Maareeyaha kooxda Manchester City Gary Cook ayaa xilkii iska casilay, kadib eedaymo ku saabsanaa warqad e-mail ah oo uu u qoray ciyaartoyga difaaca u ah kooxda Manchester City ee Nedum Onuoha, taasoo uu ku aflagaadeynayay hooyadii oo xanuunkan Kansarka u jiifta.
Gary Cook oo xilkan soo hayey muddo saddex sano ah ayaa iska casilay kadib baadhitaan lagu sameeyey laguna helay, isagoo ka hadlaya eedayntan waxa uu Gary sheegay in emailkiisa la jabsaday ka dibna la isticmaalay.
Mar uu ka hadlayey Mulkilaha naadiga Manchester City Sheikh Khaldoon Al-Mubarak waxa uu aad ugu amaanay Gary Cook mudadii saddexda sanadood horumarkuu gaadhsiyey kooxdan kaas oo horseeday in ay ka mid noqoto kooxaha Ingiriiska ugu awoooda badan.



