Hargeysa (Ramaas) Sept.07, 2011 - Xulalka Spain iyo Italy ayaa ka mid noqday dalalka sida rasmiga ugu soo gudbay tartanka koobka qaarada Yurub ee lagu qaban doono dalalka Poland-Ukraine.
Xulka Spain oo haysta horyaalnimada koobkan qaarada yurub ayaa xalay usoo gudubtay kana mid noqotay 5 dal ee sida rasmiga ah ugusoo baxay heerka group-yada isreebreebreebka. David Villa iyo Alvaro Negrado oo min laba gool dhaliyey ayaa u sahlay inay 6-0 ku jiidho xulka Liechtenstein. Sidoo kale xulka talyaaniga ayaa ka mid
noqday dalalka sida rasmiga ah uguso gubay koobka qaarad Yurub kadib guushi ay ka soo hooyeen kulankii ay la yeesheen xulka Slovenia.
Xulka qaranka Holland ayaa qarka u saran inay usoo gudbaan kadib markay xalay kulan ay layesheen dalka Finland ay kaga adkaadeen 2-0, Holland oo looga bartay ciyaar wanaag ayaa sideedi kulan e horeba aan marna dhinaceeda dhulka ladhigan, waxay hada sugaanba waa hal dhibic oo bareejo si ay u xaqiijiyaan inay usoo gubaan tartanka qaarada Yurub. Sidoo kale xulka England oo kulankii xalay dirqi kaga badiyey xulka ay jaarka yihiin ee Wales,waxay kulanka danbe oo ay la yeelanyaan Montenegro ay uga baahan yihiin dhibic kaliya si ay ugu soo gudbaan tartanka qaarada yurub ee qabsoomaya bisha June 2012.
Tartankan waxa tiro ahaan ka qayb gala 16 wadan oo qaarada yurub ah, kuwaas oo ay sided kaalinta kowaad gala heerka isreebreebka ay toos u soo galaan sideeda kalena ay kulan kale ugu soo gudubto. Xidhiidhka kubada cagta ee UEFA ayaa go’aansaday in wixii sanadkan ka danbeeya dalalka kasoo qaybgalay tartanka Koobka Qaarada Yurub la kordhiyo lagana dhigo 24 dal si ay usuurto jaanis ugu helaan dalalka yaryar ee Europe.
Ramaas Sports News
Hersiguure.




