Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Zambia oo ku guulaysatay Koobka Qaramada Qaarada Africa

Libreville(Ramaas) Feb.13, 2012 - Xulka dalka Zambia aya  ku guulaystay koobka Qaarada Qaramad Africa kadib markay ciyaar aad u adag kula yeesheen xulka dalka Ivory Coast ciyaarti finalka ahayd ee ka dhacday caasimada dalka Gabon ee Libreviile.

Waa markii u horeysay ee ay ku guulaystay koobkan, sidoo kale waxa xusid mudan  waa 19  sano guuradii ka soo wareegtay markii ay xulka Zambia ay diyaaradi kula qaraxday sanadii 1993 caasimada Gabon ee Libreville.

 

Koobkan oo ay si wada jir ah ku marti galiyeen labada dale ee Gabon iyo Equatorial Guinea, waxa xusid mudan in sanadkan aanay ka soo qayb galin xulka dalka Masar oo ku guulaystay saddexdii mar ee ka horeeyey koobkan iyagoo ku hadhay wareegi isreeb reebka aha.

Ciyaartan oo aad u kululayd aya waxay xulka Zambia la soo galeen dar dar iyagoo bilawgi ciyartaba marar dhawr ah sigay goolka Ivory Coast. Waxaanay ku soo gebo geboday qaybtii hore ee ciyaartu barbar dhac goolal la’aan ah. Balse markii la isku soo laabtay ciyaarta qaybtii danbe ayay xulka Ivory coast bilaaben weeraro isdaba joog oo khal khal galiyey xulka Zambia. Sidoo kale waxa daqiiqadii 70 aad lumiyey rigoore kabtanka Ivory Coast Didier drogba kana dhigay ciyaarta inay 90 mirir ku dhamaato bar bardhac. Waxa sida caadada ah lagu daray 30 mirir oo dheeraad ah kaas oo la filayey inay goolal ku dhalan karaan go’aamiya xulka ku guulaystay koobkan.

90 mirir ee ciyaarta + 30 mirir ee dheeraadka ah kadib goolal la’aan waxa loo dhigay rigoorayaal, waxa gabagabadii guushu ku raacday xulka dalka Zambia oo xaqiijiyey inay ku guulaystaan markii u horeysay taariikhda koobka qaarada Qaramada Africa. Waxa meesha ku sugna dad badan oo magac ku leh kubada cagta aduunka sida Pele, sido kale waxa meesha ku sugna mid ka mid ah ciyaartooyadii ka badbaaday qaraxii diyaaradi sababtay inay dhintaan dhamaan laacibiinta xulka Zambia sanadii 1993.

 

 

RamaasSport

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus