Manchester City 4-1 Aston Vila:
Kooxda Manchester city ayaa la wareegtay hogaanka kala horeynta kooxaha Ingiriiska kadib guushi ay ka gaadhay kulankii sabtida ay gurigeeda ku marti galisay kooxda Aston Vila.
Kulankan oo ka dhacay garoonka Manchester City Stadium ayaa waxay kooxda city la soo gashay iyadoo ku rajo wayn in ay kaligeed wiigan ku baashaali doonto hogaanka horyaalka. Waxa isla qaybtii hore ee ciyaarta ay ku horumartay goolkeedi koowad kaasoo u saxeexay laacibka afka hore uga ciyaara ee Super Mario Bolleteli, laguna kala nastay qaybti hore ee ciyaarta. Weeraro fara badan oo ay soo qaaday qaybtii dambe ee ciyaarta waxa u suurto gashay inay saddex gool oo darandoori ah dhaliso kuwaas oo ay u dhaliyeen laacibinta Adam Johnson, Kompany iyo Laacibkii hore ee Kooxda Aston Villa ee J.Milner.
Waxay haatan ku hogaaminayaan horyalka ingiriika 2 dhibcood oo ay ka horeeyaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United oo barbardhac la gashay kooxda Liverpool.
Liverpool 1-1 Manchester United:
Kulankii ugu xiisaha badna horyalka ingiriiska ee wiigan waxa uu ka dhacay gegida Anfield ee Kooxda Liverpool oo martigalisay kooxda Manchester United. Labadan kooxod oo aad u xifaaltama kulamada ay yeeshan ayaa waxay soo bandhigeen kubad aad u heer saraysa. Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard oo dhawaanahan ku maqna dhawacyo isdaba joog ah ayaa kulankan aad uga dhex muuqday. Inkastooy ay shax difaac ah ku ciyaarayeen labada kooxodba umay suuro galin in ay qaybtii hore ee ciyaarta wax gool iska dhaliyaa. Marki la isku soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta waxay kooxda Liverpool la timid goolkedi koowaad o u saxeexay kabtan Stevan Gerrard oo kasoomana gool dhalinta.
Tababare Fergusson aya isla inyar kadib waxa uu markiiba soo galiyey ciyaarta saddex laacib ee Nani, Wayne Rooney iyo Chicarito Hernandes oo aad u xoojiey weeraradii kooxda Manchester United. Ciyaarta oo dhamaad ku dhaw ayaa laacibka badalka kuso galay ee Javier Chicharito Hernandez uu u keenay koxoda Mnachester United goolkeedi barbardhaca aha daqiiqadii 81aad sidaasna ciyaartii kusoo afjarmatay.
Kulamadii kale ee wiigan :
Chelsea 3-1 Everton
Norwich city 3-1 Swansea city
QPR 1-1 Blackbrun Rovers
Stoke City 2-0 Fulham
Wigan A. 1-3 Bolton W.
Horyaalka LA LIGA ee Spain:
Real Madrid 4-1 Real Betis:
Kooxda Real Madrid aya si wayn ugu awood sheegatay kooxda Real Betis ee reer Andulus. Kulankan oo ka dhacay garoonka way nee Santiago bernabeu , Real Madrid waxay soo bandhigtay ciyaar qaabkeeda aad loogu diirsaday. Gonzalo Higuain oo dhawaanahan dhex mushaaxayey badwaynta goolasha ayaa hadana isla wiigi labaad dhaliyey saddex gool oo darandoori ah, tan oo kadhigaysa ciyaartooygii labaad ee saddex munaasibadood oo isku xiga dhaliya saddex gool sidoo kale waxa goolka afaraad u dhaliyey Ricardo Santos Kaka oo baryahan dambe aad ugu muuqday inuu qaab ciyaareedkiisi wanaagsanaa soo noqday.
Kulamadii Kale ee Horyaalka Spain ee Sabtida:
Barcelona 3-0 Racing Sandtander
Getafe 0- Vila Real
Mollorca 1-1 Valencia
Granada 0-0 Athletico Madrid.
Ramaas Sports News.
Hersiguure.




