Hargeysa (Ramaas) Jan 27,2012 – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ilaa hadda ka war-wareegaysa inay ka hadasho xaqiiqda dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Buuhoodle oo Maleeshiyaadka Buuhoodle guulo ku sheegteen.
Dagaalkan oo khasaaraha ka dhashay shacabka Somaliland ka war-warsan yihiin isla-markaana mashquul galiyey Magaalooyinka dalka ayaa xukuumaddu aanay cadayn khasaaraha ka dhashay, waxayna ilaa hadda Maleeshiyaadka ciidanka qaranka soo weeraray ula dhaqmaysaa hab qabow, halka Maleeshiyaadka iyo waxgaradkooduba ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan yihiin inay ciidanka naafeeyaan.
Wasiirka Wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geell-jirre) oo xukuumadda maanta u hadlay ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo khasaaraha ciidamada qaranka dagaalkaasi ku soo gaadhay, balse waxa uu tilmaamay in khasaaraha halkaasi ka dhashay uu yahay mid Somaliland ku dhacay, balse aanu ahayn mid laba dhinac kala gaadhay.
Cabdilaahi Geell-jirre oo ugu horeyn ka hadlaya bilowga dagaalka ayaa yidhi “Dagaalkan waxa bilaabay dad nabada baa’biinaya oo ay hogaaminayaan siyaasiyiin uu Khaliif Galaydh ka mid yahay iyo kuwii ay yidhaahdeen xilal-baanu u dooranay”
Md Geell-jirre waxa uu sheegay inay ilaa hadda ururinayaan khasaaraha ka dhashay dagaalka “Ilaa hadda khasaaraha waanu ku daba jirnaa oo waanu ururinaynaa, khasaaruhuna waxa uu ku dhacay Somaliland, dhan walba haka dhaco’e” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Meeshu laba dhinac maaha ee waa dad Somaliland ah oo nimankaa fidwo wadayaasha ahi soo waaleen, ciidanka qarankuna waa ciidanka qaranka difaacayey, kuwa kalena waa dadkayagii, markaa xukuumaduhu wax aanay hubsan ma sheegaan, markaa marka aanu hubsano anaga ayaa dadka u soo bandhigi doona”
Wasiirka Kaluumaysiga Somaliland waxa uu baaq u diray shacabka reer Sool, waxaanu u soo jeediyay inay iska jiraan shakhsiyaadka fidwada ka dhex wadda “Waxaanuna leenahay dadkaasi ka feejignaada dadkaasi idinku soo duulay (Kooxda Cali Khaliif)” ayuu yidhi.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
Source: BBC



