Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Barcelona oo marlabaad ku durdurisay Real Madrid

 

Hargeysa (Ramaas) Dec 11,2011- Ciyaartii aadka loo wada sugayey waayahanba ayaa ku dhex martay labada kooxod ee Aduunka ugu heersareeya ee Barcelona iyo Realmadrid  garoonka Santiago Barneabue ee Caasimada Dalka Spain.
 
Labadan kooxod oo uu ka dhaxeeyo xifaaltan aad wayni ayaa waxay labadooduba soo bandhigeen ciyaar aad u heersaraysa, waxa isla bilawgii ciyaarta gool ku horumartay kooxda Real Madrid kaas oo u saxeexay Karem Benzema, goolkan oo ah kii ugu dhakhsaha badna kulamdii dhex mari jiray labadan kooxod ayaa yimid isla daqiiqadii koowaad. inkastooy dhamaan qaybtii hore ee ciyaarta ay iska maamulanaysay Real Madrid ayaa waxay koxda Barcelona la timid goolkeedi barbardhaca ah aa kaas oo uu saxexay laacibka reer Chile ee Alexis Sanches qaybtii hore e ciyaartana sida ay kusoo dhamaatay.
 
Markii la isku soo noqday qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa daqiiqadii 53aad ay marlabaad kooxda Barcelona keensatay goolkeedi labaad kaas oo kubad uu soo laagay Xavi Hernandez uu isku dhaliyey laacibka Real Madrid ee Marcello. inta wixi kadanbeeyey waxa ciyaarta lawareegay laacibiinta kooxda Barcelona, weeraro isdabo jooga ah kadib waxa usuurto gashay Barcelona inay goolkeedi saddexad latimaado kaas oo uu saxeexay laacibka dhexda uga ciyaara ee Cesc Fabregas.
 
Guushan ay la hoyatay kooxda Barcelona ayaa kadhigaya inay hogaanka kala horaynta horyaalka Spain kala wareegan kooxda Real Madrid.
 
 
 
Ramaas Sports 
Hargeisa.
Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus