Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Shirka Beelaha Dhulbahante Ugu Socda Degmada Taleex Oo Lagaga Wadahadlay Qodobo Xasaasiya Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Karo Somaliland.

Taleex(Ramaas) Dec. 30, 2011- Shirka  beelaha  Dhulbahante ugu socda  degmada Taleex ee gobolka Sool ee Khaatumo 2, ayaa galay marxalad xasaasiya. Ka dib markii ergooyinka la soo hordhigay sida la sheegay  qodobo  lagaga arrinsanayo mustabalka  beeshaas.

Ajandaha shirka ayaa lagu soo daray habeenkii xalay qodobo door ah, oo ergooyinka beelaha lagaga codsaday in ay gabagabada shirka si rasmi ah loogu dhawaaqo maamul goboleed la yidhaahdo  Darwiish State oo ay dabada ka riixayaan koox qurbajoog ah oo intooda badan oo Taleex soo gaadheen  labadii maalmood ee ugu dambeeyay. 

 

Dooda kulul   ka dhalatay qodobada cusub, ayaa  sababtay in  la tixgeliyo  fikrada ka timid dhanka dibed wareega oo wakhtigan  leh gacanta sare ee hogaanka shirka Khaatumo,iyada oo odayada beelaha talada lagaga maroorsaday, inkastoo madax-dhaqameedyada qaarkood ay soo jeediyeen in aan lagu deg-degin tallaabadaas, maadaama oo dhulka beesha Dhulbahante ay ka taliyaan Somaliland, maamul goboleedka Puntland iyo kooxda falaagada ah ee SSC. 

Kooxaha ka soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland ee wadamada Galbeedka ka wada dacaayadaha ka dhanka qadiyada Somaliland, ayaa soo jeediyay in xuduuda maamulka Darwiish State laga dhigo degmada Oog ilaa  Tukaraq,iyada oo caasimadana loo qoondeeyay Magaalada Laascaanood, balse xilligan oo aanay suurtagal ahayn laga dhigo  Magaalada Buhoodle oo gacanta ugu jirta kooxda hubaysan ee SSC.

Qof ku sugan meel u dhaw goobta shirku ka  socdo  oo codsaday in aan magaciisa la sheegin sabab la xidhiidha amnigiisa, ayaa u sheegay  shabakeda wararka ee Ramaasnews in ay suurtagal tahay in  maamul cusub lagu dhawaaqo.

“ Waxa meesha ka socdaa waa in maamul lagu dhawaaqo oo wax jira kooxo dano gaar ah leh oo xagan dibeda ka  yimid, waxa ay meesha shirka yimaadeen  Doraad iyo shalay, xalay odayaasha ayay  marsiiyeen in maamulka la iclaamiyo  marka shirku dhammaado” ayuu yidhi qofkaas.

Haddii shirkan ay ergada fadhida isku raacdo in maamul goboleed cusub lagu dhawaaqo ,  waxa ay dhaawac siyaasadeed  iyo mid deganaansho u gaysan doontaa Somaliland  oo xuduudaheedu ku sargo’an yihiin  soohdimhii gumaystihii Ingiriiska,iyada oo beesha caalamka loo muujin karo dhulka Somaliland ay ka jiraan maamulo aan wada aaminsanayn jiritaanka  Jamhuuriyada oo lagu dhawaaqay sannadkii 1991-kii, laakiin aan ilaa hadda helin aqoonsi caalamiya.

 

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa  

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus