Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee Baanka Jamhuuriyada Somaliland MARXUUM AXMED CABDI BADHAF oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 10/02/2012, laguna aasay Hargeisa.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------
Tacsi taa lamida waxa diraya Bahda Ramaasnews iyo dadka hoos ku qoran:
Cabdillaahi Saleebaan Bidde iyo Qoyskiisa.
Aadan Axmed Cilmi iyo Qoyskiisa.
Axmed Kilaas Jaamac iyo Qoyskiisa.
Daahir Ismaaciil X. Aadan iyo Qoyskiisa.
Cali Gacayte iyo Qoyskiisa.
Dhamaantood waxay marxuumka Ilaahay uga baryayaan in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, qaranka Somaliland, ehelada, asxaabta iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin..........Aamiin.............Aamiin.



