Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Madaxwayne Waxaan Kaa Codsanayaa Inaad Is-casisho Intaan Bulshadu Ku Nicin..!!!

Ka dib qiimayn badan oo an ku sameeyay Xaalada Dalka gaar ahana System ka maamul ee hada dalka ka jira oo ah mid aad ay xaaladiisu u cakiran tahay marka laga eego xaga dhaqaalaha iyo Siyaasada dibada iyo gudaba ,

Waxan soo jeedin laha markaanu aragnay in  Wasiiradaada Madaxtooyada, Arimaha Dibada, Duulista iyo Hawada oo ay bulshada Somaliland aad u diideen dhaqamadooda iyo system ka ay u shaqeeyaan oo ah mid aan haba yaraate manta qof reer Somaliland ah oo ku qanacsani aanu jirin

Adna aad Madaxwayne waxba ka qaban wayday oo ad maqli wayday Umadii kuso dooratay iyo Madaxdii Dalka ee Aqoon iyo Xilba umada uso haysay waxan kusoo jeedinaya Madaxwayne  Ahmed Siilaanyo inaad is casisho  oo aad baarlamaanka Hor gayso Istiqaaladaada –

Maadama aanu ka midho diidnay inad maqli waydo Madaxdhaqameed ki umada iyo Aqoonyahanadii Gurigaaga kuugu yimiba adoo madaxwayne Xaalad kasta oo ad Go-aan ka gaadhi kari waydo u dira Gudi iyo cid kaso talo bixisa hadana ay wali Bulshada u muuqato in aanad Go-aan ka gaadhi Karin Wasiiradaadan Umadu Diiday ee baal marsan System kii iyo haykal kii Dowlad nimo –

Madaxwayne ma waxa wax loo dulqaadan karo ah waxa Wasiirkaaga A/Dibadu la taagan yahay Suuqyada ee uu leeyahay Xafiisyo aanu Xidhnay way Jiraan Sideebay u dhici karta inako Aduunka ka la meel an Xafiis ama Safarad ka furano in aynu Xidhno Xafiisyadii Koobna ee aynu Aduunka ku lahayn Taasi waxay na Tusaysa wax aanu awal ba kaaga shaki qabnay oo ahayd SOMALIWAYN in loo shaqaynayo Sideeba Looso Xidhay Xafiis dhan oo aynu Caalamka ku lahayn ? Xagaa la mariyay haba la xidhee Dhaqaalihi Safaaradaha Ku bixi Jiray ?

Waxanu Madaxwayne ognahay Hantidii Emirates ka laga soo Qaaday oo an ila hada la hayn meel ay martay waxaanu Oganahay tii Kuwait laga soo qaaday oo an ila hada cadayn meel ay gashay

Madaxwayne wixi aad 10 sanadood mucaaradka u ahayd ma inad hantida dadwaynaha La Musuq Maasuqo bay ahayd ? Waxan Madaxwayne Kaa codsan laha INAAD IS CASISHO maaha In umadu ku nacdo oo dalku gacan taada ku burburo sidan haday kusii socotana waalagu ceeboobaya

 

Waliba anigoo ah Dadka kaso jeeda Bariga Burco waxan ku leeyahay MADAXWAYNE UMADA HANA NACSIIN – waayo waxa bari na hortaala oo iman doonta ( waydinkii waxa sameeyay )

CEEBTA xukuumadaadu deegaan bay saamaynaysaa ee ha moodin wax gurigaaga ku koobnaanaya waxan kugula talin laha inad GO-AAN KA GEESINIMADA LEH aad qaadatoo oo aad is casisho

MADAMA dalka dhan ay ka qaseen SEDEX WASIIR oo aan ahayn dad siyaasada u bisil ahna dad ku jira JEEBAB BUUXSI – sida ku cad dhaqamada hada bulshadu ka aragtay

Waxan mar sedexaad ka codsan lahaa MADAXWAYNE INAD IS CASISHO ama aad QAADATO go-aan ka ku ladi ah oo ah inaad dhamaanba XADHKAA U GOYSO WASIIRADAN umadu ka hor timi

 Dalku ka wayn oo dadku ka badan Madaxwayne Wasiir Xirsi waana kuu ceeb inad Somaliland ka doorato dad yar oo kooban background kooduna dhowyahay Madaxwayne maenad arkayn ficiladooda dalku ka badan caayilada Xirsi iyo inta la mid ka ah ee Xukunka qabatay

Madaxwayne Kuumaanan Dooran in Xirsi keeno Dalka oo haykal ka dalka u qaybiyo Caayiladiisa Umadu madawayne Way yaaban tahay Siilaanyo Ma sidanu ahaaba ka Dhacday

Guntii iyo Gaba gabadii Madawayne laba Daran Mid Dooro .

 

By : Mohamed Ahmed

Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus