Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

John Drysdal Oo Cabasho Dheer Ka Muujiyey Mashruuc Uu Gacanta Ku Hayey Oo Masuul Xukuumada Ka Tirsani Ka Qaaday, Kuna Wareejiyey Walaalkii.

Hargeysa(Ramaas) Okt.05, 2011- John Drysdal oo ah maamulaha mashruuca kala xadayn beeraha oo Somaliland laga hirgeliyay sannadkii 1996-kii ayaa sheegay in xukuumada cusub ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay xoog kula wareegtay mashruucaas oo ay si sharci daro ah u siisay Maxamed Xaaji Cali Xasan oo ah nin ay walaalo yihiin wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan. Drysdal oo maanta qaar ka mida warbaahinta kula hadlayay guriga uu degan yahay ayaa isaga oo ay indhihiisa ilmo ka da’ayso sheegay in mashruucani uu usoo bandhigay xukuumadii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sannadihii 1990-yadii, kaas oo qalinka loogu duugay markii dambe, iyada oo sannadkii 2005-tii ay mar kale xukuumadii Madaxweyne Rayaale ogolaatay mashruucan, isaga oo soo bandigay waraaqo muujinaya heshiishyadii lala galay.

 

Waxa kale oo uu sheegay in wasiirka wasaarada beeraha Faarax Maxamuud Cilmi Geedoole oo mar kula kulmay xafiiskiisa uu ugu hanjabay in haddii uu u hogaansami waayo amarkiisa in uu dib ugu celin doona dalka Ingiriiska oo uu Drysdal dhalasho ahaan ka soo jeeda, laakiin uu taasi kaga jawaabay hadal naxdin leh oo ku yidhi Af-Soomaali“maxaan ku falayaa”, balse wasiirku su’aashi kama jawaabin.“ Waxaan arrintan markii ugu horeysay usoo bandhigay wasiirkii beeraha Yaxye Xaaji Ibraahim, waxaan Ingiriiska ka keenay qalab la yidhaahdo Threligth oo ah qalab lagu cabiro dhulka, waxa ay wakhtigaas dad badan oo reer Somaliland ahi ka soo laabanayeen wadanka ETHIOPIA oo ay u qaxeen sannadkii 1988-kii, waxa dadka reer Somaliland beerahoodii la wareegay qaxoonti isugu jiray Ogaadeen iyo Aba-iskuul oo ka yimid ETHIOPIA, kuwaas oo la wareegay dhulkii ay dadkaasi lahaayeen, mana jirin wax caddeyn ah oo uu qofna ku sheegan karayay lahaanshaha beertiisa oo aanu lahayn nina. Markaas waxa aanu baahi u qabnay in aanu sahamino beeraha oo aanu dabadeed kala xadayno, waxaana aan bilaabay in aan sameeyo shirkad cusub oo magaceeda la yidhaahdo Cadastral Survey si aan u keeno qalab Technology-da ku shaqaynaya oo loogu talagalay waanan qabtay shaqadaas 15 sannado ka hor , oo lagu sameeyay shan iyo toban kun oo beerood oo ku yaala Somaliland, iyada oo loo adeegsaday qalabka Threligth, dhibaatada maanta i haysataa waa mid ka duwan tii hore wasiirka cusub ee beeruhu waa nin aanu mar kulanay, waxa uu iigu yimid xafiiskayga, waxaana uu igu yidhi waxaan dib kuugu celin doonaa England , waxaan ugu jawaabay maxaan ku falayaa iimana jawaabin waana uu tagay , mar dambena maan arag, laakiin waxa uu si tuuganimo ah u xaday shirkadaydii Cadastral Survey, waana sababta aynu saaka halkan ugu kulmayno qoladiina saxaafadu” ayuu yidhi John Drysdal.

 

John Drysdal ayaa Somaliland yimi Xoriyada horteed, isaga oo ka mid ahaa koox askar British ah oo ka qaybgalay dagaaladii ka dhacay dalalka Burma (Myanmar) iyo Thailand oo ku yaala Koonfurta Bari ee Qaarada Aasiya intii uu socday dagaalkii labaad ee aduunku, xilligaas oo uu dalka Japan uu qabsaday dhulkaas, waana nin aad u yaqaana dhaqanka Soomaalida isaga oo qoray buug uu ugu magacdaray Whatever happened to Somalia oo uu si faahfaahsan ugaga waramay mushkilada ka taagan dalka Soomaaliya. Laakiin waxa xusid mudan in uu dhawaan galay diinta Islaamka oo uu ka baxay diinta Kiristaanka oo uu ku dhashay aaaminsanaana muddo dheer, taas oo la sheegay in qoyskiisu ay si weyn uga soo horjeesteen oo ay dayriyeen. Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa hore loogu eedeeyay in uu nin ay walaalo yihiin ugu sharciyeeyay dhul ay lahayeen ciidamada Milatariga Somaliland oo ku yaala Magaalada Burco, isaga oo aan u marin nidaamka garsoorka, taas oo noqotay fadeexad qaawan oo soo wajahday wasiirka, laakiin waxa uu u muuqnayaa nin sii wada qorshiisa dadku ugu magacdareen qaraabo kiilka, maadaama uu yahay masuulka ugu awooda badan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, waana jaangooyaha siyaasada gudaha iyo dibedaba ee dalka.

Dhan kale, mar aanu isku daynay arintaas in aanu wax ka waydiino wasiirada wasaaradaha Madaxtooyada iyo beeraha ee eedaynta loo jeediyay nooma ay suurgelin in aanu la xidhiidhno.

 

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus