Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

War-bixin: Isbedalada Siyaasadeed Ee Somaliland Ka Dhacay Sanadkii Tagay Ee 2011-ka (Qaybtii 2-aad).

Hargeysa (Ramaas) Jan 1,2012 – Baahintii shalay (31.12.2011) ee shabakada wararka ee RAMAAS waxaynu ku soo qaadaney qaar ka mid ah isbedalada siyaasadeed ee sanadkii tagay ee 2011-ka ka dhacay Somaliland, kuwaas oo aynu tilmaanay in qaarkood saamayn xun ku yeesheen hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka hano-qaaday, halka kuwo kalena ay door fiican ka qaateen bulshadu, kuwaas oo ay ka mid ahayd xuskii 20 guurada madax-banaanida Jamhuuriyadda oo ay dabaal-degyo layaab ah ku muujiyeen sida Somaliland ictiraaf beesha caalamka uga baahan tahay.

 

Haddaba qaybta labaad ee War-bixinta Ramaas ee ku aadan isbedalada siyaasadeed ee dalka soo maray waxaynu ku soo qaadan doonaa, dhacdooyinka ugu muhiimsan ee sanadkii tagay dalka soo maray , kuwaas oo aanu door-bidnay inaanu umadda dib u xasuusino.

Kaalmadii Somaliland u fidisay Dadkii Abaaruhu ku Habsadeen Ee Soomaaliya.

Dhacdooyinka dalka Jamhuuriyadda Somaliland soo maray sanadkii tagay ee 2011-ka waxa ka mid ahaa kaalmadii shacabka Somaliland iyo xukuumadda oo iskaadhaday u fidiyeen dadka dalka Soomaaliya oo wakhtigaa xaalad khatar ah oo cunto iyo biyo la’aaneed abaar iyo colaaduhu sababeen ku habsatay.

Talaabada shacabka Somaliland gacanta ugu fidiyeen dadkaasi jaarka ah la ah ayaa beesha caalamku aragtiyo kala duwan ka bixisay, iyadda oo qaarkood ku tilmaameen talaabo la mid ah ta ay qaadeen wadamada la aqoonsan yahay, inkasta oo hogaanka ku meel-gaadhka ah ee dalka Soomaliya ay u turjumeen in Somaliland daneynayso inay dib ula midowdo dalka Soomaliya oo ay madax-banaanideeda kala soo noqotay 21 sanadood ka hor, iyagga oo sidoo kalena si cadaan ah idaacadaha caalamiga ah soo mariyey baaqyo Somaliland lagu beerlaxowsanayo, taasina waxay keentay in Madaxwaynaha Somaliland ka hadlo, isla-markaana cadeeyo in kaalmada macnaheedu aanay ahayn in la soo noqday.

Xidhiidhka Somaliland iyo Djibuuti Oo Xumaaday.

Isbedalada siyaasadeed ee dalka soo maray sanadkaa ayaa waxa kale oo ka mid ahaa xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Jamhuuriyadda Djabuuti oo xumaaday, ka dib markii Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo la waydiiyay aragtidiisa ku aadan gooni isu-taaga Somaliland uu si badheedh ah u dafiray halgankii umadda Somaliland u soo mareen madax-banaanidooda, isla-markaana uu sheegay inay ka dhigan tahay Gaadhi dameer laga hor-mariyey Dameerkii jiidayey.

Intaa ka dib xidhiidhka Somaliland iyo dalka Jabuuti sidii hore muu ahayn, waxaana dibada u soo baxday in Madaxwynaha Jabuuti aanu daacad ka ahayn kulamada uu la yeesho Madaxda Somaliland.

Af-duubkii Puntland Ee Masuuliyiinta Somaliland ee gobolka Sool.

Sidoo kale, dhacdooyinka muhiimka ah ee sanadkii tagay dalka ka dhacay waxa ka mid ahaa masuuliyiin badan oo ka tirsan dawlada Somaliland oo ay qafaasheen ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Masuuliyiintan la afduubay ayaa ahaa masuuliyiinta dawlada Somaliland uga masuulka ah gobolka Sool, waxaana afduubkoodu ka dhacay deegaanka Degmadda Taleex oo ay wakhtigaa ku sii jeedeen, waxaana markii la afduubayey halkaasi ku dhintay dad rayid iyo askar isugu jiray ooo weftiga la socday, waxayna ku dhinteen rasaas badan oo maleeshiyadda Puntland weftiga ku rideen gaadiidkii ay la socdeen.

Afduubkaasi ayaa waxa uu sii fogeeyay xidhiidh ka dhaxeyn kara Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland oo awalba xidhiidhkoodu aanu wanaagsanayn, inkasta oo markii dambe la soo daayey maxaabiistaasi oo xukun maxkamadeed lagu riday, iyadda oo loo cuskaday inay ku soo xad-gudbeen dhul Puntland sheegato.

Isbedalada xusida mudan ee sanadkii tagay dalka ka hirgay sidoo kale waxa ka mid ah Ciyaaraha Gobolada Dalka Oo Shan Sanadood Ka Dib La Qabtay, kuwaas oo maalmo ka hor soo xidhmay.

La soco qaybo kale.

 

 

Ramaasnews Staff

Hargeisa.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus