Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Barnaamijka Ciyaaraha: Kulamadii Ugu Xiisaha Badnaa Ee Horyaalka Yurub Iyo Ka Ingiriiska Ee Premier league.

Hargeysa (Ramaas) Sept.11, 2011 - Kooxaha Manchester United iyo Manchester City ayaa sii waday guulihii isdaba jooga ahaa ee ay ka gadhayeen Horyaalka ingiriiska, sidaa oo kale kooxaha Arsenal, Chelsea, Tottenham iyo Stoke ayaa guulo gaadhay.
Kooxda Manchester United oo hanatay horyaalkii sanadkii hore ayaa mudooyinkan danbe ku socotay xawaare aad usareeya kadib kulankii wiigi hore oo ay 8-2 kaga badisay kooxda ay xifaaltamaan eeArsenal , waxa xigay kulankii shalay ay ee ay la yeesheen kooxda Bolton oo ay shan gool iyo waxba ku jiidhee. Waxa goolasha furay Hernandez oo baryahan dhawac ku maqnaa, sidoo kale xidiga reer ingiriis ee Wayne Rooney ayaa isna goolal saddex ah ka dhaliyey kulankaas. Waa markii labaad ee Manchester mudo laba wig gudohooda ay goolal intaas leeg ay dhaliyaan.
Manchester City oo baryahan danbe kusoo biiraysay kooxaha ugu awooda wayn horyaalka ingiriiska ayaa guul la taaaban karo ka gaadhay kulanki ay la yeelatay kooxda Wigan Athletic. Kulankan oo uu kadhex muuqday kabtankii hore ee kooxda Carlos Teves waxaa uu u shidnaaa Weeraryahanka Sergio Aguero oo ay dhawaan kala soo wareegtay kooxda Athletico Madrid ee dalka Spain. Sido kale waxa gool rigoore ah lumiyey Carlos Teves.
Waxa iyaguna guulo ka gaadhay kulamadoodi kooxda Chelsea oo marti u ahayd kooxda Sunderland, kulankan oo ay ka dhex muuqdeen laacibinta dhawantan u soo wareegay ee Raul Meireless iyo Juan Matta aya waxay kooxda Chelsea guusha u horseday kabtan John Terry iyo Daniel Sturidge oo labada gool ay ku badiyeen u dhaliyey. Sidoo kale kooxda Arsenal oo dhawaanahan la daalo dhacaysay guuldarooyin ayaa kulankii ay la yeelatay kooxda Swansea City guul ka gaadhay. Guul daradii ugu waynayd wiigani waxay la kulantay kooxda Liverpool oo gurigeeda ku booqatay kooxda Stoke City halkaas oo lagaga adkaaday 1-0.

Natiijooyinkii kulamadii kale:

Everton 2-2 Aston Villa
Wolves 0-2 Tottenham Spurs
Kulamada Maanta:
Norwich City vs Westbrom Albion
Fulham Vs Blackburn Rovers
QPR Vs Newcastle United

Horyaalka La Liga Ee SPAIN:

 

Kooxda Real Madrid ayaa guul ka gaadhay kulankii ay la yeelatay kooxda Getafe, kulankan oo ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu ee Real Madrid. Real Madrid oo filaysay inay si sahlan ku jiidho kooxda Getafe waxa ay kala kulantay iska cabin badan. Karem Benzema oo furay goolasha ayaa dhaliyey goolkii koowada, inyar kadibna waxay kooxda Getafe keentay Goolkeedi barbardhaca ahaa. Qaybtii danbe ee ciyaarta markii lagu soo noqday waxa u suurto gashay inay Real Madrid dhaliso goolkeedi labaad kaas oo uu saxeexay C.Ronaldo inyar kadibna waxa goolki saddexaad u raaciyey Karem Benzema oo marlabaad booqday shabaga Kooxda Getafe, Real Madrid oo isa siisay guusha ayaa waxa kadaba imid gool labaad oo ay dhalisay kooxda Getafe wer werna galiyey tababare Jose Mourinho , dhamaadkii ciyaarta waxay Real Madrid dhalisy goolkeedi afaraad kaas oou saxeexay Higuain.
Kooxda Barcelona oo ah kooxda aduunka ugu awooda wayn aya kulanki ay la yeelatay Real Sociedad , kulankan oo ka dhacay garoonka Real sociedad waxa uu kusoo gabo gaboobay barbardhac ay labada kooxood isku mari waayeyn 2-2.

Kulamada Maanta Ee horyaalka Spain:

Real Betis VS Mallorca
Racing Santander Vs Levante
Osasuna Vs Sporting Gijon
Rayo Vallecano Vs Zarogoza
Espanyol Vs Athletic Bilbao.

 

Ramaas Sport News.
Hersiguure.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus