Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha
Sports Ciyaaraha
Sports Ciyaaraha

Sports Ciyaaraha

Kusoo Dhawaada Bogga Ciyaaraha Ee Shabakada Ramaasnews. Kala soco boggan, falanqaynta, natiijooyinka tartamada kala duwan ee caalamka iyo dalkaba. Waxa xusid mudan in si joogto ah halkan looga baahin doono tartamada kubadda cagta ee bisha barakaysan ee RAMADAAN. Waa bogga dhamaan dhalinyarta iyo dadka xiiseeya ciyaaraha, ka dhiibo fikirkaaga, ku darso khibradaada kana qayb qaado falanqaynta ciyaaraha kala duwan. Dhiiri galinta ciyaaraha dalku waa hadafkayaga.

Hargeysa(Ramaas) Sept.05, 2011 - Orodyahanka caanka ah ee Maxamed Faarax ayaa ku guulaystay tartanka orodka ee 5 km, isagoo inyar ka hormaray orodyahanka kale ee u dhashay dalka Saudi Arabia ee Hussain Jamaal Alhamdah. Mohamed Farah oo asal ahaan ka so jeeda Somaliland balse metalaya dalka Britian waxuu ku guulaystay bilad dahab ah oo aanu orodyahan kale oo Britian ahi ku guulaysan mudo aad u dheer. Mohamed farah waxa uu ku dhashay magaalada Moqdisho sanadii 1983, waxanu ku koray dalka Djibouti halkaas oo uu ka bilaabay kubada cagta balse markii aan loo arag inuu ku fiican yahay kubada cagta waxa…
Hargeysa (Ramaas) Sept 04, 2011 - Jarmalka ayaa noqday dalkii u horeeyey ee ka soo gudba is reeb-reebka koobka qaarada yurub, kadib kulankii ay la yeesheen Austria oo ay ku jiidheen 6-2. Mezut Ozil oo laba gool dhaliyey, Lukas Podolski, Miroslav Klose, André Schürrle and Mario Götze ayaa u horseeday dalka Jarmalka inay usoo gudbaan koobka qaarad Yurub. Tartankan oo ay marti galinayaan labada dal ee Poland iyo Ukraine ee bariga qaarada Yurub waxa uu qabsoomi doona bisha lixaad ee sanadka soo socda ee 2012. Sidoo kale, xulka dalka Ingiriiska ayaa usoo dhawaaday inay u gudbaan koobka qaarada yurub kadib…
Saturday, 27 August 2011 14:40

BARCELONA OO KU GUULAYSATAY KOOBKA SUPER-CAP YURUB

Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) August 27, 2011 - kooxda BARCELONA yaa marlabaad mudo kayar laba wiig gudahood ku guulaystay kobkii labaad ee xili ciyaareedkan, ka dib markay 2-0 kaga badisay kooxda Porto ee dalka Portugal. koobkan Super-ka ee Yurub oo kulmiya labada kooxod ee ku kala guulaysta Horyaalka Naadiyada Qaarada Yurub iyo Kooxda ku guulaysta tartanka labaad  ee Naadiyada Qaarada Yurub. kulankan  oo ka dhacay  garoonka kooxda Manoco ee Stade Louis II ee dalka Faransiiska, waxa ay kooxda PORTO lasoo gashay dar dar ay gebi ahaanba ku maamulanaysay qaybtii hore e ciyaarta, balse inyar kahor dhamaadkii qaybta hore ee ciyaarta waxa usuurto…
Hargeysa(Ramaas) Aug.26, 2011 - Horyaalka dalka Spain ayaa dib u bilaabmaya maalinta bari ah, kadib ismari qaatay wiigag badan oo u dhaxeeyey ururka laacibiinta ka ciyaara dalka Spain iyo xidhiidhka kubada cagta. Khilaafkan oo ku saabsanaa mushaharka laacibiinta la siiyo ayaa gaadhay heerkii u sareeyey, taas oo keentay in la baajiyo kulamadii todobaadka koowaad, ayaa soo gebo geboobay kadib heshiis ay wadajir caasimada dalkaas laba dhinac ugu gaadheen. Horyaalkan oo lagu tiriyo horyaalka aduunka ugu fiican waxa uu kulmiyaa 20 kooxod, kuwaas oo ku tartama hanashada horyaalka, kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ayaa badiba ah labada kooxod ee saameynta ugu…
Horyaalka qaarada Yurub oo ay ku tartamaan kooxaha kaalmaha hore ka gala tartamada wadankooda ayaa la soo saaray. Tartanka oo ay ka qayb galaan 32 kooxood, kaas oo Tobanka mid ahi aysoo galaan is reeb reeb kuna biiran 22 kooxod ee sida tooska ah ugala . Guud ahaan, waxa ka qayb galaya kooxo ka socda 18 dal oo ka tirsan qaarada yurub, iyadooy sanadkan wajiyada cusub ay aad u yar yihiin. Kooxaha kasocda dalalka Spain iyo England ayaa ugu badan oo min 4 kooxood ay matalayaan, halka talyaaniga, germany, france ay min saddex kooxod kasocdaan. 32 kooxood ee ka qayb…
Kulamadii Horyaalka Ingiriiska Ee Todobaadkan Kooxda Manchester city ayaa hogaanka u qabatay kooxaha horyaalka ingiriiska kadib markay axadi ay dirqi kaga badisay kooxda Bolton. Kooxdan oo sanadkan ciyaartooyo badan keentay ayaa waxay u tartamaysa hanashada horyaalka ingiriska. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ay labada kooxod ku kala nasteen 2-1 ay ku hogaaminaysay kooxda martida ah ee Man City, isla qaybtii labaad ayaa waxa u suurto gashay in gool saddexaad ay dhalinyaan kaas oo uu saxexay E.dzeko ,kooxda B olton oo aan wali ka rajo dhigin kulankan ayan daqiiqadii 63 keentay goolkeedi labaad kaas oo baqdin galiyey tababare Mancini. Tababaraha kooxda…
London (Ramaas) August 22, 2011 - Toddobaadkan ciyaaraha premeirshipka ingriiskana waxa si aada loo sugayey Ciyaartii ka dhacday gagada Emarates ee kooxda Arsenal,labada kooxood ee Arsenal iyo Liverpool oo ay aadka u xafiiltamaan. Labada kooxoodba waxay soo bandhigeen ciyaar aad loola dhacay. Weerar iyo weerar celis ka dib waxa lagu kala nastay qaybta hore ee ciyaarta goolal la’aan. Hase ahaatee, waxa ay wax waliba isbadaleen qaybtii dambe ee ciyaarta, markii kaadhka guduudan (casaanka) laga siiyey kooxda Arsenal ciyaartoyga lagu magacaabo Frimpong, daqiiqadii 70 aad. Wixii intaa ka dambeeyey waxa ciyaarta la wareegtay oo maamulatay kooxda Liverpool oo durbadiiba weerar ooda…
Kooxda Barcelona ayaa xalay ku guulaysatay koobka super copa ee dalka spain kadib markay kooxdaReal Madrid ku garaacday 3-2 kulan ka dhacay garoonka Camp Nou . Koobkan oo kulmiya labada kooxod eeku kala guulaysta horyaalka dalka iyo koobka boqorka ee Copa Del Reyga dalkaas. Ciyaartan oo ahayd tii labaada aya wajigii hore ee la gu ciyaarayey garonka Real Madrid waxa uu ku saoo dhamaaday barbardhac 2-2. Ciyaartan oo ahayd mid aad loo wada sugayey ayaa waxay labada kooxod kusoo bandhigeen hab ciyaareed aaad u sareeya. Labada kooxod oo midba mida kale iska caabinaysay ayaa waxa suurto gashay in kooxda Barcelona…
«StartPrev12NextEnd»
Page 2 of 2

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner