Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Madaxwaynihii Dalka Jarmalka Oo Isku Casilay Fadeexado Musuqmaasuq Oo Loo Jeediyay Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilahi Oo Fadhiga Sii Adkaysanaya

Hargeysa (Ramaas) Feb 17,2012 – Madaxwaynihii dalka Jarmalka Mr Christian Wulf ka dib markii lagu eedeeyay inuu si aan sharci ahayn u qaatay lacago badan ka hor intii aanu xilka Madaxwaynimo ee Jarmalka qaban.

Madaxwayne  Christian Wulf oo xilka Madaxwaynenimo ee Jarmalka sanadkii 2010-kii kala wareegay Madaxwaynihii ka horeeyay Mr Horst oo isaga laftiisu iska casilay xilkaasi, ayaa xilka uga tagay fadeexado musuqmaasuq oo la sheegay inuu ku kacay ka hor intii aanu xilkaasi qaban.

Madaxwaynaha iscasilay oo markii uu xilka ka tagay la hadlay Warbaahinta caasimada dalka Jarmalka ayaa dhan iskaga leexiyay eedaymaha loo jeediyay, isaga oo ku dooday inaanu wax khalad ah oo sharciga ka hor-imanaya ku kicin.

Madaxwaynahan iscasilay oo ah aqoonyahan dhinaca sharciga ah isla-markaana ka mid ah xisbiga Christian Democratic Union Of Jarmany oo ay sidoo kale ka mid tahay raysal-wasaaraha dalkaasi Angela Mercal ayaa iscasiladiisani tahay mid uu iskaga maydhayo fadeexadaha la soo darsay.

Haddaba, marka la barbar-dhigo fadeexadaha musuqmaasuq ee uu isku casilay Madaxwaynihi dalka Jarmalka Christian Wulf , fadeexaha musuqmaasuq ee lagu eedeeyay wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo isagu ku doodaya inaanu waxba samayn inuu iscasilo iska daaye, waxa la odhan karaa waa laba kala fog.

Masuuliyiinta Soomalida, gaar ahaan Somaliland ayaanay marnaba damqin fadeexaha iyo eedaha loogu jeediyo inay lunsadeen hanti-umaddeed, waxayna si badheedh ah warbaahinta ugaga doodaan in aanay waxba lunsan, halka Madaxwaynayaashii adduunka ugu awooda badnaa xilalka iskaga tagayaan haddii lagu sheego musuqmaasuq.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus