Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) May, 18, 2012- Kumanaan qof oo ka mida shacabka ku nool Magaalada Hargeysa ayaa saaka isugu soo baxay fagaaraha beer Xoriyda,kuwaasoo xusayay maalinta 18-ka May oo ah markii ay Somaliland Soomaaliya inteeda kale kagoosatay 21 sanno ka hor.
Waxaana munaasibadaas ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo uu ka mid yahay Madaxweyne Siilaanyo,kuwaasoo khudbado kala duwan ka jeediyay halkaas.
Madaxweyne Siilaanyo Waxa uu hadalkiisa diirada ku saaray halgankii la soo maray gobonimada wadanka, siyaasada arrimaha gudaha iyo dibeda.
“18-MAY waa maalintii aynu xaqiijinay qaranka Somaliland, waa Maalintii innagoo isu-dhan oo aanay cidi innaga maqnayn gacmahana is haysanna ku heshiinay in aynu dhidibada u taagno Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa maalintii aynu ka bogsanay wixii inna soo maray oo aynu wada-jir u bilownay nolol cusubiyo dhismaha Dawladeed ee aynu gacanta
ku hayno.
Somaliland waxa loo soo galay halgan dheer oo ku siman tan iyo maalintii uu yimi isticmaarku, halgankaas oo dhiig badani ku daatay, naf iyo maal badanna lagu waayey, Waxaan Ilaahay uga baryayaaa intii ku shahiiday saraakiil, askar iyo shicibba lahayd ee naftooda ku waayey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.
Waxaan leeyahay geesiyada nool ee usoo halgamay dalkan hadday tahay kuwii xabada madaxa u dhigay ee naftooda u hibeeyay ee maanta nool, kuwii xoolahoodii geliyay iyo kuwii maskaxdooda iyo muruqooda geliyay ee daafaha dunida kala jooga, tacabkeenii wuu midho dhalay oo waxaynu dhalinay gobonimo iyo qaran madax banaan, talladeenii waynu meelmarinay oo waxaynu dhisanay dawladnimo, himiladeenii waynu xaqiijinay oo waxay dhidibada u taagnay bulsho nabdoon, leh sharciyad iyo qaanuun lagu hago iyo haykal maamul oo aynu ku kala danbayno, duniduna inagu ixtiraamto.
Waa hubaal weli waa curdin, oo geedka gobanimada Somaliland manuu gaadhin wakhti midho bislaaday iyo hoobaan laga daldalo, waase lagaadhi doonaa insha Allaahu ee haloo sabro, ha daalina, ha u damqanina duruufaha iyo waayaha, hana iska duminina qaranimada idinkaa leh ubadkiina iyo kuwa tagoogiina ku jira ayaa u aayi-doona, intii aynu dhib usoo maray, qaar inala wadaagayay oo inaga badsaday ayaa maanta xabaalaha ku jira oo aan ka calfanin, halka qaar kalena laxaadkoodii ku waayeen ubadkoodiina aanu weli daryeel qabin, oo xil inaga wada saaranyahay.
Beesha Caalamka
Dadyawga beesha caalamka iyo dawladahoodaba waxa aanu u sheegaynaa oo aanu ku cel-celinaynaa Somaliland waa xaqiiqo jirta, Somaliland waa run, Somaliland waa cadceeda oo kale, waxaanay ku timid rabitaanka shacbiga dalkan iska leh, waxay ku timid samir iyo dedaal dheeraada,
waxay ku timid naf-hur iyo isa saamax aanu kaga duwanahay cid kasta oo duruuf-nala wadaagta, Somaliland waxay ku timid dareen loo dhan yahay.
Maanta oo uu qarankanu 21-tan jirsaday afar Xukuumadoodna si dimu-quraadiya isu soo bedeleen waxa hubaal ah in aanu buuxinay shuruud kasta iyo xujo kasta oo ay Beesha caalamku ku xidhay aqoonsiga Somaliland. Waa hubaal in intooda badan dawladaha dunidu ay ka marag kaceen indhahoodana ku arkeen xaqiiqada ka jirta Somaliland.
Ha dheeraato ama ha dhawaato waxaan doonayaa in aan mar kale ku celiyo oo aan Bulshada caalamka u caddeeyo in aanay Somaliland marnaba ka noqonaynin goaankeeda, oo ay ku qanacsan tahay jiritaankeeda iyo Qaran-nimadeeda iyo in aanay Somaliland ka daalayn xaqiijinta madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waanu u sabraynaa wakhti kasta oo ay nagu qaadato iyo qiimo kasta oo nagu tagto, waxaanan ku kalsoonahay in ay maruun ka mid noqondoonto dawladaha dunida ee la aqoonsan yahay.
Madax-banaanida Somaliland waxba kama bedeli karaan Siyaasi, Suldaan iyo shakhsi meel tegay, waa qadiyad umadeed mana jirto cid loo igmaday oo aan ahayn Golayaasha Qaranku. Waana dembiile Qaran qof kasta oo ka qayb-gala shir ka dhan ah qaranimada Somaliland.
Mudanayaal iyo marwooyin
Waa la socotaan oo dhawaan waxa magaalada London lagu qabtay shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 45 dawladood. Shirkaasi waxa ka soo baxay goaan taariikhiya oo markii ugu horaysay ay beesha caalamku ku qirtay inay Somaliland iyo Soomaaliya ku wada hadlaan.
Innagu dhinaceena wada hadalkaa intii innagaga beegnayd waynu fulinay walaaleheena Soomaaliyana waxaan ka rajaynayaa inay dhinacooda ka soo fudaydiyaan wixii ku xidhan, iyagoo qadarinaya goaankii loo dhamaa ee beesha caalamka.
Soomaaliya
Waxaynu wada ognahay in xaalada Soomaaliya ay muddo cakirnayd oo ay colaado naafeeyeen, shacabka Soomaalidana ay kasoo gaadhay dhibaato aad u balaadhan, waanu ka xunahay, waxaanu la jecelahay wanaag, waxaanu illaahay uga baryaynaa deganaansho iyo horumar. Hogaamiyayaasha siyaasada ee Somaaliya waxaan usoo jeedinayaa inay shacbigooda u tudhaan oo danta bulshadooda mudnaanta siiyaan, nabad u raadiyaan qiimo kasta oo ay ku tagto, isuna tanaasulaan, wixii dhib ahna dhexdooda ka daayaan.
Qurbajooga
Anigoo og kaalinta ay mar walba kaga jiraan nolosha bulshada waxa aan si gaar ah halkan uga xusayaa qurbajoogga Somaliland meel kasta oo ay joogaan, kuwaasoo la hubo inay door laxaadle ku leeyihiin kor u qaadida maqaamka Somaliland, Xuska maalintan weyna waxaan idin leeyahay Hambalyo.
Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada
Hanaanka Dimu-quraadiyadeed ee dalkeena ka hana qaaday wuxuu laf-dhabar u yahay wada-jirkeena, nabadeena, isu-tanaasulkeena iyo guud ahaanba jiritaanka qarankeena. Maanta waxa aynu ku guda jirnaa tabaabulshaha doorashooyinka dawladaha hoose oo aan ku rajo weynahay in ay dhawaan ka qabsoomi doonaan dalka, ururada iyo xisbiyada ku tartami doona doorashada waxaan kula dardaarmayaa inay xil weyn iska saaraan illaalinta nabad-gelyada iyo shuruucda dalku leeyahay.
Ballan-qaadyadii xukuumaddu fulisay waxa ka mid ahaa furashada ururrada siyaasiga ah, taas oo aannu u arkayno xaq muwaadinku leeyahay. Haddii tartan la galo cid uun baa guulaysata, inta kale ee hadhayna guusha way la wadaagtaa, Ururrada ku hadhay wejigii koowaad ee tartanka iyo kuwa ku hadhi doona tartanka dawladaha hooseba waxan leeyahay isu arka in aad guulaysateen mar haddii ujeeddadii aynu u wada soconnay meel martay. Waad ogtihiin oo 80 cod baannu kaga hadhnay doorasho madaxtinimo, sababta aannu sidaa u yeelnayna waxa ay ahayd in aan ixtiraamno danta guud iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.
Samirku nacasnimo maaha, hadiise aad ku qanci waydo natiijada waxaa kuu furan in aad tabashadaada u marto dariiqa sharci ah oo aad dhawrto hanaanka Garsoorka.
Nabadgelyada
Anigoo u mahadnaqaya dhamaan ciidammada kala duwan ee qaranka kuwaasoo had iyo jeer heegan u ah difaaca dalka, iyo adkaynta nabadgelyada gudaha, sidaa si la mid ahna waxaana u mahad celinaya madax dhaqameedka, waxgaradka iyo dhamaan muwaadiniinta Somaliland ee ku garabtaagan xoojinta amaanka, waxaan leeyahay meel wanaagsan baynu joognaa waxaana lagama maarmaan ah inaynu maskaxda ku hayno in ay nabadgelyadu tahay tiirka ugu muhiimsan jiritaanka bulsho iyo dawladnimo, sidaa awgeedna waxaa lama huraan ah inaynu illaalino midnimadeena, wada jirkeena iyo isku duubnideena.
Waxaan u tacsiyadaynayaa dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday xerada Ciidanka Qaranka oo ahayd dhacdo aan la fillayn, waxaan si gaar ah u xusayaa ciidamadii halkaa ku dhintay, waxaanan ka xumahay cid kasta oo wax ku gaadheen.
Ramaasnews Desk
.
Hargeisa.
Hargeysa (Ramaas) May 17,2012 – Wakaaladaha wararka caalamiga ah iyo Wargeysyada waaweyn ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa aad wax uga qoray dhacdadii foosha xumayd ee Salaasadii ka dhacday xerada ciidamada ee duleedka Warshada Kabista Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Dhacdadan oo sida la ogyahay ay ku geeriyoodeen todoba qof oo saddex ka mid ahi ahaayeen askar Milatari ah ka dib markii dad shacabka ah oo sheeganaya deegaanka Ciidamadu daganaayeen weerar ku qaadeen ciidamada ayaa warbaahinta caalamiga ah ay si aad ah wax uga qoreen.
Warbaahinta dhacdadan qortay ayaa waxay culayska saareen xukunka deg-dega ah ee Maxkamada ciidamadu ku riday dadkii falkaasi loo qabqabtay, kuwaasi oo 17 ka mid ah dil toogasho ah lagu xukumay, halka shan kalena xabsi daa’im lagu riday.
Wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Maraykanka ee loo yaqaano Washington Post ayaa ka mid ah hay’adaha warbaahineed ee qaadaa dhigay dhacdadan iyo xukunka deg-dega ah ee maxkamada ciidamadu ku qaaday dadkan shacabka ah, waxaanu warkiisa Ciwaan uga dhigay “Maxkamad Somaliland Ah oo 17 qof dil ku xukuntay, maalin ka dib weerar qorshaysnaa oo lagu qaaday goob Milatari”
Sidoo kale, Wargeyska lagu Magacaabo Global Post ayaa isaguna ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ee wax ka tidhi dhacdadan, balse waxa uu Wargeysku si gaar ah shiishka u saarayaa xukunka deg-deg ah ee lagu riday dadkii falkaasi loo qabtay, waxaanu qoray war uu ciwaan uga dhigay “Maxkamada Milatariga Somaliland oo 17 qof dil ku xukuntay”
Wakaalada wararka caalamiga ah ee AP (Associated Press) oo ka mid ah hay’adaha warbaahineed ee sida aadka ah wax oga qora Somaliland ayaa iyaduna warka ku aadan xukunka maxkamada ciidamadu ku riday dadkii shacabka ahaa ee ay baahisay u isticmaashay calanka dalka Somaliya, halka wargeysyada kale ee arintan wax ka qoray ay sawir ahaan u isticmaaleen taalada dal-jirka dahsoon (Diyaaarada Hargeysa dhexdeeda saaran).
Guud ahaan warbaahinta wax ka qoray ayaa culayska saaray xukunka lagu riday dadkii falkaasi loo qabtay, taasi oo muujinaysa inay gudbinayaan arimo la xidhiidha xuquuqda bani-aadamka, iyadda oo arintan ugu muhiimsan ee ka dhex muuqata wararka ay baahiyeen ay tahay in maalin ka dib shaqaaqada xukunka dadku dhacay.
Ramaasnews desk
Hargeisa
Malta (Ramaas) May 17,2012 – Dawlada Maraykanka ayaa bilowday inay Jasiirada Malta ka daad-gureyso dadka qoxootiga ah ee ka Tahriiba dalalka qaarada Afrika ee ka gudbay badda u dhaxaysa dalka Libiya ee Jasiirada Malta.
Dawlada Maraykanka ayaa dadka qoxootiga ah ee uu ka qaado Malta dib u dejin ka siiyay dalkaasi Maraykanka, iyadda oo uu Jasiiradaasi uu ka qaaday Tahriibayaal badan oo isugu jira Somali iyo Afrikan kale oo u badan Eratariyaan ka baxday nolosha dalka Eratariya oo ay saaran tahay cunoqabateyni.
Safiirka Mareykanka ee Jaziiradda Malta ayaa shalay sagootiyay 27 Muhaajiriin Somali iyo Eritrean ah oo ku sii jeeday dalka Mareykanka, ka dib markii ay ka heleen degenaansho ah inay ku noolaadaan Mareykanka, iyadda oo Maraykanku deganaansho siiyay Muhaajiriin gaadhaya 985 qof oo ku sugnaa Malta ilaa sanadkii 2007-ba.
Sanadkan oo kaliya dowladda Mareykanka ayaa aqbashay inay dib u dejin u sameeyso ilaa iyo 170 qof oo gaxooti ku ahaa Malta.
Sidoo kale, dalalka Yurub Qaarkood ayaa iyaguna Jasiirada Malta ka qaada dad badan oo Somali iyo Afrikan kale ah, waxayna dajiyaan dalalkooda oo ay u ogolaadeen inay ku noolaadaan.
Talaabooyinkan dawladaha horumaray ay ku daad-gureynayaan dadka Tahriinayaasha ah ayaa waxay dadka Soomalida ah siisay dhiiri-galin ah inay si xidhiidh ah ugu tahriibaan dalka Liibiya oo ay doonyo uga sii raacaayaan dhanka Malta, waxaana bilihii u dambeeyay aad u batay Tahriibka.
Magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley ayaa ka mid ah meelaha aadka looga tahriibo ee ay dhalinyaradu sida daadka uga dareeraan.
Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii Magaaladda Gabiley ay mar kaliya ka wada baxeen 16 qof oo isugu jira dhalinyaro wiilal, gabdho iyo waliba haween xasas ahaa ay ka tahriibeen, iyagga oo u sii jeedaan dalalka Yurub iyo Maraykanka, iyadda oo hiigsigoodu yahay inay gaadhaan Malta oo ay Maraykanka iyo wadamada Yurub qaarkood dadka ka qaadaan.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) May 17,2012 – Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga wejigii shanaad ee dacwada Masuuliyiintii u xidhnaa eedaymaha Musuqmaasuq oo dhowr jeer oo hore dacwadooda maxkamadu dhageysatay.
Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), Agaasimihii guud ee wasaarada dib-u-dejinta Axmed Cilmi Barre iyo la taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Xuseen Siciid Jaamac oo maanta la keeni lahaa maxkamada si ay u sii socoto dhageysiga dacwadoodu ayaa la baajiyey.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in sababta loo baajiyey ay tahay codsi ka yimid dhanka taliska ciidamada booliska, kuwaasi oo sheegay in ciidamadii maxkamada u kaxayn lahaa maxaabiistan ay ku mashquulsan yihiin daminta Mudaharaadkii ka dhacay xaafada New-Hargeysa ee Magaaladda Hargeysa, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadan oo maalin kasta oo ay maxkamada ka socoto la keeno ciidamo badan, kuwaasi oo marka maxkamada la keenayo iyo marka jeelka dib loogu celinayo eedaysanayaashan sii galbiya iyagga oo wata gaadiid faro badan.
Masuuliyiintan dhageysiga dacwadooda dib loo dhigay ayaa la filayey in maanta xukunkoodu dhaco, balse sida muuqata waxa la filayaa inay sii jiitanto maalmaha soo socda, maadaama oo maalmaha soo socda lagu mashquulsan yahay xuska 18-ka May.
Dhanka kale, dad badan oo miisaan ku leh Somaliland ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo si xidhiidh ah uga dalbanaya in masuuliyiintaasi cafis ama damiin lagu siidaayo, si bay yidhaahdeen xuska 18-ka May ay ula ciidaan qoysaskooda “Mudane Madaxweyne cafis Ama Damiin Ku Sii Daa Masuuliyiinta Xidhan Ee Xukunkoodu Dheeraaday Si Ay U Helaan Fursado Ay Kula Soo Ciidaan Qoysaskooda Iyo Carruurtooda Farxada Xuska 18-ka May Awgeed”sidaa waxa yidhi Mujaahid Ismaaciil A. Xandule (Sanweyne).
Muqdisho (Ramaas) May 17,2012 – Diyaarad ka mid ah kuwo rakaabka qaada ee shirkadda Turkish Airlines ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho dib uga laabatay ka dib markii ay fadhiisan kari-wayday.
Diyaaradan oo rakaab ka soo qaaday Magaaladda Istanbul ee dalkaTurkiga ayaa la sheegay inay cilad farsamo awgeed u cago-dhigan kari wayday garoonka diyaaradaha isla-markaana ay dib u noqotay markii ay saddex jeer isku dayday inay fadhiisato, balse ay awoodi wayday.
Diyaaradan oo siday rakaab tiradooda lagu sheegay 150 qof oo Somali iyo ajaanib kale oo Muqdisho ku socday ayaa la sheegay inay fadhiisatay garoon ku yaala Magaaladda Addis-Ababa, markaa ka dibna ay u duushay dhinaca Istanbul si ciladeeda loo xaliyo ama rakaabka diyaarad kale loo soo saaro.
Wakiilka Turkish Airline ee Magaaladda Muqdisho oo la waydiiyay sababta ay diyaaradu u fadhiisan wayday inay tahay khilaaf dhinaca waaxda socdaalka dawlada Somaliya ah iyo inay tahay cilad diyaarada ku timid ayaa cadeeyay inay tahay cilad, isaga oo tilmaamay in aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay ciladani ku timaado, balse ay hore u soo mareen “Maaha markii ugu horeysay oo diyaaradda Turkish Airlines ay ku degi-wayday garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse waa markii saddexaad, waxaana sabab u ahaa cillad farsamo”ayuu yidhi wakiilku isaga oo intaasi ku daray “Rakaabka la socday diyaaradda waxay tiradoodu ahayd 150-ruux oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi Muqdisho u soo socday”
Wakiilku waxa uu tilmaamay in rakaabka dhawaan la keeni doono Muqdisho “Waala keeni doonaa rakaabka Magaaladda Muqdisho”ayuu yidhi.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) May 17,2012 – Dadwaynaha Somaliland gudo iyo dibadba ayaa ku mashquulsan u diyaar-garowga xuska 21-guurada Madax-banaanida Somaliland oo ku beegan 18-ka bishan May oo ah Jimcaha bari Haddii Alle Idmo.
Xuska 21-guurada Madax-banaanida Somaliland ayaa diyaar-garowgeeda laga dareemayaa guud ahaan Magaalooyinka Somaliland iyo wadamada dibada ee ay ku dhaqan yihiin Muwaadiniinta reer Somaliland, iyadda oo Magaalooyinka dalka aad ku arkayso dadka oo aad u iibsanaya calamada ay dadku maalintaasi qaataans si ay u wayneeyaan xuska Madax-banaanida.
Sidoo kale, fanaaniinta reer Somaliland ayaa guddo iyo dibadba u diyaariyey bandhig faneedyo ay ugu dabaal-degayaan Maalintan, kuwaasi oo ogeysiiskoodu warbaahinta Online-ka ahi ku mashquulsan tahay, iyadda oo sidoo kale Magaalooyinka dalka dadka gaadiidka yaryar ee lagu raaxaysto wataa ay si niyad ah u dhageysanayaan heeso wadani ah, gaar ahaan kuwo u gaarka ah xuska 18-ka May, taasi oo qof kastaaba dareemayo qiimaha maalintani dalka iyo dadkaba ugu fadhido.
Ka sakow diyaar-garowga dalka waxa qabyo iyo diyaar-garow la’aani ka muuqataa dhinaca xukuumadda oo aan sanadkan sidaa u hadal haynin, iyadda oo wasaarada warfaafinta oo awal hore dhowr maalmood ka hor cod-baahiyayaal waaweyn ku dhex xidhi jirtay badhtamaha Caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo ay ka bixi jireen heeso wadani ah oo lagu waynaynayo maalintan isla-markaana muwaadiniinta lagu qiiro galinayo aanay ilaa hadda wax muuqda qabanin.
Sidoo kale, xukuumadda ayaa waxa ku furan mushkilado siyaasadeed oo ay kaga mashquushay maalintan iyo waliba dhibaatooyin dhinaca amaanka ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacayey Magaaladda Hargeysa , kuwaasi oo ay ugu dambeysay weerarkii lagu qaaday xerada ciidamada qaranka ee warshada Kabista Hargeysa, halkaasi oo dad badani ku naf-waayeen, taasi oo xukuumadda ku noqotay dhacdo culus oo furdaaminteeda u baahan.
Xukuumaddu sidoo kale, waxa ay ku mashquulsan arimo siyaasadeed oo la xidhiidha wada hadalada Somaliya oo la filayo in Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la filayo inuu 20-ka bishan ugu dhoofo Magaalada London oo la sheegay inuu kula kulmayo Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, si ay uga wada hadlaan gooni isku taaga Somaliland iyo sidii dawlada ku meel-gaadhka ahi u garowsan lahayd Madax-banaanida Somaliland isla-markaana faraha uga qaadi lahayd.
Waxyaabahan aynu sheegnay iyo maalinta ay ku soo beegan tahay oo ah maalin Jimce ah oo ah Maalin Cibaado oo dadka badankiisu ay dhanka Cibaadada u bataan ayaa laga yaabaa inay hoos u dhigaan culayska munaasibadaha lagu xusayo maalintan.
Ramaas Staff Writter.
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) May 17,2012 - Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Maxkamadda Dastuuriga ah, ayaa markii u horreysay muddaysay dhegaysiga dawcad la xidhiidha khilaaf ka dhex oogan hoggaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB oo garabka Axmed Yuusuf Yaasiin dhowaan u gudbiyeen.
Sido ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen, waxa Maxkamadda Sare muddaysay in 20 May 2012 oo ku beegan Axadda toddobaadkan la gudo-galo dhegaysiga dawcad ka dhan ah guddoomiyenimada xisbiga UDUB Md. Md. Daahir Rayaale Kaahin oo uu bishii April ee isla sannadkan 2012 maxkamadda u gudbiyey Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Dawcadda Maxkamadda Sare ee Somaliland muddaysay ka garnaqeeda waxa la sheegay inay la xidhiidho guddoomiyenimada UDUB ee Daahir Rayaale oo qayb xisbiga UDUB ahi aaminsan yihiin inay dhammaatay markii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26 June 2010 iyo sharcinimada go’aanno xisbigaasi gaadhay muddadii uu ku-simaha guddoomiyaha ahaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.
Khilaafka xisbiga UDUB ayaa bannaanka u soo baxay, kadib markii horraantii bishii January e sannadkan 2012 guddida fulinta ee xisbigaasi murrashaxa jagada Madaxweynenimo u doorteen Jamaal Cali Xuseen, waxana go’aankaas ka soo horjeestay madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ku doodayey in murrashaxnimadda xisbiga la qabto marka laga gudbo doorashooyinka golayaasha degaanka, balse Guddoomiye-ku-xigeenka UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna dhinaciisa ku adkaystay sharcinimadda go’aanka Jamaal Cali Xuseen loogu doortay murrashaxa jagada madaxweynenimo ee xisbiga UDUB, waxaannu khilaafkaasi sababay in Axmed Yuusuf Yaasin uu u gudbiyo Maxkamadda Sare dacwad la xidhiidha arrimahaas, iyadoo maxkamadduna gudo-galka dhegaysiga dacwaddaas u muddaysay 20ka bishan May 2012.
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo ku-xigeenkiisa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddo dheer ahaa saaxiibbo dalka uga arrimin jiray xarunta madaxtooyada, ayaa xilligan u muuqda kuwo fiintu dhexmiranayso, iyadoo Daahir Rayaale ku doodayo inuu yahay guddoomiyaha UDUB oo wixii go’aanno ah ee xisbigu gaadho aanay isaga la’aantii waxba ka soconayn, halka Md. Axmed Yuusuf Yaasiin isna dhiniciisa ku doodayo in go’aannadii xisbigu gaadhay oo murrashaxnimada Jamaal Cali Xuseen ku jirto sharci yihiin, isla markaana waajib tahay in sidooda loo dhaqan-geliyo, maadaama uu ahaa ku-simaha guddoomiyaha muddadii Rayaale dalka ka maqnaa.
Maaha markii u horreysay ee Maxkamadda Sare ee Somaliland ka garnaqdo khilaafka xisbiyada ka dhex dillaaca, balse waxa jiray inay hore uga garnaqday murankii xisbiga UCID ee kala fogeeyey Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha Wakiillada, ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Source: Jamhuuriya
Hargeysa (Ramaas) May 17,2012 – Ciidamada Booliska Magaaladda Hargeysa ayaa ku guulaystay inay si nabadgalyo ah u kala dareeriyaan dad xalay ilaa saaka Mudaharaado ka dhigayey xaafada New-Hargeysa.
Dadka Mudahaaradayey oo ka cadhooday xukun adag oo dil iyo xabsi daa’in ah oo Maxkamada ciidamada Somaliland ku riday eedaysanayaashii weerar ku qaaday xerada ciidamada warshada kabka ee ciidamada qaranka, ayaa taayiro ku gubay jidadka xaafadaasi, balse ciidamada SPU-da iyo kuwo loo yaqaano RRU-da oo halkaasi la geeyay ayaa ku guulaystay inay markiiba kala kaxeeyaan, iyadda oo aan wax dhibaato ahi dhicin.
Maxkamada Ciidamada Somaliland ayaa shalay 17 ka mid ah eedaysanayaasha ku xukuntay dil toogasho ah, halka shan kalena ay ku riday xukun xabsi daa’in ah, waxaana Guddoomiyaha maxkamadaasi sheegay inay afkooda ka qirteen inay weerarka ku qaadeen xerada ciidamada qaranka.
Shaqaaqadan ay sameeyeen dadka la xukumay ayaa dalka, gaar ahaan Magaalada Hargeysa galisay mashquul aad u badan, waxa ugu badan ee shacabku hadal hayaana waa dhibaatada ka dhalatay rabshadaasi ay ku dhinteen askarta iyo dadka kale ee rayidka ahaa.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Hargeysa (Ramaas) May, 17, 2012 Siyaasiga Cali Maxamed Waran-cade, ayaa ku baaqay in xal nabadeed lagu dhameeyo muranka ka dhashay xukun dil iyo xabsi daa’in isugu jiray oo maxkamada ciidamada ku riday ragg ka tirsanaa koox dabley koox hubaysan oo maalintii doraad iska horimaadyo dhex mareen ciidamada
Mr Waran-cade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotel-ka Safari ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in khilaaf ka dhashay xukunka maxkamada lagu soo afjari karo Isfahan dhexmara xukuumada iyo odayaasha dhaqanka ee beesha ay ka soo jeedaan ragga la xukumay.
Laakiin waxa xukunkaas waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa mid lagu degdegay oo aan laga fiirsan, isla markaana abuuray jawi xasilooni daro ah.
“Saska faraha badan ruuntii xalay jiray waxa keenay xukunkii Qaadigu ku riday ee degdega ahaa , xukunku waa dhacaa , shacbi iyo dawladi hadday wax dhexmareen, taaana waxa ka dambayn doono caqligii Somaliland talada madaxda Qaranka iyo talada odayaasha , arrinraas waa arrin la xalin karo” ayuu yidhi Waran-cade.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Hargeysa (Ramaas) May, 17, 2012- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA , ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay joojiyeen wadahadalo la doonayay in xabsiga lagaga sii daayo laba weriye oo maalintii doraad la xidhay,ka dib markii sida la sheegay ay sawiro ka qaadeen wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo wakhtigaas ku sugnaa meel u dhaw xerada ciidamada Soodaani oo ay ka dhacayeen rabshado u dhexeeyay ciidamada iyo dad shacab ah.
Guddoomiyaha ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle ( Duur) in uu si sharci daro ah ku haysto labada weriye oo kala ah Maxamed Cabdi Curad tifaftiraha wargeyska madaxbanaan ee Yool iyo Khadar Hayaan oo ah suxufi ka hawlagala wargeyskaas,isaga oo ka caga jiidaya in uu wasiirku diiday sii daynta suxufiyiintaas,maadaama oo aanay jirin dacwado lagu soo oogay oo loo gubiyay hay’adaha sharciga.
“Anigu wasiirka mar dambe arrintaas kala hadali mayno,ha haysto labada weriye, laba Telefoon ayaanu ka garaacnay naguuma qaban xafiiskaanu ugu tagnay , waxaad moodaa in wasiirka arrimaha guduhu si gaar saxaafada ugu buuxo waxa ay ahayd in uu na dhageysto ama laba daqiiqo nala hadlo” ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA.
Xukuumada Somaliland ayaa dagaal ay ku curyaaminayso barbaahinta madaxabanaan qaaday illaa intii xilkala wareegtay sannadkii 2010-kii , iyada oo xabsiga dhigtay sannadkan 2012 in ka badan 54 ,iyada oo qaar ka mida jidh-dil loo gaystay ,kuwaasoo lagu soo daaweeyay wadamada dibeda.
Tacadiyada soconaya ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay Magaalada London ay ka soo saartay qoraal kooxda u aqoonsiga Somaliland ee la yidhaahdo Somaliland Focus UK ay walaac kaga muujisay xaalada qalafsan ee ay ku sugan tahay saxaafada dalku.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.
Rayiga Dadweeynaha
- Warbaahinta Caalamiga Ahi Maxay Ka Tidhi Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Iyo Xukunka Dilka Ah Ee Sida Deg-dega Ah Maxkamada Milatarigu Ugu Qaaday 17-ka Qof..?
- Maraykanka Oo Muhaajiriin Somali Ah Ka Daad-gureynaya Jasiirada Malta Iyo Tahriibta Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Aad U Kordhaya
- Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysiga Dacwada Masuuliyiinta Eedaymaha Musuqmaasuq U Xidhan Maanta Dib Ugu Dhigtay Codsi Uga Yimid Ciidamada Booliska
- Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo Xukuumada Talada Haysa Ku Dhaliilay Sidii Loo Maamaulay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dalka Shiinaha (Dhageyso).
- Ma Dhab-baa In Madaxwayne Axmed Siilaanyo Laba Maalmood Ka Hor Safarkiisa Shiinaha Afhayeenka Madaxtooyadda U Qoray Warqad Uu Xilka Kaga Qaaday….?
- Nuxurka Heshiiska Madaxwayne Siilaanyo Ku Soo Saxeexay Shiinaha Iyo Shirkadda Shidaalka Ka Soo Saaray Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorhe Hawleedkeeda + Dekeda Berbera Oo La Wareegaysa Hawlihii Dekedda Djabuuti.
Photo Gallery
Shaqooyinka Banaan
| Job Title |
|---|
| Assistant Engineer - Hargeisa |
| Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa |
| Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo |
Arimaha Diinta
Voting Poll
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?
Total votes: 71




