Tababarah kooxda Real Madrid Jose mourinho ayaa la ganaaxay laba ciyaarood kadib markuu dhegta maroojiyey mid kamid ah shaqaalah kooxda Barcelona.
Gudida anshaxa ee Xidhiidhka kubada cagta ee Spain ayaa baadhitaan badan ka dib laba ciyaarood ganaaxay tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho kadib markuu dhegta maroojiyey mid kamid ah shaqaalah kooxda Barcelona. Dhacdadan ayaa timid kadib kulankii ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona ku dhex maray garoonka garoonka Camp Nou halkaas oo uu difaaca kooxda Real Madrid Marcello si xun u lugta ula tiigsaday laacibka dhexda uga ciyaara Barcelona ee Cesc Fabregas, falkan oo buuq dhex dhigay laacibiiinta labada kooxod ayaa waxay Cammera-du qabatay tababare Mourinho oo mid kamid ah shaqaalaha Barcelona dhegta maroojinaya.
Ganaaxay ayaan tababare Mourinho wax saamayn ah ku yeelan doonin kulamada Horyaalka Spain ee La Liga iyo koobka boqorka Spain ee Coppa Del Rey, balse waxaa uu kaga maqnaan doona kulamada Super Coppa ah Spain.
Ramaas News (Sport)
Hersiguure.




