Hargeisa (Ramaas) Dec 2, 2011--Koobkan qaramada qaarada Yurub oo bilaabmi doona 8 bisha lixaad ee sanadkan fooda inagu soo haye ee 2012 ayaa isku aadkisi la soo saaray iyado dalal badan oo awood leh isku group laga dhigay.
ciyaarta u horeysa ayaa ka dhici doonta garoonka National Stadium ee Poland 8 bisha lixaad ee 2012 waxa ku kulmi doona xulka martigalinya koobka ee Poland iyo Xulka Greece oo ku guulaystay koobkan sanadii 2004. waxaana group ka lawadaaga xulalka Russia iyo Czech Republic.
Germany iyo Holland oo ah dalalka loo saadalinayo inay ku guulaystaan koobka sanadkan ayaa isku group laga dhigay iyadooy ku weheliyaan laba dal oo iyaguna awood ku leh qaarada Yurub ee Portugal iyo Denmark.
Horyaalkii Sanadkii 2008 ee koobka Qaarada Yurub ee Spain ayaa waxay isku group ku jiraan xulalka Italy, Republic of Ireland iyo Croatia. sido kale waxa group ka afaraad ee D kuwada jira dalalka Ukraine, Sweden, France iyo England.
Isku aadkuna waxa uu u dhacay sida tan.
Group A
Poland
Greece
Russia
Czech Republic
Group B
Netherlands
Denmark
Germany
Portugal
Group C
Spain
Italy
Republic of Ireland
Croatia
Group D
Ukraine
Sweden
France
England
Ramaas Desk
Hargeisa




