Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Haweenay Cir Bixiyeen Ah Oo U Dhalatay Dalka Maraykanka Oo Ku Dhawaaqday In Ay Muslimtay, Kana Jawaabtay Warar Ay Ka Faafiyeen Warbaahinta Reer Galbeedku

Kennedy Space Station(Ramaas) Oct. 2, 2011- Haweenay cir bixiyeen ah oo lagu magacaabo Sunita Williams ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi a ugu biirtay diinta Islaamka, ka dib markii ay Dayaxa dushii ku aragtay mucjisooyin ka yaabiyay  wakhti ay safar ku joogtay. 

Sunita oo  ka  tirsan shaqaalaha NASA, ayaa daboolka ka qaaday in go'aankan ay  qaadatay uu  ku yimid, kadib markii ay si dhab ah oo aan shaki ku jirin ay u xaqiiqsatay in Diinta suuban ee Islaamku ay tahay mid jiritaankeeda aanu wax mad-madaw ahi saarnayn oo ay tahay diinta kaliya ee ay ku jirto xaqiiqda noloshu.

Cirbiyeenadani waxa ay ka dhawaajisay in go'aankan ay qaadatay ku dhashay, kadib markii ay si nabadgelyo leh ugu soo noqotay dhulka safar dheer oo qaatay 197 maalmood kadib oo ay ku dul joogtay dayaxa dushiisa iyada iyo Afar Cir-bixiyeen oo la socday .
 

Haweenaydan oo warbaahinta uga waramaysay go'aankeeda ayaa sheegtay in  waxyaabo la yaab leh ay aragtay markii ay gaadhay Dayaxa dushiisa.

 

"Ilaahay baa mahad leh oo khaatimada ii waafajiyay, markii aan dayaxa dul joogay. Waxaan Teleskoob ( telescope ) waynayso leh ku soo eegay dhulka, oo dhamaantii midabkiisu madaw ahaa, marka laga reebo Laba meelood (Dhibcood), oo kuwa barakaysan ah oo mucjiso ahaa oo aad iyo aad u nuurayay una iftiimayay labadaas dhibcood oo kala ahaa Xaramka Maka iyo Qabriga Nebi Muxammad ee Madiina oo ku yaala dalka Saudi Arabia. Waxa kale oo ay tidhi, "Maaha wax muran ku jiro Islaamnimadaydu. Waayo, markii aan dayaxa dul joogay haba yaraatee, wax sanqadh iyo sunqudh maan maqlayn aan ka ahayn dhawaaqa codka Eedaanka shanta salaadood.
 

Waxa ay  xustay in ay jireen cir-bixiyeene hor oo Islaamay iyo qaar kale oo iyana la filayo in ay si degdeg ah u soo Islaamaan wakhti dhaw , iyada oo waxba kama jiraan ka soo qaaday warar si weyn ay saxaafadu Reer Galbeedku u buun-buunisay oo tuhun lagu galinayay mawqifkeedan    ay ku soo Islaamtay.

Maaha markii ugu horaysay ee ay soo Islaaman cir-bixiyeeno, saynisyahano iyo dad kalaba  oo magac leh, waxaana tiro ahaan labadii sano ee u danbeeyay soo muslimay cir-bixiyeeno aad u tiro badan, Waxaana si weyn isu sii taraya oo maalinba maalinta ka danbaysa circa  isku sii shareeraya werwerka ay diimaha kale ka qabaan Islaamka oo noqday Diinta kaliya ee ugu koriinka badan dhamaan diimaha dunida ee ay soo galaan dadka rumaysani.

 Sunita Williams oo  ku dhalatay  deegaanka Euclid oo ka tirsan gobolka Ohio ee dalka Maraykan ayaa asal ahaan ka soo jeeda gobolka Gujarat ee wadanka India, waxaana leedahay hooyo u dhalatay dalka Slovenia ee Qaarada Yurub, waxaana ay noqotay gabadhii labaad ee Hindiyad ah  oo hay’ada Naza u xulato in ay raacdo safar  loogu baxayo  Dayaxa, iyada oo maqnayd 197 maalmood oo ahaa safarkii ugu dheeraa ee ay haweenay  Dayaxa ku tagto.

 

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus