Hargeisa (Ramaas) Nov 4, 2011--Tababaraha kooxda Manchester united ayaa xusaya sanadguuradii 25 ee kasoo wareegtay markuu qabtay xilka macalinimo ee kooxdan Manchester United ee kadhisan dalka Ingiriiska.
Macalinkan ruug cadaaga ah oo ku dhashay caasimada Scotland ee Glasgow ayaa xilka lawareegay sanadii 1986 halkaas ooo uu kooxda uu guulo badan u soo hooyey, tababarahan oo ah ka ugu muda dheer layliyey kooxaha aduunka ayaa ah mid khibrad dheer u leh maamulka iyo habaynta kooxdiisa.
waxa uu ka bilaabay mihnadan tababare nimo sanadii 1974 oo loo magacaabay tababaraha kooxda St.Mirren halkaas oo uu kula guulaystay horyaalka heerka saddexadad ee Scotland. sidoo kale waxaa uu tababare usoo noqday kooxda Aberdeen ee isla dalka Scotland halkaas oo uu mudo yar xilkaas hayey balse kula guulaystay horyaalka Scotland iyo koobka labaad ee dalkaas laga ciyaaro ee lo yaqaan SCOTISH CUP-ka. sido kale waxa uu horseeday kooxda Aberdeen inay kasoo qayb galaan koobka horyaalka yurub ee hore loo odhan jiray EUROPEAN CUP Winners-ka halkaas oo ay guul aad u wayn ka gaadhen kadib markay ay ka badiyeen kooxda Real Madrid kuna guulaysteen.
Marku lawareegay xilka tababarimo ee kooxda Manchester United waxa ka hor imid akhlaq xumo kaga imanaysay laacibinta kooxda oo ay ka mid yahay Bryan Robson, inyar kadib markuu xilka hayey waxa uu xal u helay inuu akhlaaqiyaadka laacibiinta soo celiyo wuxuu kaloo ku guulaystay inay soo galaan kaalmaha dhexe ee kala horeynta kooxaha horyaalka Ingiriiska.waxa uu kula guulastay kooxdan Manchester United koobab aad u badan oo gaadhay 44 koobab. waxayna kala yihiin sidan:
· Horyaalka Ingiriiska= 19 jeer
· Horyaalka Naadiyada Qaarada Yurub + koobka labaad= 4 jeer
· FA(Koobka labaad ee ingiriiska)= 5 jeer
· Koobka Saddexaad ee Ingiirksa= 4 Jeer
· Koobka kulmiya labada kooxod ee ku kala guulaysta Horyaalka Ingiriiska iyo FA Cupka= 10 jeer
· Koobka kulmiya Horyaalada Kooxaha Aduunka=1
· koobka kooxaha Aduunka= 1
Tababare Ferguson aya magaca SIR lagu maamusay sanadii 1999 kadib marku ku guulaystay saddex koob oo kala ah Horyaalka Ingiriiska, FA Cup ka ingiriiska, iyo Horyaalka Naadiyada qaarada Yurub oo ay kaga adkaadeen kooxda Bayern Munchen ee dalka Germany. waxaa uu tababare Sir Alex Fergusson ku guulaystay bilado iyo shaado sharafyo badan.
Barnaamijka Ciyaaraha
Ramaas News.
Hersiguure.




