Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Xubnaha Saxafiyiinta Somaliland Ee Ka Hawl-galla Hay’adaha Warbaahineed Ee Madaxa-banaan Oo Cambaareeyay Xadhiga Labada Wariye, Kuna Baaqay In Deg-dega Loo Soo Daayo.

Hargeysa (Ramaas) Feb 22,2012 – Xubnaha saxaafada Somaliland ee ka hawl-gala hay’adaha warbaahineed ee madaxa-banaan ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Wariye Maxamed Cabdo Xasan (Boosh) oo ka tirsa shabakada wararka ee Ramaas iyo Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal.

Xubnahan saxaafada Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in xadhiga labadan wariye oo maalintii labaad ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa loo maray sifo khaldan oo ka hor-imanaysa shuruucda dalka u taala.

 

Wariayayaashani waxay tibaaxeen in wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) uu xadhiga labada saxafi u maray jid khiyaamo ah, iyagga oo sheegay inuu labada saxafi xafiiskiisa ugu yeedhay isaga oo iska dhigaya inuu wax ka waydiinayo baahinta wararka baahintooda loo cuskaday xadhigooda, balse markii ay u tageen uu amray in la xidho.

Xubnahan saxafiyiinta ah oo ay ka mid ahaayeen Xamse Cali Bulbul oo ka hawl-galla telefiishanka HCTV, Cali-Mahdi Cismaan Axmed oo ka tirsan Gabiley.net, Siciid Khadar Cabdilaahi oo isna ka mid ah masuuliyiinta telefiishanka SLSC, Cigaal Cismaan Almis oo ka mid ah telefiishanka SLSC, Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale) oo ka mid ah hawl-wadeenada wargeyska Waaheen, Cabdirixiin Cabdilaahi (Bidaar) oo ka mid ah shabakada Togaherer.com, Saleebaan Ibraahim Xaashi oo ka mid ah masuuliyiinta wargeyska Saxansaxo, Barkhad Cumar iyo saxafiyiin kale, ayaa dhammaantood xukuumadda ka dalbaday in si deg-deg ah xoriyadoodii loogu soo celiyo labada wariye.

Kooxda war-fidiyeenada ahi waxay tilmaameen in baahinta wararku tahay waxa ay warbaahintu qaranka u xil-saaran tahay isla-markaana ay waajib ku tahay inay bulshada u sheegaan waxa wadanka ka dhacaya, loona baahan yahay inaan warbaahinta dagaal lagu qaadin.

Dhanka kale, talaabada wasiirka arimaha guduhu ku xidhay labadan saxafi ayaa ayaa kooxdan saxafiyiinta ahi ku tilmaameen mid ay ka xun yihiin iyagga oo ka dalbaday in si deg-deg ah oo aan shuruudi ku xidhnayn ooda looga qaado oo xoriyadoodii loo soo celiyo.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus