Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Wasiirkii Hore Ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Idiris Ibraahim Cabdi Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Hargeysa.

Hargeiysa (Ramaas) Jan. 27, 2112- Alle ha u naxariiste waxa maanta Magaalada Hargeysa lagu aasay maydka wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Idiris Ibraahim Cabdi oo habeenkii xalay   geeriyooday.

 Marxuumka ayaa la sheegay in uu dhiig madaxa kaga furmay xalay,  saacado kadibna la gaadhsiiyay cisbitaalka Edna ee Magaalada Hargeysa, halkaas uu oo ku geeriyooday 2:00 habeenimo ee saacada Afrikada Bari, waxaana aaskiisa maanta ka qaybgalay masuuliyiinta xukuumada ah, axsaabta Qaranka xildhibaanada labada gole iyo dadweyne kale oo tiro badan.

 Mid ka mida ehelada Marxuum Dr  Idris,  Khadar Maxamuud Gahayr, ayaa u sheegay shabakeda wararka ee Ramaasnews,  in xanuunka  sababay geerida Marxuumku uu ahaa ku soo boodo  kaga dhuftay madaxa, isaga oo ka qaybgalayay shir ay lahaayeen xubnaha xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo  Axmed Yuusuf Yaasiin.

 Alle ha u naxariiste Marxuum Idiris Ibraahim Cabdi waxa uu ahaa wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland sannadkii 2006-dii ilaa  2010-kii xukuumadii xisbiga UDUB, waxaana uu ahaa  nin aqoon sare u leh caafimaadka xoolaha, isaga oo ifka kaga tagay carruur iyo xaas.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus