Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Soomaali Ku Xidhan Xabisyada Wadanka Ukrain Oo In Mudo Ahba Ka Soomanaa Cuntada.

Ukrain (Ramaas) 3 February -2012. Qaxooti Soomali ah oo si sharci darro ah ku galay dalka Ukraine ayaa lagu hayaa xabsiayada dalkaasi, Iyadoo dadkan  qaar laga qabtay Xadka halka qaar kalena lagsoo qab qabtay wadanka gudihiisa oo ay si sharci daro ah kusoo galeen. Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dadkaasi ay cunnada ka soomeen. Ayna ubaahanyihiin gar garaar caafimaad si dadka loo bad baadiyo noloshooda, iyadoo la sheegay in ay ku jiraan dumwar iyo caruur aad u yar yar. Mas’uliyiinta laanta socdaalka ee Ukraine, waxay ku doodayaan in dadkani aysan cunnda ka soomin ee guryahooda ay wax ku cunaan.

 

Hay'adda Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ukrainin ay dadkaasi ay ula dhaqato sida dadka magan galyo doonka ah, lakin waaxda socdaalka ee dalkaasi waxay leedahay dadkaasi waxaa loola dhaqamayaa si waafaqsan xeerarka Midowga Yurub ee la xiriira socdaalka.

Amnesty waxaa kale oo ay ugu digtay dowladda in ay dadkaasi ku celiso Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay ka socdaan dagaalo. Dowladda Ukraine waxay ku adkaysanaysaa in ugu horeyntii ay baareyso in dadkani ay Soomali yihiin iyo in kale.

Ukraine waa goob marriin u ah dadka doonaaya in ay Europe soo galaan, waxayna badigooda ka soo galaan xadka uu dalkaasi la wadaago Ruushka.

 

Bashiir Adan

Xafiiska Ramaasnews/Russia

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus