Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Xildhibaan Waysa-Cadde Oo Mucaaradnimo Maddi Ah Ku Daadefeeyay Ka Qayb-galka Shirka London Oo Madaxwaynuhu Baarlamaanka Kala Tashaday

Hargeysa (Ramaas)- Feb . 4, 2012- Xildhibaan Axmed xasan   Waysa-cade oo ka tirsan xildhibaanada aqalka Wakiilada Somaliland  ee maanta ka qaybgalay kulankii Madaxweyne Siilaanyo qado-sharafta ugu sameeyay  mudanayaasha labada gole, ayaa  noqday xildhibaanka kaliya ee ka soo horjeestay  qorshaha uu Madaxweynuhu ku doonayo in  uu ka qaybgalkiisa shirka Magaalada London kaga dhaadhiciyo baarlamaanka .

 

 Diidmada qeexan ee xildhibaanka ayaan ka farxin Madaxweyne Siilaanyo oo aaminsanaa in kulanka qado-sharaftu  uu yahay mid  ay dhamaanba mudanayaashu  taageero ugu muujin doonaan hindisihiisa shirka, isaga oo doonaya in natiijo kasta ee ka  baxda kulanka  London in ay noqoto  wax cawaaqibkoodu loo sinaa, laakiin hadalka Waysa-cade ayaa shaki ku abuuray mudanayaal badan.

 Xildhibaan Waysa-cade markii uu dhamaaday shirkii labada dhinac, waxa uu saxaafada kula hadlay   irida hore ee hoolkii qadada lagu sameeyay , ayaa  sheegay  in aanu  si weyn uga soo horjeedo shirka Magaalada London loogu qabanayo kooxaha Soomaalida 23-ka bishan Febuary , kaasoo  lgu wiiqayo Qaranimada Somaliland.

“ Ma ogoli shirkaas, waxa loo qabanayaa  nimanka Soomaaliya isku haysta, ee budhcadbaa lagaga hadlayaa ma jirto, Somalilandna wax dan ah oo ugu jiraa ma jirto, waa la inagu baabiinayaa shirkaas sidaas ayaan qabaa” ayuu xildhibaan Axmed Waysa-cade.

 Maalinta beri, ayaa la filayaa in xildhibaanada labada gole  ay buriyaan  sharciga Somaliland ka mamnuucaya ka qaybgalka shirarka kooxaha Soomaalida ,  waxaana ay cod ku meel marin doonaa   sharci xukuumada u fasaxaya in ay ka qaybgasho shir kasta Soomaalida loo qabanayo.

  

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus