gasha qodobkaas.
6.4. Dib u eegida iyo uruurinta xubnihii ka tagay xisbiga:
Marka dib loo eego mudada uu jiray xisbiga UCID waxaa ka tagay
kawaadir iyo shakhsiyaad miisaan ku lahaa siyaasada iyo xisbiga
dhexdiisa kuwaas oo u qaybsama mudanayaal golaha wakiilada ah oo
xisbigu soo saaray (14 Xildhibaan ayaan hadda la shaqayn xisbigga).
Mudanayaal degaanka ah iyo siyaasiyiin xilal culus ka qabtay xisbigga
(Mu’asasiin, xogahayaal, fulin iyo xubno golaha dhexe ah). Hadaba,
wuxu
guddigu ku talinayaa in la doono oo wada hadalo toos ah lala furo
xubnahaas wixii weli aaminsan siyaasadda xisbiga kana bixin
mabaadii’ada guud ee xisbigu ka duulo. Waxaa fiiro gaar ah u baahan
mudanayaasha golaha wakiilada ee ka maqan ololaha iyo hawlgalka
xisbiga.
6.5. Laalid Liiska Deewaan-gelinta Hadda Jira iyo Dib u Eegid
Waxa gudigani ku goodinayaa in diiwaanka codbixiyayaasha ee hadda jira
uu baalmarsan yahay dhamaan ujeedadii loo sameeyey. Una baahan yahay
dibu eegid culus. Sidaa awgeed, wuxu gudigu ku talinayaa in guud
ahaanba la laalo nidaamka hadda jira, laguna gelin haba yaraatee
doorasho kale ah ahaato mid degaan, nid Wakiilo, Guurti ama
Madaxtooyo.
MagacyadaGudiga Dibu-eegidda iyosixidda Doorshadii madaxtooyadda June 2010
Xasan Xuseen Codyare (Gudoomiye)
Maxamed Ibraahim (G/Xigeen)
Xuseen Adam Cali (Af-hayeen)
Siciid Cumar Axmed (Xoghaye)
Faadumo Cali Madar (Xubin)
Maxamuud Yuusuf Guuleed (Xubin)
Khadiija Xaaji Bandare (Xubin)
Wa-Billaahi Towfiiq
Hargeysa July 2010
Lifaaq (1aad)
Qorshaha Ollole ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID
(UCID Campaign Plan, 2010)
Ujeedada Qorshahan
(Campaign Planning Aim)
Ujeedada Qorshani waa in la helo wadiiqo cad oo la raaco laguna
salleeyo hawlaha ololaha xisbiga, taas oo suurto galineysa in la
mideeyo waxqabadka, fikirka, dhaqdhaqaaqa iyo dhaqaalaha ku baxaya
hawlaha ololaha.
Ujeedada qorshahani ee kor ku xusani waxay daarran tahay sidii
xayn-daab iyo hoggaan mideysan loogu heli lahaa dhammaan dedaalada
(nooc kasta oo ay yihiin) ku wajahan u ololeynta sidii xisbigani ugu
guuleysan lahaa tartanka doorasho ee soo socda.
Himilada Qorshahan laga leeyahay
(General Goal of UCID’s Campaign operations)
Himiladda Qoshahan laga leeyahay waa in la hantiyo guusha iyo kursiga
madaxtinimo doorashada madaxtooyo ee wakhtiga dhaw dhici doonta,
iyadoo la isticmaalayo hanaan, habab iyo tabo waxtar leh, saameyn leh
isla markaana soo jiidan kara quluubta cod-bixiyeyaasha guud ahaan,
gaar ahaana tiradda ugu badan ee haween iyo dhallinyarro ah ee ku kala
nool gobolada iyo degmooyinka JSL ee ay u buuxaan shuruudihii ay
codkooda ku dhiiban lahaayeen maalinta cod-bixinta.
Yoolka Ololaha Xisbigu hiigsanayo
(Specific Campaign Objectives)
Si loo hantiyo guusha uu xisbigu u tafo-xaydan yahay, loona
dhammeystiro dhammaan wixii dedaal ah ee Illaahay (SWT) qadarkiisa ka
sokaysa eek u xidhan taagta iyo tamarta guud ahaan xisbiga, waxaa la
dejistey YOOLkan oo ah bartilmaameed lagu fooganaan doono gaadhideeda
iyo xaqiijinteedaba:
Guud ahaan tirada Cod-bixiyeyaasha, ee liiskooda kama dambeysta ah uu
dhowaan soo saari doono Komishanka Doorashooyinka Qaranku, waa in
(sida bartilmaameedka qoshahani dhigayo) xibiga UCID ka helaa 40% ugu
yaraan, ugu badnaana 45% haddii uu xisbigu intaas in ka badan helona
waa mid qorshani soo dhaweynayo oo ah nimco Illaahay (SWT) ina siiyey
oo aynu guddoomeyno.
Bartilmaameedkani waxaa uu daarran yahay in uu xisbigu helo tirada ugu
badan (aqlabiyada) ee codadka la dhiibto marka loo eego labadan xisbi
ee kale, sababtoo ah haddii boqolkiiba afartan UCID ay hesho, waxaa
hadhay boqolkiiba lixdan taas oo ay kala qaybsanayaan labada xisbi ee
kale, sidaasna kaga yaraaneysa tiradaas UCID heshey.
Tiradani maaha mid sahlan gaadhideedu sidaas daraadeed waxaa loo
baahan yahay addeegsiga tabo iyo habab ka waxtar badan kuwa ay
addeegsanayaan axsaabta kale, wada-tashi joogto ah oo dhexmara xubnaha
xisbiga gaar ahaan guddiyada ololaha, musharixiinta xisbiga iyo
golayaasha joogtada, fulinta iyo dhexe ee xisbiga.
Haddii tiradaas la sii kala jabiyo loona kala qaybiyo gobolada iyo
degmooyinka dalka, waxaa loo baahan yahay in la cayimo tirada codadka
(boqoley ahaan, percentage wise) meel kasta la bartilmaamsanayo in
laga helo—Qorshahani wuxuu Yoolkiisa u kala qaybiyey sidan:
Gobolka Maroodi-Jeex--------------------------------43%
Gobolka Awdal -----------------------------------------30%
Gobolka Togdheer--------------------------------------33%
Goboka Sanaag------------------------------------------35%
Gobolka Sool----------------------------------------------25%
Goboka Saaxil---------------------------------------------36%
Shaxdaas kor ku xusani waxay u baahan tahay lifaaq lagu ladho oo ah
mid tilmaamaya tiradda la qoondeystey in laga helo degmooyinka,
tuulooyinka iyo xaafadaha gobol kasta hoos yimaada, ay u cadaato
lambarka cod-bixiye ee laga rabo lagana bartilmaameedsanayo goob kasta
oo ka tirsan waddanka.
Marka ugu horeysa ee Komishanka Doorashooyinku soo saaraan Liiska
Cod-bixiyeyaasha waa in tirooyinka kor ku xusan loo baddelaa tirooyin
dhammeystiran, si loo garto inta cod ee looga baahan yahay goob iyo
gees kasta oo sanduuq cod-bixineed la dhigayo.
Muddada Qorshani Shaqeynayo
(Campaign Project Duration)
Waxaa qorsheysan in Muddada Hawl-galada ololuhu ku sallaysnaadaan
muddaynta ay soo saaraan Guddida Komishanku, balse, waxaa guud ahaan
wakhtiga qorshahan fulintiisu soconayso ay ka bilaabmeysaa bishan
sodonkeeda (April, 30th) ilaa bisha lixaad badhtamaheeda (ama ilaa
laga gaadhayo maalinta cod-bixinta).
QAAB-DHISMEEDKA GUDDIDA OLLOLAHA.
Qaab-dhismeedka Guddida Ollolaha Heer-Qaran
Guddida Ollolaha Heer-Qaran waxay ka koobnaan doonaan 13-xubnood oo
hoggaamiya iskuna dubarida guud ahaan Mahsruuca Ollolaha Xisbiga UCID
ee Heer-Qaran.
Guddidan inta xilalka haysaa waa 11-xubnood iyo Labada Musharax oo
iyaguna Guddidan ka tirsan iyagoo doorkoodu noqonayo Kormeerka Guud,
Tallo-bixinta iyo ka qayb-noqoshada go’aamada waaweyn ee khuseeya
ollolaha.
Qaab-dhismeedka Guddida Ollolaha Gobolka
Guddiyada Ollolaha Heer-Gobol ee 6-da gobol waxay ka kooban yihiin
9-xubnood oo kala ah Guddoomiyaha Gobolka, 2-da G/Xigeen, Guddoomiyada
Garabka Haweenka, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda, iyo Saddex
xubnood oo kale oo muhiim ah (waxay kala noqon karaan Xubin Kormeer ah
oo miisaan gobolka ku leh, Xubin ollolaha gobolka u qaabilsan
xidhiidhka culimada iyo oday dhaqameedyada iyo xubin kale)
Waa in aad loo hubiyaa inay Xubnaha Ollolaha Heer-Gobol ay noqdaan
qaar wada meteli kara dhammaan deegaamada gobolku ka kooban yahay iyo
beelaha degen gobolkaas.
Lifaaq (2aad)
UCID
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka JSL
حزب العداله والرأفه
Standing for Change and Justice
UCID Campaign Media Plan
QORSHAHA WARBAAHINTA OLOLAHA UCID
ODHAAHDA QORSHAHA (Statement of Work)
Qorshaha Warbaahinta Ololaha UCID waxaa looga gon leeyahay fidinta
Barnaamij-Siyaasadeedka xisbiga iyo kasbashada Quluubta iyo Taageerada
muwaadiniinta JSL (Codbixiyeyaasha doorashada soo socota)… Hanaankaas
oo ah dariiqa kaliya ee lagu xaqiijin karo karo guul laga gaadho
tartanka (sida ku xusan Istraatajiyada ololaha ee garabka
dhallinyarada heer qaran, bogga 2aad.)
YOOLKA QORSHAHA (QWO)
Qorshahan yoolkiisu waa in Xisbiga UCID kusoo jiito taageerayaal tirro
badan, isla markaana dhaliyo dareen xooggan oo ah in Xisbiga UCID uu
yahay mid guusha hantiyaya oo saddexda xisbi ugu dhaw in uu guuleysto,
sababo badan awgood;
Hanaan Wanaaga Olalaha xisbiga iyo Shacbiyada xoogga leh ee uu haysto,
Baxsanaanta iyo Xaqiiqada Barnaamij-Siyaasadeedkiisa oo ah ka ugu
toolmoon marka loo eego labada xisbi ee kale, isla markaana muhiimada
saaraya horumarina Dadka, Dalka iyo Ilaalinta Diinta iyo Dhaqanka,
Firfircoonaanta, Daacadnimada, Aqoonta iyo Diin Wanaaga iyo Wadaniyada
Musharixiinta iyo Xubnaha kale ee Xisbiga UCID.
Hanaanka Loo Marayo Kasbashada Taageerada Cod-bixiyaha
Waxaa Xaqiiq ah in Muwaadinka reer Somaliland ee codayn doona
doorashadan soo socota uu yahay bani-aadam leh dareemayaal, caadifad
iyo caqli, isla markaana ay jiraan duruufo dhaqan-dhaqaale oo ku
wareegsan iyo waxyaabo uu rabo in uu helo (ka rajaynayo xisbi u
tafo-xaydan helida codkiisa). Waxaa kale oo jira Muwaadinkani waxyaabo
badan oo saamayn ku leh hanaanka uu u qiimeynayo xisbiga ku haboon in
uu tallada qaranka qabto, waxyaabahaas qiimeyntiisa saamaynta ku leh
waxaa ka mid ah, Qabiilka, Siyaasada Xisbiga, Hadalada Suuqa,
Waxbixinta Xisbiga, Barnaamijka Xisbiga, Hab-dhaqanka Musharixiinta,
Ololaha Xisbiga, Saadaasha guuleystaha tartanka doorashada, iwm.
Haddii haddaba uu sidaas yahay muwaadinka codbixiyaha ah ee taageerada
laga raadinayaa, waxaa lagama maarmaan ah, in Warbaahinta Ololuhu maro
tabo badan oo ay ka mid yihiin ku gudbinta fariimaha si maqal leh,
muuqal leh, maqal iyo muuqaal leh, qoraal leh, dareen leh
(dhoolatusyo), hanaan dhaqan leh (ololaynta reeraha iyo degaamada),
mid dhaqaale leh (bixinta dhaqaale olole), iwm.
MAQALKA
Waxaa la addeegsan doonaa qalabkan soo socda, si loo fidiyo farriinta
ololaha xisbiga UCID loona gaadhsiiyo cod-bixiyeyaasha: -
Cajaladaha Rikoodhada (Cassette tapes)
Tabiyaha Codadka ee casriga ah (MP3s)
Codad Farriimo gaagaaban ah oo mobilada lagu duubo
Raadyaha Dawladda oo Wakhtiyo laga baahin doono Farriimaha ololaha
Raadyaha VOA-da oo lala galo heshiis
Waxaa Qalabkaas la addeegsaday ee farriimaha maqalka ah ee ololaha
xisbiga qaadaya lagu baahin doonaa ama lagu faafin doonaa meelahan soo
socda:
Gawaadhida yar yare e gobolada u kala baxa
Tagaasida Magaalooyinka socda
Gawaadhida gaarka loo leeyahay ee UCID taageerta
Maqaaxiyaha UCID taageera gaar ahaan Miiga iyo tuullooyinka iyo
hudheelada yar yar,
Rayislayaasha Xisbiga taageera
Kolayada qaadka iibiya
MUUQAAL
Waxaa sidoo kale, la samaynayaa Muuqaalo gudbinaya farriimaha ololaha
oo bulshada cod-bixiyeyaasha ahi dhugtaan, isla markaana si waafiya
uga fahmi karaan nuxurka Barnaamijka-Siyaasadee, Farriinta olole iyo
Hal-ku-dhigyada Xisbiga UCID.
Qalabyada loo isticmaali doono muuqaalka waxaa ka mid ah;
Posters (of A4, A3 and other suitable sizes) containing short
information, campaign message, slogans and photos of the candidates
and the party,
Billboards (standing billboards)
Mobile JPG Photos (to be sent thru the phones by using Bluetooths)
Tea Shirts, Hats and other Items (Like-shirts, not white and good-shaped)
Muuqaaladaas waxaa lagu baahin doonaa meelaha bulshada badani ku
kulanto, si farriimaha ay muuqaaladani sitaan u gaadhaan dadyaw tirro
badan, goobaha lagu faafin doono Muuqaaladaas waxaa ka mid ah;
Waddooyinka Waaweyn, Sariibadaha, iwm,
Tuullooyinka
Meheradaha
Kolayada Qaadka
Gaadiidka (Basaska, Gawaadhida xamuulka iyo Baabuurta yar yar)
Dadka Mobilada sita
Wadayaasha baabuurada, rayislayaasha, muruqmaalka, cisbitaalada,
agoonta, ardayda, taageereyaasha, Waiterada hudheelada iyo
jaadlayaasha, Baalashlayaasha oo tiro laga siiyo degmo kasta inta ka
shaqeysa, iwm.
MAQAL IYO MUUQAAL
Gudbinta Maqalka iyo Muuqaalka ahi waa ta ugu saameynta weyn, uguna
soo jiidashada badan marka la eegayo hababka kala duwan ee
bani-aadamku wax u fahmaan. Waana sida ugu xoogan ee loo gudbin karo
dooda iyo farriimaha olole ee xisbiga UCID.
Qalabyada la isticmaali doono waxaa ka mid noqonaya;
Cajaladaha Video tape-ka loo yaqaan,
Bluetooths-ka mobilada,
YouTube-ka Internetka,
Goobaha laga baahinayo, ama lagu fidinayo qalabka hor ku xusan ee sida
farriimaha maqalka iyo muuqaalka ah waxaa ka mid ah;
Kanalada TV-yada, sida, SLNTV, SLSC, HCTV, Universal TV, ETN TV, iwm,
Mareegaha Internetka, kuwa aynu xisbi ahaan leenahay oo saddex
mareegood haatan ah, kuwa kale ee dad ama ururo ina taageeraa
leeyihiin, kuwa wararka baahiya, mareegta YouTube, Facebook, Twitter,
Omegle, iwm.
Mobilada Gacanta lagu qaato,
Kireeyeyaasha TV-yada ee kireeya daawashada filimada iyo ciyaaraha,
inta ina taageerta iyo kuwa aynu la heshiinaba. (waxaa xooga la saari
doonaa kuwa ka furan degmooyinka magaalada Hargeysa, Gobolada iyo
Tuullooyinkaba)
QORAAL
Ku gudbinta farriimaha xisbiga hanaan qoraal ah, waa mid hore loo
addeegsaday, lana addeegsan doono marar badan oo dambe ilaa inta laga
gaadhayo maalinta codbixinta, sida tabaha kaleba loo addeegsan doono
ilaa dhammaadka ololaha madaxtooyada ee soo socda,
Waxaana lagu gudbin doonaa Buugaag, Qormooyin, Emailo, Internet ahaan,
Farriimo moobil, iwm.
ARRIMO XUSID MUDAN
Si uu u midho dhalo qorshahani waxaa uu u baahan yahay Jadwaladii
fasiri lahaa (Scheduling, Timing, Budgeting, Input identification).
Waana in si dhakhso ah loo soo sameeyo Jadwaladaas, ka dibna la gudo
galo hirgalintii Qorshaha iyo Diyaarintii dhammaan agabka qorshahani
ugu dambeyn ku hawl gali doono.
Lifaaq (3aad)
Miisaaniyada Ollolaha Xisbiga UCID
S/N Head No. Description Duration (# of days) No. of items U/Price T/Price
1 1 Gaadiidka Ollolaha (need fuel for rented cars)
1.1.1a Xarunta Xisbiga Gaadiidka ka hawlgalaya 30days x5 cars $80 $12,000
1.1.1 Gobolka M/Jeex 30days x18 cars $80 $43,200
1.1.3 Gobolka Awdal 30days x7 cars $80 $16,800
1.1.4 Gobolka Saaxil 30days x6 cars $80 $14,400
1.1.5 Gobolka Togdheer 30days x7 cars $80 $16,800
1.1.6 Gobolka Sanaag 30days x9 cars $80 $21,600
1.1.7 Gobolka Sool 30days x6 cars $80 $14,400
1.2 Shidaal (30x100x1) 30 days $3,000
Kormeerka Waftiga Heer Qaran(3 baabuurx 30 daysx 20l 30days $1,800
2 2 Qalabka Ollolaha
Cod-baahiyeyaasha waaweyn
2.1 Cod-baahiye weyn (Xarunta Dhexe) x2 Cod-baahiye $250 $500
2.1.1 Cod-baahiyeyaasha G. M/Jeex x12 Cod-baahiye $250 $3,000
2.1.2 Cod-baahiyeyaasha G. Awdal x6 Cod-baahiye $250 $1,500
2.1.3 Cod-baahiyeyaasha G. Togdheer x7 Cod-baahiye $250 $1,750
2.1.4 Cod-baahiyeyaasha G. Saaxil x5 Cod-baahiye $250 $1,250
2.1.5 Cod-baahiyeyaasha G. Sanaag x8 Cod-baahiye $250 $2,000
2.1.6 Cod-baahiyeyaasha G. Sool x4 Cod-baahiye $250 $1,000
Cod-baahiyeyaasha waaweyn G. Oodweyne and G. Gabilay
x10Cod-baahiye $25 $2,500
Total
2.2 Cod-baahiyeyaasha Gacanta
2.2.1 Xarunta Xisbiga x1 Cod-baahiye $75 $75
2.2.2 G. M/Jeex x9 Cod-baahiye $75 $675
2.2.3 G. Awdal x3 Cod-baahiye $75 $225
2.2.4 G. Togdheer x3 Cod-baahiye $75 $225
2.2.5 G. Saaxil x2 Cod-baahiye $75 $150
2.2.6 G. Sanaag x4 Cod-baahiye $75 $300
2.2.7 G. Sool x2 Cod-baahiye $75 $150
2.3 Baytariyo (Batteries) (24 cartonX12pcs) x288 pcs $0.69 $200
2.4 Cajaladaha (Recording tapes) x1000 pcs $0.45 $450
2.5 MP3 Players x60 pcs $13 $780
2.6 Laptops (Kambayuutaro yar yar) x6 pcs $560 $3,360
2.7 Calamada Xisbiga
2.7.1 (5 Gobol) X (25 daaqadood) X $15 $1,875
2.7.2 Xarunta iyo Gobolka M/Jeex 40daq. X$15 $600
2.7.3 Diyaarinta Calamada (rinjiga iyo tolniinka) x165 daaqadood
$100 $16,500
2.7.4 Tiirarka iyo taagida calamada (6x30x25) $4,500
3 Banaan-baxyada (Rallies), Shirarka iyo Kormeerada
3.1.1 Isu-soo-baxyada gobolada ee xisbiga (7x6) x60 isu-soo-bax
$2,500 $150,000
3.1.2 Bixinta Qaadka ($1500x30days) $45,000
3.1.3 Shirar Doceedyada x30 shir-doceed $1,000 $30,000
3.1.4 Shirarka Culimada iyo Aqoonyahanada kale x30 Kulan $1,000 $30,000
3.1.5 Kormeerka Wufuuda Xisbiga 20 qof x 12 cisho x 50 x12 Kormeer
$50 $12,000
3.1.6 Hawl-wadeenada Heer-Qaran $500
3.1.7 Hawl-wadeenada Heer-Gobol x 6 Gobol $1500 $9000
3.1.8 Baraarujinta Cod-bixiyeyaasha (400, 200, 600, 150, 500, 400,
150) x (2550 persons x 2days x$15) $76,500
3.1.9 Hawl-wadeenada Haweenka iyo Dhallinyaradda $500
3.1.10 Hawl-wadeenada Heer-Degmo (23 degmo x $900) $20,700
3.2 Kirooyinka Xafiisyada
3.2.1 Hargaysa 15xafiis x6 degmox $100 $9,000
3.2.2 Degmooyinka kale 5 xafiis x14 degmo x $50 $3,500
3.2.3 Borama 7 xafiis x 4 degmo x $75 $2,100
3.2.4 Degmooyinka kale ee G/ Awdal ( 60 xafiis x $30) $1,800
3.2.5 Saaxil
Berbera (3 xafiis x5 degmo x$75) $1,125
Sheikh (1 xafiis x 4 xaafadood x $50) $200
Tuulooyinka kale ee G. Saaxil( 1 xafiis x 49 tuulo x $30) $1,470
Togdheer
xcv $3,750
Oodwayne (6 xafiis x $40) $240
Degmooynka Kale ee G. Togdheer (75tuulo x $30) $2,250
Sanaag
Ceerigaabo ( 20 xafiis x $75) $1,500
Degmooyinka kale ee G. Sanaag (115 xafiis x $30) $3,450
Sool
Laascaanood ( 15 xafiis x $50) $750
Demooyinka iyo Tuulooyinka G. Sool (30 xafiis x $30) $900
3.3 Kharashka Fanaaniinta $5,000
4 Saxaafadda
4.1 HCTV (10days x 60 minutes x $15) $9,000
4.1.2 SLNTV (aggregately) $1,000
4.1.3 SLSC (aggregately) $1,800
4.1.4 RADIO HARGAYSA $500
4.1.5 RADIO HORYAAL $1,000
VOA x100 $1,000
4.2 Wargeysyada
4.2.1 Wargeyska Geeka Afrika x10days $100 $1,000
4.2.2 Wargeyska Jamhuuriya x10days $100 $1,000
4.2.3 Wargeyska Haatuf x10days $100 $1,000
4.2.4 Wargeyska Ogaal x10days $100 $1,000
4.2.5 Wargeyska Saxansaxo x10days $100 $1,000
4.2.6 Wargeyska Saxafi x10days $100 $1,000
4.2.7 Wargeyska Maandeeq??? x10days $500
Maalmaha x10days $100
Waaheen x10days $100
Ogaal x10days $100
4.3 Mareegaha Website-yada (News Websites) (5sitesx10days) $20 $1,000
5 Daabacaadda Barnaamijka Xisbiga x10000 copies $3 $30,000
6 Muraaqibiinta (2400muraaqibx 3cisho x $25) $180,000
7 Unforseen Cost (Contingency) and deployment of supporters
Total Campaign Budgetary Expense 1,306,300
Ramaasnews Desk
Hargeisa
RamaasNews had the unique opportunity to meet with and interview the London based business man, lawyer, founder and Chairman of the Anglo-Somaliland Chamber of Commerce Mr Mohamed Yusef Ali during his visit to Somaliland. Mohamed led an important business delegation to Somaliland on the 19th of June, 2011, amongst them were; Mr Alex McDonald, an eminent, famous and very resourceful corporate financier, Paul D Heber the Director of SAVOY investment Management, and an exploration geologist by the name of Robert McKenderick. The delegation met with the Somaliland President H.E. Ahmed M Siilaanyo at the president’s palace. Mohamed Yusef introduced the delegation to the president and explained the purpose of their visit.
The president explained to the delegates how Somaliland is very much open for business, and how they are ready to lift any challenges they might face. He emphasised the importance of livestock and the huge natural resource in Somaliland, which are all investment opportunities.
The delegation came away with a highly positive reaction from the meeting with the president. During their visit the delegation travelled some 2300 km around the country, they were amazed at how peaceful and prosperous the country is. In this interview, Mohamed Yusef tells us more details about the purpose of their visit to Somaliland and how much of a positive effect the visit had on the delegation.
Muqdisho, Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar ay saaxaafadda Soomaalida qaarkood baahiyeen oo odhanaya in isaga iyo Ra'iisal wasaarihiisii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ay lunsadeen dhaqaale lagu taageeray dawladiisa, waxaana uu sheegay in wararkaasi yihiin qaar been abuur ah.
Saxaafadda Soomaalida qaarkood ayaa baahiyay warar ay ku sheegeen in ay ka soo xigteen hay'ad fadhigeedu yahay Magaalada Washinton ee dalka Maraykanka oo sheegtay in Sheekh Shariif iyo Farmaajo ay lunsadeen dhaqaale dunidu ay ugu deeqday shacabka Soomaalida.
"Wararkaas waa been aan sal iyo raad lahayn... waxaana faafintiisa ka dambeeya koox Qaran-diid ah, haddii ay hayaan caddeymo arrintaas ku saabsan waa in ay keenaan" ayuu yidhi Sheekh Shariif.
Madaxweynaha DKM ah ee Soomaaliya ma aanu sheegin in ay xukuumadiisu arrintaas ka qaadan doonto tallaabo iyo in kale, balse waxa uu si xooggan u beeniyay wararkaas, waana hadalkii ugu horeeyay ee uu ka yidhaahdo arrintaas, tan iyo markii la bilaabay in la baahiyo.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Hargeysa, Xukuumada Somalilanda ayaan ku guulaysan wadahadalo ay ku dhex-dhexaadinaysay masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ee UCID oo u kala qaybsamay laba kooxood ee iska soo horjeeda, kuwaas oo la sheegay in ay diideen qorshaha xukuumada oo uu dhinac waliba u arkay in aanay dantiisu ku jirin.
Wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo isku xilqaamay in ay ka qaybgaataan soo afjarida muranka qadhaadh oo kala qaybiyay xisbiga, oo hore kulamo ula yeeshay Eng Faysal Cali Waraabe iyo xubnaha golaha ku meel gaadhka ah, ayaan wax horumar ah ka samayn ah dadaaladii ay galeen.
Garabka uu hogaamiyo Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay in ay xukuumada ku tuhunsan yihiin in ay ka dambaysay waxa ay ugu yeedheen inqilaabkii xukunka lagaga tuuray Faysal oo isna weli isu aqoonsan guddoomiyaha sharciga ah ee xisbigaas, waxaana ay ku eedeeyeen in xukuumadu aanay daacad ka ahayn dhex-dhexaadinta ay wado.
Golaha ku meel gaadhka ayaa iyana dhankooda la sheegay in aanay danaynayn wadahadalo ay wakhtigan ay la yeeshaan Faysal Cali Waraabe oo ay u arkaan qof aan munaasib ku ahayn in lagala hadlo masiirka xisbiga oo go’aanku gaadhay in xukunka laga tuuro , maadaama uu baalmaray shuruucda iyo qawaaniinta u yaala xisbiga UCID sida ay ku doodayaan
Dhinacyo kale ayaa iyana ku hawlan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen,iyada oo xisbiga UDUB ay sheegeen in ay wadaan kulamo ay doonayaan in ay isku soo hor fadhiisiyaan labada garab, laakiin waxaan la ogayn waxa ka soo bixi doona qorshaha UDUB.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Hargeysa (Ramaas) July 11,2011 –Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay soo bandhigtay waxqabadkeedii lixdii bilood ee u dambeeyay, iyadda oo wasiirka wasaaradaasi Md Maxamed Xaashi Cilmi mid mid u taabtay waxyaabaha u hirgalay.
Munaasibad balaadhan oo maanta wasaaradda maaliyadu ku qabatay huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu wasiirka Maaliyaddu ku weeraray xukuumaddii hore ee Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin, oo uu sheegay inay dumi lahayd haddii ay laba bilood oo kaliya xilka sii hayn lahayd doorashada ka hor.
Md Maxamed Xaashi Cilmi, oo ugu horeyn ka hadlaya waxyaabaha u qabsoomay lixdii bilood ee dambeeyay iyo muddadii uu isagu ahaa wasiirka Maaliyadda ayaa yidhi “Shaqaalihii guddi ayaa loo saaray, si loo kala sooco, guddidiina way soo dhamaysay hawshuna meel fiican ayaa la marinayaa, waxaynuna ogaanaynaa shaqaalaha inta shaqayn karta iyo inta hawl-gabka ah, si inta aan shaqayn karayna xaqooda loo raadiyo, inta shaqaynaysana mushaharkooda loo buuxiyo.”
Md Maxamed Xaashi waxa kale oo uu sheegay “Waxa kale oo la sameeyay in shaqaalaha la qaadanayo imtixaan la sii sheegay laga qaado, si nin gacanta la hayaa aanu u iman, halkaasna cadaaladii ayaa lagu soo dhawaaday.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Ciidamada qalabka sidda iyagana tirakoobkoodii ayaa lagu jiraa, si loo kala saaro sida shaqaalaha oo kale, in ciidanka darajo la siiyana waa isbadalkii la waday.”
Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu ka hadlay mushaharka shaqaalaha iyo ciidamadda “Waxa kale oo aanu ku dhaqaaqnay inaanu shaqaalaha iyo ciidamadaba aanu mushaharka u kordhino, boqolkiiba boqol ayaanu u kordhinay, walina ma dhawa oo meel daryeelkoodii ku dhammaaday may gaadhin.” Ayuu yidhi Md Xaashi waxa kale oo uu yidhi “Waxa kale oo aanu lacagtii ka dhaafnay dugsiyadda hoose/dhexe, sida dasruurkeenu dhigayo, si cid waliba u hesho dhadhamada tacliinta ee bilowga ah, waayo iskuulada hoose waxa looga tagay danyartii, sidoo kale 1500 oo macalin ayaanu qornay oo aanu ku darnay macalimiinta dawladu mushaharkooda bixiso.”
Munaasibadan oo sidoo kale ay qayb ka ahayd habka ugu fiican ee cashuur bixinta ayaa wasiirku waxa uu ka sheegay “habkii aanu dakhliga u urursano waxa uu ahaa hab gaboobay, waxaanu ahaa in inamo wareega oo meheradaha soo mara la diro, kuwaas oo baayactama, isala markaana waxa qasnada ku dhacaaba uu wax yar noqdo, waanu ka guurnay oo hab cusub ayaanu wadnaa, kaas oo ah in meherad walba la diiwaangaliyo, imikana waxaanu dhamaynay diiwaangalintoodii Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Tog-Wajaale, habkaana waxa loo isticmaalayaa Kombiyuutar.”
Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa uu xusay inay samaynayaan hab cusub oo cashuur ururineed, isaga oo tilmaamay in hanaankii hore lumin jiray dakhliga dawlada “Imikana waxaanu bilaabaynaa ku talagalkii miisaaniyadda 2011-ka, miisaaniyaduna imika way isku wada jirtaa, mana samayno miisaaniyad qaran ee waxaanu samaynaa miisaaniyad wasaaradda Maaliyadda ah, laakiin waxaanu ku talo jirnaa in aanu miisaaniyad qaran samayno sanadka 2012-ka. Waxaanu doonaynaa in aanu diiwaangalino wax kasta oo dawladu leedahay.”ayuu Md Maxamed Xaashi Cilmi.
Wasiirka Maaliyaddu waxa kale oo uu tilmaamay in tujaarta waawayn ee dalka lagu leeyahay cashuur macaashal-macaash ah oo ka badan Hal milyan oo doolar “Imika dib ayaanu u yar noqonay oo macaashal-macaashkii 2008-da tujaarka waawayn waxa lagu yeeshay Hal milyan iyo wax la jira, kaalaya oo nala xisaabtama ayaa ku adkaatay muddo siddeed bilood ah, imikana waxaanu u wareejinay maxkamada, liiskana waanu qori haddii ay lacagta bixin waayaan.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya gaadiidka dadwaynaha ee cashuurta lagu leeyahay “Ciidanka Taraafikadu meel ayay istaagaan, laakiin basku wuu iska dhaafaa haddii uu doono, markii Kombiyuutarka la galiyey gaadiidka aan waxba bixin tiradoodu waxay noqotay 22,094, lacagta ku baaqateyna waxay noqotay $320,000 doolar, markaa waxaanu doonaynaa inaanu dadka gaadiidkaa leh magacyadooda aanu warbaahinta ku qorno, si meeshii ay joogaanba lagu qabto, dadkana waxaanu leenahay cashuurta iska bixiya, waayo waa wax dalku u baahan yahay”.
Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda Somaliland waxa uu dhaliilay xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo uu ku tilmaamay mid ku sifowday musuqmaasuq “Xukuumaddii aanu dhaxalnay ee aanu xilka kala wareegnay Waxaan qabaa haddii laba bilood ay sii jiri lahayd oo aanay doorashadu ka soo gaadhi lahayn way dumi lahayd, waayo heer-bay gaadhay ay waxba bixin kari wayday, musuqmaasuquna cirka ayuu maray, mushaharkii shaqaaluhu afar bilood maqnaa, raashinkii ciidamada loo tamar waayay, markaa inay ILAAHAY ku mahadiyaan dadkii dhibaatadaa ka furtay ayay ahayd.”
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) July 11,2011 – Alle ha u naxariistee waxa goor dhawayd geeriyooday Guddoomiyihii Jaamacadda Hargeysa Marxuum Muuse Cabdi Cilmi.
Guddoomiyaha ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo maanta abaaro 11:00 duhurnimo ka dhacay duleedka Magaaladda Berbera, iyadda oo la sheegay in cisbitaalka Berbera la geeyay isaga oo dhaawac, balse galabta markii loo soo qaaday dhinaca Magaaladda Hargeysa uu geeriyooday.
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Marxuum Muuse Cabdi Cilmi ayaa la sheegay in shilkan uu ku geeriyooday uu sababay gaadhiga marxuumka oo gaadhi kale ku dhacay, halkaasna uu dhaawac sababay inuu geeriyoodu uu ku gaadhay.
Geerida naxdinta leh eek u timid guddoomiyihii jaamacadda Hargeysa ayaa waxa Ramaas u xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelada marxuumka oo aanu la xidhiidhnay, iyagga oo sheegay in Alle ha u naxaariistee guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ka hor geeridiisa uu doonayay inuu madaarka Magaaladda Berbera ka soo qaado xaaskiisa oo ka imanaysay dalka Jarmalka.
Inaali-laahi wa Inaa Ilaahu Raajucuun.
Ramaasnews
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) July 9,2011 –Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta guddi u saaray sidii ay u soo naaqishi lahaayeen qodobka xeer ln/14 oo ogolaanaya furashada ururada siyaasadda dalka.
Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro oo guddoominayey fadhigii golaha wakiiladda ee maanta ayaa guddi siddeed xubnood ka kooban u saaray xeer 14, si ay dib u eegis u sameeyaan.
Ka dib guddidan la saaray xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Mr Cabdirisaaq Ayaanle ayaa mudanayaasha hortooda ka akhriyey qoraal Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) kaga dalbay inay meel mariyeen furashada ururada siyaasadda dalka oo in badan doodi ka taagnayd.
Qoraalka Madaxwaynaha ee madasha golaha wakiiladda laga akhriyey ayaa u qornaa sidan “Aniga oo Og muhiimadda ay doorashooyinka golaha deegaanka iyo furashada ururadu ku leeyihiin bulshada Aniga oo maanka ku haya in dhamaystirka guushu ku dheehan tahay geedi socodka dimuqraadiyada waxtar weyna u leedahay qadiyada madax-banaanida Somaliland isla markaana garowsan magic samida iyo meel marka ay doorashadii madaxtooyadu u soo hoysay dalkeena Aniga oo garowsan inay doorashadu tahay hawlo baaxad-weyn leh markaan arkay qodobka 90, 9, 20, iyo 22 ee dastuurka oo dhamaantoodba damaanad qaadaya isbaabulka siyaasadeed ee ururada
markaan arkay xog ururintii gudidii doorashooyinka waxaan ogolaaday 1-in ururada siyaasadeed la furo isla markaana ay ka qayb galaan tartan Golayaasha deegaanka ee inagu soo foolka leh si waafaqsan dastuurka qaranka sidaan idiinku soo gudbinay digreetadii hore ee tirsigeedu ahaa 249-50626011"
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Rayiga Dadweeynaha
- Warbaahinta Caalamiga Ahi Maxay Ka Tidhi Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Iyo Xukunka Dilka Ah Ee Sida Deg-dega Ah Maxkamada Milatarigu Ugu Qaaday 17-ka Qof..?
- Maraykanka Oo Muhaajiriin Somali Ah Ka Daad-gureynaya Jasiirada Malta Iyo Tahriibta Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Aad U Kordhaya
- Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysiga Dacwada Masuuliyiinta Eedaymaha Musuqmaasuq U Xidhan Maanta Dib Ugu Dhigtay Codsi Uga Yimid Ciidamada Booliska
- Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo Xukuumada Talada Haysa Ku Dhaliilay Sidii Loo Maamaulay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dalka Shiinaha (Dhageyso).
- Ma Dhab-baa In Madaxwayne Axmed Siilaanyo Laba Maalmood Ka Hor Safarkiisa Shiinaha Afhayeenka Madaxtooyadda U Qoray Warqad Uu Xilka Kaga Qaaday….?
- Nuxurka Heshiiska Madaxwayne Siilaanyo Ku Soo Saxeexay Shiinaha Iyo Shirkadda Shidaalka Ka Soo Saaray Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorhe Hawleedkeeda + Dekeda Berbera Oo La Wareegaysa Hawlihii Dekedda Djabuuti.
Photo Gallery
Shaqooyinka Banaan
| Job Title |
|---|
| Assistant Engineer - Hargeisa |
| Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa |
| Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo |
Arimaha Diinta
Voting Poll
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?
Total votes: 71




