Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Arsenal Oo La Jiid-Jiiday, Barcelona Oo Ku Tumatay Osasuna iyo Inter iyo Roma oo is Mari Waayay

HORYAALKA INGIRIISKA:

Kooxda Arsenal oo baryahanba la daalo dhacaysay guuldarooyin aad u badan tan iyo intii uu bilaabmay xili ciyaareedkani ayaa maanta(sabtidi)ka la kulantay guuldaro aad uwayn kooxda Blackburn Rovers .

Kulankan oo  aad loo rajayaynayey in ay waxwayni iska badali doonaan hab ciyaareedka aadka u liita ee Arsenal  ayaa waxay la soo galeen dar dar xoogan kaas oo ay ku dhaliyeen goolkii koowaad oo u saxeexay Gerviinho, damaashaadka Arsenal ayaan aad usii waarin kadib markay kooxda Blackburn Rovers keentay gool barbardhac oo uu dhaliyey weeraryahanka reer Nigeria A.Yukuba kaas oo kubad qurux badan daba mariyey goolhayaha Arsenal, isla qaybtii hore e eciyaarta waxa u suurto gashay Arsenal inay ku horumaraan goolkoodi labaad kaas oo u dhaliyey kubad sameeye Michael Arteta . kala daadsanaan ku timid difaaca kooxda Arsenal waxay keentay in goolkii barbardhaca ay keento kooxda Blackburn kaas oo ay isku  dhaliyeen kooxda Arsenal, fursado badan oo ay sameeyeen laacibiinta Blackburn waxa usuurto gashay inay laba gool oo isdaba jooga  dhaliyaan kaas oo niyad jeb wayn ku keentay tobabre Arsene Wenger.

Guuldaroyinkan isdaba jooga ah ee la so daristay kooxda Arsenal ayaa ah kii ugu xumaa ee abid ay la kulantay, tobabare Arsene Wenger oo hadlay dhamaadkii  ciyaarta waxa auu tibaaxay in

hab difaaca kooxda Arsenal uu u baahan yahay dib u habayn waxa kaloo uu meesha ka saaray in guuldarooyinkan ay ku dhalin doonto inuu xilka tababarenimo iska casilo.

Kulamadi kale ee horyaalka Ingiriiska ee wiigan:

Aston Villa  1-1 Newcastle United

Bolton W. 1-2 Norwich City

Everton 3-1 Wigan Athletic

Swansea City 3-0 Westbrom Albion

Wolverhampton  0-3  Queens Park R.

 

Kulamada Axada ee horyaalka Ingiriska:

Kulanka wiigan dhex mari doona labada kooxod ee ugu awooda wayn horyaalka ingiriiska Manchester United iyo Kooxda reer London ee Chelsea ayaa ah mid aad loowado sugayo cidii ku gacan sarayn lahayd hogaaminta kala horaynta horyaalka.

Kooxda Manchester oo lagu naanayso shayaadinta cas cas ayaa ku bilawday kulamada horyaalka ingiiriska dar dar iyo goolal 18 ah o ay dhaliyeen 4 kulan ee u horeeyey ayaa ku martiglalinysa gurigeeda kooxda loolanka xoogani ka dhexeeyo ee Chelsea.

 Labadan kooxod waxay ku kulmeen garoonka Old Tradford 19 kulan oo ay 7 kamid ah kulamadaasi Manchester guul la hoyatay halka 5 kulana kooxda Chelsea ay ku guulaystay, 7 kulana ay  barbardhac galeen .

HORYAALKA SPAIN:

Kooxda Barcelona ayaa si wayn ugu awood sheegatay kooxda Asasuna ee horyaalka Spain,  kulankan o ka dhacay garoonka Camp Nou waxaa u fariin u aha kooxda loolanka wayni ka dhaxeeyo ee Real Madrid.

Laacibka mucjisada aduunka Lionel Messi ayaa dhaliyey 3 gool oo kamid ah 8 gool ay ku badiyeen kulankan, sidoo kale David Villa ayaa isna dhaliyey 2 kamid ah goolashaas.

 

KULAMADA KALE EE HORYAALKA SPAIN:

GRANADA 1-0 VILAREAL

SPORTING GIJON 0-1 VALENCIA

GETAFE VS RAYO VOLLECANO

ZAROGOZA VS ESPANYOL

ATH.MADRID VS RACING S.

LEVENTE VS REAL MADRID

ATH.BILBOA VS  REAL BETIS

 

 

Ramaas Sports News

Hersiguure. 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus