Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Dadba Saxafi Wada Noqay Sallaan Dheerna wada Fuul Siduu Doono Wada Yeel ( Qaybtii 1 aad, Dood Furan ) !

Waxaan marka hore aad u salaamyaa dhamaan shacabka reer Somaliland gude iyo dibadba meel kasta oo ay dunida ka joogan. Waxaan kale oon aad ugu mahad naqayaa warbaahinta (Saxaafadda) iyo xukuumadihii  Jamhuuriyadda Somaliland ee kala dambeeyay  heerka ay soo gaadhsiiyeen guud ahaan saxaafadda oo ah meel aad u fiican,  si kastaba khaladaad ha u jiree xaqiiqdii ah mid horumar leh lana sixi karo meel wanaagsanna maraya.   Maqaalkaygani ma aha mid aan ku durayo  warbaahinta wuxuu se yahay mid kalgacal iyo walaaltinimo ku salaysan oon  kaga hadlayo in la is dhaliilo lana is toosiyo marka wax inaga khaldanyihiin.  Saxaafaddu waa saxaafaddeenni, suxfiguna waa walaalkeen xukuumadduna waa xukuumaddeennii ee ma aha tii car juuq dheh ee kaligii taliyihii Siyaad Barre sidaa darted is toosinta  iyo in la is dhaliila ma xumee  si xun wax u sheegaa  khaldan.

Saxaafaddu waa maadad Jaamicad iyo college loo galo  oo Anshax, asluub  iyo xeer adag oo  loo qoro leh.  Saxaafaddu  ma aha qof kasta oo  af Somali  bartayba intuu qalin iyo warqad qaato inuu is yidhaa saxafi  baad tahay ee masalaha ku soo bood !  Saxaafadda Somaliland waxay noqotay  jaantaa rogan,   xuduud la’aan, anshax la’aan, xeer la’aan iyo madax bannaanidii saxaafadda oo si  khaladan laga fahamsanyahay, loona turjuntay in saxaafaddu waxay doonaan qori karaan.

Saxaafaddu waxay leedahay xeer  iyo qawaaniin la adeegsado marka wax la qoraayo  . Qormada  saxaafaddu waxaa kale oo ay leedahay dariiqad u gaara ah oo loo qoro weedhaha kana duwan habka loo qooro qoraalada kale ee sida warqad aad qof u dirayso amaba report aad qorayso oo kale.  Waxaa baryahan dambe lagu celceliyaa saxaafadda xorta ah iyo saxafaddii madaxa bannaanayd ayaa la cabudhinayaa.   Bal  hadaba aynu  in  is yara  wayddiino akhristow micnaha saxa ah ee  ka dambeeya saaxaafadda  xorta ee madaxa bannaan.  Saxaafadda xorta ah ama saxaafadda madaxabannaan micnaheedu wuxuu yahay saxaafadda aan xukuumadi maamulin sida Radio Hargeysa ama Telefishanka Qaranka oo kale saxaafadda madaxa bannaan micnaheedu wuxuu yahay saxaafadda gaarka loo leeyahay ama kambaniyo leeyihiin.  Waa maxay madaxbannaanidan hadaba sida khaladan iyo xuduud la’aantan  laga fahamsanyahay  guud ahan saxaafaddii ?   Aduunyadan aynu ku noolahay  wax walba waxaa la daba dhigay  xuduud  lagu kala socdo iyo xeer lagu kala baxo, haddaanu  xeer iyo xuduud u dhaxeeyaa ka  jirin saxaafadda iyo qaybaha kale ee qaranka waxaa markaa dhici lahayd in madaxaa la isla wada gali lahaa saxafadina  aanay  jirteen .   Saxaafadda  lama odhan waxaad u tahay xor in waxaad  doonto aad qori karto hadaad joornaal tahay, amaba aad ka mid tahay mareegaaha internetka, lamana odhan  waxaad doonto  ku hadal hadaad Television tahay.  Dunida dal walba saxaafadbaa ka jirta,  dal walbana xeer iyo xuduud saxaafadeed oo lagu kala socdo ayaa dabcan ka jira.  Taasaana sabab u ah in saxaafaddu guud ahaan inay  yeelato kala dambayn ah soo saare iyo tafatire  IWM.  Dalalka reer galbeedka ah ee inta badan saxaafadeedooda lagu tilmaamo saxaafadda madaxabannaan xeer , anshax mihnadeed iyo xuduud saxaafadeed bay samaysteen ay ku  kala socdaan kuna kala dambeeyaan.


 

Dhaqanka Iyo Xuduudka Saxaafadda:

Waxaan jeclahay inaan qoraalkaga ku kobo muhimadda  iyo nuxurka ula jeedada maqaalkan oo ah is toosin iyo in la is canaanto marka laga leexdo wajiibka saxaafadeed.   Waxaan tusaale u soo qaadanayaa  shabakado ka mid mareegaha internetka ee reer Somaliland ah oo aanan doonayn inaan halkan ka magacaabo ayaa waxyaabaha ay qoraan  oo  ka soo baxay   tafatirayaashooda oo run ahaan  aad u malaynayso in qofka qoray iskaba dhaaf inuu mihnad saxaafadeed leeyahaye  la moodo  shakhsiyaad  ka aradan diintiinii suubanayd , insaanyaddii, iyo dhaqankii wacnaa ee reer Somaliland, qoraaladana aad ka dheehanaysaa  dhexdhexaad la’aan  saxaafadeed, qarad tafatitiraha u gaar ah, nacayb shakhsi  oo aad arkayso inuu masu’uul qaran oo cay iyo aflagaaddo  dusha  lagaga tuurayo sidii oo masu’uulkaasii  ceeb looga dhigayo inuu xanuunsanayo oo kale.

Saxaafadda ama saxafiga tababaran waxaa wajib ku ah inuu ku dhaqmo  marka ugu horaysaba  daacadnimo uu daacad uu u yahay mihnadda iyo mas’uuliyadda ka saran saxaafadda iyo qarankaba.  Qofka saxafiga ah ee tababaran wuxuu mar walba ku khasban yahay in uu dhex dhexaad noqdo oo aanu dhinac u xaglin.   Qofka saxafiga ah waxaa wajib ku ah in uu runta ka sheego dhacdo kasta oo uu soo warinayo, isla mar ahaantaasna kala saaro dareenkiisa iyo wuxuu jecelyahay,  dhacdada dhabta ah ee jirta ee uu warkeeda soo warinayana inuu siday tahay u sheego.  Maah maah Somaliyeed baa tidhaa “ Gaal Dil Gartiisana Sii ! “    Qofka tafatiraha ah ama  saxafiga ah ee u carbisan suxufinimada waxaa waajib ku ah inuu iska hubiyo wararka uu soo dirayo ama ku baahinayo warbaahintooda.  Qofka saxafiga ah ee uu tababaran mihnaddiisa waxaa  waajib ku ah in uu doonto oo raadsad wararka saxa ah soona hubiyo xaqiiqadiisa ee aanu mid uu saaxiibkii ka soo helay soo baahin, waxaa qofka saxafiga ah ka reebban in uu lacag saxafinimada u adeegsado oo  hunguri ama dad uu lacag ka qaatay ku amaano. Dhakhtarnimadu waa mihnad mushahaaro lagu qaato, Saxafinimaduna waa mihnad mushar lagu qaato, Duuliyenimadu waa mihnad  waxaan intaas oo tusaale ah uga jeeda mas’uul kastaa mihnaddiisa wuxuu ka dhowraa anshax xumida kana ilaaliyaa inaanu ka bixin xayndaabka ay leedahay.

La Soco  Qaybta Labaad Wakhti Aan Fogayn, Fadlan Doodanna si Cilmiyaysan uga soo Qayb Qaado


 

Barkhad Axmed Ismaciil

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Jamestown, Newyork 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus