Horyaalka Ingiriiska:
Tottenham 2-1 Arsenal:
Kulankii ugu xiisaha badnaa wiigan ee horyaalka ingiriiska waxaa uu dhex maray labada kooxood ee Tottenham iyo Arsenal oo isku magaalo ah. Kulankan oo u tababaraha Arsenal xuseyey sanadguuradii 15 ee uu xilka tababaranimo hayey ayaa waxaa uu la kulmay guuldaro aad u xun. Laacibkii hore ee Real Madrid Rafael Vander Vart ayaa goollkii koowaad u xaqiijieyey kooxdiisa Totteham daqiiqadii 40 aad ee qaybta hore ee ciyaarta , inyar uun kadib markii la isku soo laabtay qaybti danbe ee ciyaarta waxay laacibiinta Arsenal ku guulaysteen inay keenaan goolka barbardhaca a kaas oo uu dhaliyey laacibka reer Wales ee Aaron Ramsey. Inkastooy Arsenal ku gacan saraysay qaab ciyaareedka hadana may usuurtoobin inay markale keensadaan gool, sidoo kale laaciibinta kooxda Tottenham oo ka faa’idaysanaysa dhaawac ku yimid laacibka Arsenal uga ciyaara difaaca Bacary Sagna ayaa waxay keensatay goolkeedi labaad kaas oo u saxeexay laacibka da’da yare e Walker.
Guu ldaradan o ah tii shanaad ee ayArsenal La kulanto xili ciyaareedkan ayaa niyad jeb wayn ku keentay laacibiinta kooxda iyo taaageerayaashaba. Waxayna sababi karta inuu xilka tababaranimo iska casilo macalinka waye ee Arsene Wenger.
Bolton W. 1-5 Chelsea
Kooxda Chelsea ayaa guul wayn kaso hoysay kulankii ay la yeelatay kooxda Bolton, Frank Lampard oo dhawaanahan fadhiyey kursiga badalka ayaa ciyaartan wacdaro muujiyey isagoo dhaliyey saddex gool ooo aad u qurux badan. Sidoo kale laacibka da’da yar ee reer Ingiriis Daniel Sturidge ayaa isaguna muujiyey inuu buuxin karo booska uu ka maqan yahay Fernando Torres kadib markuu shabaga ku hubsaday laba gool. Chelsea oo haatan kaalinta saddexaad ku jirta aya waxay saddex dhibcood ka hooseysaa labada kooxod ee isku magaalada ahee Manchester United iyo Manchester City.
Everton 0-2 Liverpool:
Kulankan oo kamid ah kulmadii ugu xiisaha badna wiigan ayaa waxa uu dhex maray labada kooxod ee Everton iyo Liverpool oo xifaaltan wayn uu u dhexeeyo. Garsoore Aktinson ayaa bilawgii ciyarta waxa auu kaadhka casaanka u taagay difaaca kooxda Everton ee J.Rodwell, kooxda Liverpool oo ka faaidaysanaysa fursadan banaanatay ayaa waxay daqiiqadii 40aad ee qaybta hore ee ciyaarta u suurto gashay inay hesho gool ku laad balse nasiib daro waxa fursadaas lumiyey laacibka reer Holland ee Dirk Kuyt. Qaybtii labaad ee ciyaarta marki la isku soo noqday waxay kooxda Liverpool u suurto gashay inay goolkeedi koowaad ku horumarto kaas o u saxeexay laacibka afka hore uga ciyaara ee Andy Carrol, isla daqiiqado yar kadib waxa kooxda Everton u quus gooyey laacibka afka hore uga ciyaara kooxda Liverpool ee Luis Suarez ciyaartina sidaas ku so gebogebeeyey.
Kulamadii kale ee wiigan:
Manchester United 2-0 Norwich City
Aston Villa 2-0 Wigan Athletic
Blackburn Rovers 0-4 Manchester City
Sunderland 2-2 Westbrom A.
Fulham 6-0 QPR
Swansea City 2-0 Stoke City
Horyaalka Talyaaniga:
Juventus 2-0 Ac Milan:
Kooxda Juventus ayaa habeenimadii Axada ku marti galisay kooxda horyaalnimada dalka Talyaaniga ku guulaystay sanadkii hore ee Ac Milan. Ciyaartan o ahayd mid aad u xamaasad badan waxay labada kooxod soo bandhigeen ciyaar qaabkeedu aadu sareeyo. Inkastooy kooxda Ac Milan iska maamulanysay badiba ciyaarta waxaan u suurto galininay inay mar uun shabaga kooxda Juventus booqdaan. Kooxda Juventus oo qaab difaac ku ciyaaraysay ciyaarteeda inteeda badan waxa u suurto gashay inay gool gaadmo ah dhalinyaan ciyaarta oo gebo gebo ku dhaw kaas oo u saxeexay laacibaka reer Talyaani ee C.Marchisio , sidoo kale waxa hadana marlabaad u suurto gashay Juventus inay la timaado goolkeedi labaad daqiiqadii 90aad ee dhamadki ciyaarta kaas oo u dhaliyey isla laacibka C.Marchisio.
Kulamadii kale horyaalka Talyaniga ee wiigan:
Inter Milan 0-3 Napoli
As Roma 3-0 Atlanta
Navora 3-3 Catania
Cesena 0-0 Chievo
Fiorentina 1-2 Lazio
Lecce 0-2 Cagliari
Palermo 3-1 Siena
Udinese 2-0 Bologna
Horyaalka Spain:
Labada kooxod ee ugu wayn horyaalka Spain Barcelona iyo Real Madrid aya guulo ka gaadhay kulamadkii ay yeeshen habeenimadii Axada:
Kooxda Real Madrid ayaa guul aad u wayn ka gaadhay kulankii ay xalay layeelatay kooxda Espanyol halkas oo ay afar gol iyo waxba kaga badisay, weeraryahanka reer Argentina Gonzalo Higuin aya saddex kamid ah dhaliyey kadib mudo badan o u ka oomana dhalinta goolal badan.
Sidoo kale, kooxda Barcelona ayaa hogaanka horyaalka La Liga ee Spain la wareegtay kadib kulankii ay gurigeeda ku booqatay kooxda Sporting Gijon oo ay guul gaadhay, Laacibka reer Brazil ee Adriano ayaa goolka guusha u saxeexay 12 aad ee bilawgii qaybtii hore ee ciyaarta.
Kulamadii kale ee La Liga Spain:
Osasuna 2-2 Mallorca
Racing Santander 1-1 Rayo Vallecano
Villareal 2-2 Zaragoza
Malaga 3-2 Getafe
Real Sociedad 1-2 Athletico Bilbao
Real Betis 0-1 Levante
Athletico Madrid 0-0 Sevilla
Valencia 1-0 Granada
Ramaas Sports News(Hargeisa).
Hersiguure.




