Addis Ababa(Ramaas) Nov. 1, 2011-Ra'iisalwasaaraha dalka ETHOIPIA Ata Meles Zenawi, iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka wadahadlay dhowr qodob oo ay kamid yihiin maxaabiista laga hayo Somaliland ee dhawaan deegaanka Dacawalay dalka ETHIOPIA laga qabtay iyo soo saaridda shidaalka deegaanka Soomaalida.
Dhawaan aayaa ciidanka deegaanka Soomaalida ee New Boolisku gacanta ku dhigeen 57 qof oo ka soo jeeda beelaha Somaliland oo la sheegay in ay qayb ka ahaayeen dagaal laba beelood deegaanka Dacawalay ku dhexmaray, kuwaasoo la sheegay in ay dad ku laayeen degmada Yoocaale sida ay ku dooday xukuumada Kilalka 5-aad.
Siilaanyo oo Magaalada Addis Ababa ku yimid safar uu ugu kicitimay dalka Britain, ayaa kulan uu la yeeshay Meles shalay ku codsaday in la sii daayo maxaabiistan, isla markaana la dardargaliyo dhismaha tubbooyin shidaalka ka qaada deegaanka Soomaalida oo geeyo Somaliland.
Dhamaadkii bishi July ee sanadkan ayey dowladda dhexe ETHIOPIA ku wareejisay shirkadda PetroTrans oo laga leeyahay dalka Shiinaha ceelasha shidaalka ee Jeexdin iyo Elele, kadib markii ay halkaa ka guurtay shirkaddIi Petronas oo laga lahaa dalka Malaysia.
Guddoomiyaha, ahna Madaxweynaha PetroTrans, John Chin, kadib xafladdi saxiixa hashiiska labada dhinac, waxa uu ballanqaaday in saddex sano gudahood ay shirkaddiisa ku galin doonto tubbooyin shidaalka looga soo nuugo deegaanka Soomaalida, laguna gaadhsiiyo Somaliland si halkaa looga dhoofiyo.
Maqaal uu isbuuci tagay qoray oo lagu soo daabacay bogag dhowr ah, waxa uu madaxwayne Siilaanyo ku sheegay in ay xukumadda Somaliland kala shaqeyneyso dawladda ETHIOPIA sidi tubbooyin dhaadheer loogaga soo nuugi lahaa shidaalka ku jira gobolka Ogaadeen, waa sida uu hadalka u dhigay, taasoo uu sheegay in ay shaqooyin u abuuri doonto dhalinyarada Somaliland.
Shacabka deegaanka Soomaalida, dal iyo dibad, ayaa si weyn uga soo horjeedo in ay Somaliland saameyn ku yeelato arrimaha gudaha ee deegaanka Soomaalida EHIOPIA, iyo qaab isticmaalka qeyraadka dalka.
Somaliland ayaa billawday diyaarinta dhulka laga dhisi doono meelaha lagu kaydin doono shidaalka deegaanka Soomaalida, waxaanna Magaalada Berbera ka socda baneynta iyo xaaqidda dhulka laga fulin doono mashruucan
Sidaa waxa aanu ka soo xiganay warbaahinta dalka Itoobiya.
Ramaasnews Des
Hargeisa



