Kusoo Dhawoow bogga Arimaha Diinta ee Shabakada Ramaasnews. Boggani waa bogga ugu qiimaha badan shabakada, waa bogga lagu soo bandhigo, lagu falanqeeyo lagagana jaahil baxo arimaha khuseeya diinta oo ay tahay inaynu mar walba hor marino. Waxad boggan noogu soo gudbin kartaan su'aalaha diiniga ah ee aad rabtaan in aad ka jaahil baxdaaan, qormooyinka diiniga ah iyo doodaha ku saabsan arimaha diinta la xidhiidha. Boggan waxa si gaar ah ugu xidhan culimo waawayn oo kamid ah culimada Soomaalida.
Bismilaah Alxamdulilaah; Sakaaatul fidriga waa taynu sheegnay ee aynu nidhi yaan lagu bixinin lacagtee raashinka ha lagu bixiyo. Markaa qofkii intuu lacagtii ka qaado dee raashin ha u siiyo oo dib ha ugu celiyo.
Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah ; Haddii ay xoolo leeyihiin agoontaasi oo ku filan, oo biil ugu filan, iyaga lama siinayo. Haddii se aanay wax ku filan haysan dee Foqoradii ayuunbay noqonayaan la siinayay. Wuxuun baana mar walba loo eegayaa baahiye ma jirtaa. Baahidaasi haddii ay jirto biil koodiina aan lagugu lahayn dee waad siin karaysaa. Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Kuwa dibadaha jooga ee maqan, dee kolay haddii ay dad waawayn yihiin Nafaqadooda laguguma lehee way kaa baydhay kol haday dad masuuliyiin ah oo qaangaadh ah yihiin. Oo dee iyagay tahay inay shaqaystaan, dee haddii ay dad wax haysta yihiinna iyaga iska bixinaya. Waxaaba laga yaabaa dee inay adiga biilkiiba kuu soo tuurayaan. Marka inay adiga kaa bixiyaan oo aad uba wakaalato intaad fariin u dirto, oo aad tidhaahdo idinkaa wax hayee anigana iga bixiya idinkuna way banaantahay Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah; Mar kale waxaan ku celin lahaa waxyaabaha maydhiga keena waxa kamid ah dhiigaa caadada iyo kaa dhalmada oo ruuxii dumarka aha ka go’a. Kolkaa marka uu ka go’o ee uu iska taago ee wakhtigiisu dhamaado, waxyaabaha aan u banaanayn waxa kamid ah ; inay tukataa uma banana, inuu ninkeedu u galmoodaana uma banana jeer oo ay maydhato. Maydhi ayay ku xidhanyhiin. Idan markaa dhiigii waa inuu go’aana kana maydhataana. Waxaynu ka fahmaynaa aayadan “ Dumarkii ha u dhawaanina marka ay caadada leeyihiin, Ilaa uu ka go’ayo, oo ay ka dahaaro qaadanayso.” Macnaha ay bixinaysaa waxa weeyan carabi ahaan, marka ay ka maydhaan. Markaa Ilaahay baaba cadeeyayba. Markaa si nadaafadii kaamil u noqoto oo u buuxsanto waa in uu go’aa dabadeed ruuxii dumar ahayd ka maydhataa.
Waliba sida uu rasuulku ku talinayay SCW e , meelihii dhiigu maray cadar udgoon iyo intay miski mariso inay maro mariso oo kusii xoqdo oo ku nadiifiso si markaa arinti u dhamaystiranto. Midhka markaa aynu kusoo ururinaynaa waxa weeye , waa daruuri, waajib baanay tahay inay maydhato wakhtigaasaanu u tagi karaa. Saxaabiyad ala odhan jiray Farima Bintu Xubaysh, markuu rasuulku la hadlayay SCW iyadoo uu kala talinayay dhiigaas dhabar furanka ah iyo ka caadada iyo habka ay cibaadada u gudan lahayd, waxa uu laha rasuulku “ Intaad maydhato marka uu xaydku kaa go’o dabadeedna tuko” Markaa sidaasay isku daba soconayaa, xadiiskaas oo Mutafaqu calayhi ah. Markaa waxkaamtan ninkan Su’aalihiis danbe ay u badan yihiin ee u saabsan dadku siday u dahaaro qaadanayaan, ioyo labada qof ee sawjaynka ah habka ay u wada noolaanayaan waa mid muhiim ah inay ruuxii dumarka ahayd wax ka ogaato ninkiina wax uu ka ogaado si xaraam aanay ugu dhicin, anshax xumo iyo edeb darona aanay runtii u imanin. Islaamka habka wanaagsan ee uu u dhigayna dee loo raaco. Walaahu Aclam Read More ...
Bismilaah Alxamdulilaah: Qofka waxyaabaha inuu maydho waajib kaga dhiga waxa kamid ah iyadoo manidu ay kazoo baxdo, taa ay Soomaalidu u taqaano shahwada ee qofka binu aadamka ahi ka abuurmo. Amma hakaga soo baxdo isagoo soo jeeda amah aka soo baxdo isagoo hurda, qofkay kazoo baxaysaa qof dhadig ha ahaado amma qof lab ha ahaado, ileen dumarka laftoodii way leeyihiin manidaase. Marka ay kazoo baxayso waxa shardi ah inay iyadoo dareen u samaynayso “bil shahwa” ay kazoo baxdo, haddii ay sidaas uga soo baxdo waxa waajib ku ah inuu maydho. Oo waxyaabihii maydhiga keenayay ee waajibka ka dhigayay bay tahay. Waxaana u daliila xadiis saxeexa oo muslim ku sugan oo Nabigu CSW laha “ Biyaha lagu maydhanayo waxa sababaya biyaha qofka ka imanaya”. Saxaabiyada la yidhaahdo Ummu Sulaym baa Nabiga u timi CSW, su’aal bay waydiisay markaa dumarku laga yaabo badan koodu inay ka xishoodaan laakin gogol dhig bay u samaysay iyo afeef , markaasay lahayd “ Nabi Maxamedow waan ku su’aalayaaye Ilaahay kama xishoodo shayga xaqa ah ee waa cadeeyaaye, midhkan aan soo wadaana waa shay xaqa oo aan rabo inaad iga caafimaadiso. Ruuxii dumar ahayd marka ay habeenkii ku riyooto Jimaac iyo galmo miyaa lagu leeyahay maydhi, maydhasho ma ku waajibaysaa”.
Nabigu waxa uu ugu jawaabay CSW isagoo dee xaqa cadaynaya , isagoo aan afka ka qarsan oo xagaa nooga baydh aan odhanin “ Haa oo maydhigi wuu ku waajibayaa kol haddii ay biyo aragtay” Bukhaari iyo Muslim baa xadiiskaa wariyay. Markaas midka shardiga ahi waa imaatinka biyaha. Waxyaabahan soo socdaa marka ay qofkii ku dhacaan isaga maydhi kuma waajibayo, 1. Marka ay biyihi kazoo baxaan isagoo wax dareen ah aan u samaynaynin,
2. Qofkii marka uu ku riyoodo inu galmo iyo wax samaynayay laakin biyo aanu arag sidaynu xadiiskaa hore ka fahanay, 3. Ninkiii oo kale marka uu wixii isku celiyo ee aan waxba ka imanin. Kolayba se ka xusidiisa mudani waxa weyaan marka ninkii iyo gabadhii dee isu tagaan ee kulmaan, wax ha sameeyeen hase yeeshee aanay waxba ka imanin waxa lagu leeyahay maydhi, sida xadiiska muslim ku sugani tilmaamayo “ Kol haday ninkii iyo afadii kulmaan biyoba yaya ka imanin, laakin inay maydhaan weeye. Islaamkuna nadaafaduu ku dadaalayaa. Qofku maraaxilka noocan oo kale ah qofka dheecaamo iyo dhididyo ayaa ka imanaya, is badal baa jidhkiisii ku dhacaya, sidaas darted dee inuu nadaafad qaato si aan dadkii waxba ugaga soo ururin waa runtii mid muhiim ah. Markaas jawaabtii hadaynu soo koobno, hadii biyo kaa yimaadeen waa lagugu leeyahay maydhigii, hadaan biyo kaa imana laguguma leh, Walaahi Aclam. Read More ...
Shaygan la yidhaah dhaartee ee qofka masuul ka ah la dhaarinayo amaba markhaatiga la dhaarinayo, mashruucba maba ah, masuulka dhaarba laguma lahaba. Masuulka Islaamku waxa uu shardi uga dhigay inuu yahay qof miyir qaba oo aynu uga jeedno inuu yahay qof diin iyo amaano iyo Iimaan leh oo xilkii lagu aamini karo oo Iimaankiisu celinayo. Kol hadii qofkaas Iimaankiisa iyo Cadaaladiisa lagu kalsoonyahay, masuuliyada waa loo dhiibayaa ee loo ma talo saaranayo kitaab uu baalaha gooyo oo uu ku dhaarto.
Read More ...
Sideedaba waxa jira haddii qofka ficil uu ka yimado marna wuu u kasaa marna uma kasee oo Khada’ buu noqdaa. Mar waa lagu yeesha ficilka marka uu khada’a yahay marna laguma yeesho. Xaaladaha noocaas oo kale ah wixi dhacaa mar waxa uu ku dhacaa sabab, marna waxa uu ku dhacaa mubaashara . Qofkoo ficilkii sabab ula yimaada amma ficilkii gacanba saaraba.
Read More ...
Hadii aqoonyii salaadu jiri lahayd mushkiladana kula soo gudboonaatay sidii loo xalinayo waad garan lahayd. Waxa uu suneeyay Rasuulk SCW marka qofka taas oo kale ku timaado, waxa haboon inuu sanka qabsado isagoo u muujinaya inuu sanbooray oo kale. Kadibna dibada u baxo hawshiisiina iska soo dhamaysto. Dadkii xaman lahaa ee odhan lahaa waa xejin waayay ee xaman lahaana way ka hakanayaan oo arinkisii waaa u asturanayahay. Islam markaana dee cibaadadiisi wuu usoo dahaaro qaadanayaa.
Read More ...
Jawaab: Marka hore candhuuftu waa daahir, oo nijaas maaha. Meelkastaba ha ku dhacdo waa daahir. Waatan aynu liqayno sharaabkaynu cabayno inoo ah oo aynu jidiinkeena ku qoynayno. Marka Mushkiladaad dareentay ma jirto. Waxase mushkilad ah aqoon darada aad salaada u leedahay ee aad kala garan wayday wixi nijaas ahaa ee jabaninayay iyo wixii aan nijaas ahayn, mar se ahadaad tukanayso waa Alxamdulilaah.
Read More ...
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?