Caynabo(Ramaas) Feb, 5, 2012- Xog-hayaha cusub ee dhawaan wasaarada arrimaha gudaha Somaliland u magacowday maamulka gobolka Saraar, ayaa jahawareer ka qaaday sidii uu ula wareegi lahaa xilkii loo magacabaay oo miuran ka dhashay, waxaana uu dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ku gaaf wareeegaya xarunta maamulka gobolka ee Magaalada Caynabo.
Xog-hayaha cusub ee gobolka Saraar Cabdirisaaq Cali Maxamed, ayaan weli si rasmi ah xilka loogu wareejin , ka dib markii uu ninkii jagadaas uga horeeyay Cawil Axmed Dheereeye u sheegay in aanu aqoonsanay waraaqaha lagu soo magacaabay, isla markaana aanu xilka ku wareejin doonin , maadaama oo aanay jirin cid xilka ka qaaday isaga oo maamulka xog-haynta gobolka Saraar hayay ilaa wakhtigii xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale.
Waxaana uu sheegay Mr Dheereeye in warqada uu masuulkan cusubi sitaa ay tahay mid uu soo qoray agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha guduhu Candilaahi Xuseen Cige Black, laakiin xilka wareejin doono marka wasiirka wasaaradaas Maxamed Nuur Caraalle uu u soo gudbiyo qoraal lagu cadaynayo magacaabista xog-hayaha cusub.
Xog-hayaha cusub Cabdirisaaq Cali Maxamed, ayaa sheegay in xilka loo magaacabay si sharci daro ah looga horjoogsanayo, isla markaana aanu garanayn tallaabadii uu ku xaqiijinayo xilka loo igmaday, maadaama oo aanay jirin cid u diyaar u ah xilwareejin.
Ramaasnews desk
Hargeisa




