Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

KULAMADII XALAY EE ISREEB REEBKA KOOBKA QARAMADA QAARADA YURUB

Group A:

(Ramaas) 08/10/2011- Xulka Germany ooh ore ugu soo gudbay tartanka qaramada qaarada Yurub ayaa xalay gurigigooda ku tumay xulka Turkey,  sidoo kale xulka Belgium oo garaacay xulka Kazakhstan ayaa soo riixatay kalinta labaad balse u baahan inay xulka Germany iyo Azerbaijan inay labadaba ka badiso.

Group B:

 

Ruushka ayaa 1-0 ku jiidhay xulka Slovakia, inkastooyna gushani ku filayn si u ugu gudbo si rasmi ah tartanka Qaramada Qaarada Yurub, waxaa uu ubaahan yahay hal dhibic oo bareejo ah kulanka ay la leeyihin maalinta salaasada xulka Andora. Sido kale waxa qarka usoo saran xulka Republic of Ireland oo ay laba dhibcood ka horeeyaan.

 

Group C:

Xulka Estonia ayaa soo cidhiidhsaday kaalinta labaad kadib guushi ay ka gaadheen kulankii ay la yeesheen xulka Northren Irelan oo ay kaga badiyeen 2-1, waxa sido kale barbardhac galay xulka talyaaniga oo isagu hore ugu soo gudbay iyo xulka Serbia oo u baahan inay guul ka gaadho kulanka ay la yeelan doonto maalinta salaasada xulka Slovenia si ay uso gasho kaalinta labaad ee isreeb reebka.

Group D:

Xulka France aya wali hal dhibic ka horeeya xulka Bosnia- Herzegovina inkastoy labada xul ba guulo ka gaadhay kulankodi u danbeeyey ee jimcaha. Kulankooda ay ku yeelanayaan caasimada Faransiiska ayaa ay ku kala cadaan doonta xulka kaalinta koowaad kusoo baxa.

Group E:

Xulka Holland ayaa isna kusoo biiray xulalka sida rasmiga ugu soo gudbay  tartanka Qaramada qaarada yurub kadib guushi ay ka gaadheen kulankii ay la yeesheen xulka Maldova. Sidoo kale xulka Sweden ayaa 2-0 kaga badiyey xulka Finland  kaalinta labaadna xalaaashatay.

Group F:

Weeraryahanka xulka Greece Samaras oon mudo hal sano ah gool u dhalin xulkiisa ayaa u horseeday inay guul ka gaadhan kulanki ay la yeeshen xulka Croatia. Barbardhac ayaa ku filan si uu xulka Greece ugu soo gudbo tartanka Qaramada qaarada yurub,sido kale xulka Croatia ayaa kusoo bixi kara hadi ay xulka Sweden ee group E aanay goolal badan ku badin kulankooda maalinta salaasada iyo in aanay labad xul ee Portugal iyo Denmark aanay barbardhac galin kulankooda salaasada.

Group G:

England ayaa si rasmi ugusoo gudbay koobka qaramada Yurub ee lagu qaban doono Poland-Ukraine sanadka soo socda ee  2012, kulankan oo ay u baahnayd inay barbardhac keento ayaa ay 2-2 la gashay xulka Montenegro oo soo galay kaalinta labaad una baahan in Switzerland la gabadiyo kulanka ay la leedhay xulka Wales.

Group H:

Xulalka Portugal iyo Denmark aya isku dhibco noqday kadib guulihi ay ka gaadheen kulamadoodi habeenkii Jimcaha. Kulanka ka dhacaya Copenhagen ayaa noqonaya mid kala saaara labadadan Qaran, xulka Norway ayaa isna quudaraynayaa guuldaro ku timaada xulka Portugal iyo guul ay ka gaadho kulanka ugu danbeeya ay la yeelanayso xulka Cyprus.

Group I:

Xulka Spain oo hore usoo gudbay aya kulankii xalay ay la yeesheen xulka Czech Republic guul ka gaadhay, inkastoo uu Czech Republic uu laba dhibcood ka horeeyo xulka Scotland waxay kalintalabaad kusoo bixi karaan haday kulanka salaasada ka badiyaan xulka Lithuania.

 

Ramaas Sports News.

Hersiguure.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus