Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Sidii Ay U Dhacday Codbixintii Maanta Ee Labada Gole Iyo Weedhihii Xaaji Cabdi Waraabe Ee Madasha + Su'aalo VOA-du Waydiisay Guddoomiye Cirro Codbixinta Kadib (Dhageyso).

Hargeysa(Ramaas) Feb.05, 2012 – labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey qodob madaxda iyo muwaadiniinta Somaliland ka mamnuucayey ka qaybgalka shirarka loo qabto kooxaha talada dalka Somaliya ku hirdamaya.

Arinta maanta labada gole xayiraada kaga qaadeen masuuliyiinta Somaliland, ayaa waxa looga gol leeyahay ka qaybgalka shirka bishan 23-keeda ka dhici doona dalka boqortooyada Ingiriiska, kaas oo xal loogu raadinayo dhibaatada daba dheeraatay ee ka taagan dalka Somaliland. Fursada uga banaan dalka Somaliland ka qaybgalka shirkaasna lagu sheegay, in ay halkaa ka jeedin doonaan warbixin ku arooraysa sidii ay wax u qabsadeen.

Haddaba, idaacada Afla Soomaaliga ee dalka Mareykanka, wakiilkeeda magaalada Hargeysa ayaa warbixintan ka diyaariyey, sidii ay u dhacday codboxintaasi, kadibna su'aalo ka weydiiyey guddoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, isla marka halkan idiinka soo gudbin doona hadal uu ka hor codbixintii halkaa ka jeediyey Xaaji Cabdi Xusseen “Cabdi Waraabe” oo isagu ah ruug cadaa ka tirsan golaha guurtida JSL.

Warka ku saabsan arinta si aad u dhageysato fadlan riix badhinka doogada ah:

  

Ramaasnews Desk

Hargeisa.
 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus