Hargeysa (Ramaas) Feb 22,2012 - Wariye Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan shabakada wararka ee Ramaas iyo Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan hawl-wadeenada wargeyska madaxa-banaan ee Ogaal oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku xidhnaa xarunta CID-da Hargeysa ayaa loo wareejiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Labadan Wariye oo doraad loo xidhay baahinta warar aan xaqiiq ahayn oo laga helay ilo-wareedyo khalad ahaa isla-markaana isla shalay loo soo jaray rumaan todobaad maalmood ah ayaa saaka laga soo bedalay xaruntii CID-da ee ay hore ugu xidhnaayeen, loona badelay dhanka jeelka dhexe ee Hargeysa.
Labadan wariye oo lagu xidhay amar ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maalintii saddexaad ku jira gacanta ciidamada amaanka, iyadda oo wasiirka arimaha guduhu ka war-wareegayo xalkii laga gaadhi lahaa xadhiga labadan wariye.
Ramaasnews Desk
Hargeisa




