Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Wasiirka Afrika Ee Ingiriiska Oo Wareysi Uu Bixiyey Somaliland Ku Hoos-Geeyay Dawlada Sh. Shariif Ee Soomaliya, Tafaasiil Wer-Wer Lehna Ka Sheegay Maxsuulka Shirka London

Hargeysa (Ramaas) Feb 5,2012 –  Wasiirka dawlada boqortooyadda Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika Mr. Henry Bellingham, ayaa ka hadlay shirka kooxaha Soomalida loogu qabanayo Magaaladda London, waxaanu sheegay in lagu casuumay guud ahaan maamuladii saxeexay heshiiska Road-Map-ka.

 

Wasiirku waxa uu dawlada ku meel-gaadhka ah ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka soo qaaday xukuumad si guud uga wada talisa guud ahaan dalka Soomaliya oo ay Somaliland ku jirto, isaga oo hadalka u dhigay in shirka London lagu casuumay xukuumadda (DKM) iyo maamulada kale, isaga oo uu ka xusay Somaliland, Puntland, Gal-mudug iyo Ahlu-suna oo uu sheegay inay saxeexeen heshiiska qorshaha nabada ee Road-Map-ka.

Mr. Bellingham oo la waydiiyey hanaanka ay u soo xuleen cida shirka London ka qayb-galaysa ayaa sheegay inay shirka ku casuumeen dhammaan saxiixayaashii Roadmap-ka, sida DKMG ah, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna iyo  sidoo kale Madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka Afrika ee dawlada Ingiriiska waxa uu ka hadlay ujeedada shirka London “Shirkan waa mid ku saabsan wadashaqeyn dhex-marta beesha calaamka, waxaana lagu casuumay xukuumadda iyo maamullada kale." Ayuu yidhi isaga oo dawlada Somaliland hoos geynaya xukuumadda Sheekh Shariif hogaamiyo oo todobaadkan dawladiisu safiir u magacowday.

 

                                                                                           

Wasiirka Afrika ee Britain waxa kale oo uu sheegay  inay filayaan in shirka London taageero loogu raadinayo dawlad loo dhiso Soomaliya “Waxaan doonaynaa inaanu dhisno taageero ay ka wada shaqeeyaan Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo ururrada kale. Sidoo kale waxaan doonaynaa in Soomaalida dib u dhiska laga taageero waayo taasi waa fursad qaali ah oo horteenna taalla” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaan rajeynayaa shirkan inuu noqon doono mid lagu mideeyo howsha calaamka ee ku wajahan Soomaaliya, waana taas sababta aan ugu baahan nahay in Soomaaliya loo helo dowlad joogto ah oo caawisa shacabkeeda."

Wasiirkani waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray “Waxaan haysannaa fursad aan ku caawin karno maamullada Somaliland iyo Puntland. Waxaana rajeynayaa inaan wadajir u shaqeyn doonno hirgelinta qorshooyinkaas," ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyay.

 

Ramaasnews desk

Hargeisa

Source: Hiiraan

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus