Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Baroordiiq: Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Tacsiyadeynaya Geerida Ku Timi Marxuum Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye) Oo Maanta Xaqi Ugu Yimi Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida ku timid MARXUUM AXMED JAAMAC BOOTAAN (DAANIYE) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 04/02/2012. Marxuumka oo mar ahaa wasiirka wershadaha ee Somaliland wakhtigii Xukuumadii horel.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Waxa kale oo tacsidaas la mid diraya:

Yuusuf (Khadar) Maxamed X. Haaruun iyo Qoyskiisa.

Cabdirisaaq Cismaan Fadal iyo Qoyskiisa (Maamulaha guud ee shabakada Ramaasnews).

Cabdillaahi Saleebaan Bidde iyo Qoyskiisa.

Cabdirisaaq Maxamed Siciid iyo Qoyskiisa.

Baashe Maxamuud Jaamac “Bari” iyo Qoyskiisa.

Muuse Faar Jaambiir iyo Qoyskiisa.

Saleebaan Nuur Warsame iyo Qoyskiisa.

Cabdiqaadir Mahdi Haashi iyo Qoyskiisa.

Xasan Baaruud Jibaar iyo Qoyskiisa.

Maxamed Jibriil Qoorgaab iyo Qoyskiisa.

Dhamaan dadkani waxa ay tacsi tiiraanyo u dirayaan guud ahaan dhamaan shacbiweynaha somaliland, Asxaabta iyo ehelada, gaar ahaana qoyska reer Jaamac Bootaan geerida naxdinta leh ee ku timi marxuum Axmed Jaamac Bootaan.

Marxuumka Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, shacabka Somaliland, ehelka, asxaabta iyo qoyskana samir iyo Ilaahay ha ka siiyo.

  

Aamiin..............Aaminn...............Aamiin.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus