Hargeysa (Ramaas), Dec, 10, 2012- WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshadaee SomalilandMaxamuud Axmed Barre Garaad, ayaa dalka aynu jaarka nahay ee Somalia talooyin ka siiyey qaabka loo maro dib u heshiisiinta beelaha iyo sida ugu haboon ee ay xal kaga gaadhi karaan khilaafka siyaaasadeed ee dalkaasi daashaday, isaga oo faah faahin ka siiyey waddadii ay Somaliland u martay dib u heshiisiintii beelaha iyo sidii ay u dheceen shirarkii la doonayey in Somaliland dawladnimadeda lagu yagleelo.
WasiirkaWasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadaee SomalilandMaxamud Axmed Barre (Garaad) oo shalay ka hadlay kulan ku saabsanaa nabadda iyo amniga oo ay isugu yimaadeen xubno ka kala socday Somalia, Somaliland iyo Puntland, ayaa waxa uu Somalia kula taliyey inay dib u heshiisiinta ka daayaan siyaasiyiinta loo dirayo, waxaanu u soo jeediyey inay Gole Guurti oo dhaqan beelaha Somalia dega metesha samaystaan, taas oo uu sheegay inay tahay xalka ugu dh wee ay Somalia ku heshiin karto.
Maxamud Axmed Barre Garaad, ayaa waxa si qoto dheer uga xog waramay shirarkii ugu horeeyey ee ay beelaha Somaliland ku yeesheen Boorama iyo Hargeysa, kuwaas oo uu sheegay inay ku hir galeen samir iyo isku tanaasul ay umadda reer Somaliland samaysay, isaga oo tilmaamay in ugu horayn loo baahanyahay in la isku samro oo wax la iska maqlo.
Wasiirkawasaaradda shaqada iyo Arimaha BulshadaMaxamud Axmed Barre Garaad oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Somalia haddii la doonayo in lagu heshiiyo horta waa in Gole Guurti oo metesha Beelaha Somalia dega loo sameeyaa, kuwaas ayaa la shirinayaa oo xal gaadhi kara, laakiin waa in aan dib u heshiisiinta loo dirin Siyaasiyiinta, waayo shirkii ugu horeeyey ee beelaha Somaliland ku heshiinayeen ee Boorame lagu qabtay wax Siyaasiyiin ah lagama ogolayn oo dibedda ayey ka joogeen, waxa ay soo go’aamiyaanna shirka ayey keenayeen”
Ramaasnews Desk






