Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

War-saxaafadeed: Shirka London Somaliland Ma Ka Badbaadi Doontaa Xukun-Ciqaabeedka Ku Dhici Doona Madaxda Somaliya.

JAMHUURIYA SOMALILAND

 

 

Ku: Warbaahinta.

 

Ujeeddo: Somaliland ma ka badbaadi doontaa xukun-ciqaabeedka ku dhici doona Madaxda Somaliya.

 

Waxaa hubaal ah in uu aad uga duwan yahay shirka London shirarkii hore ee somalia loo qaban jiray ee ay dibadda ka joogi jirtay somaliland, go'aamadiisuna ay ka duwaanaan doonaan go'aamadii ka soo bixi jiray shirarkii hore ee somalida.

Sababaha uu uga duwan yahay shirkani kuwii hore waxaa ka mid ah:-

1. Shirarkii hore waxaa loo qaban jiray dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta somalida.

 

Hase yeeshee shirkan waxaa lagu soo afjarayaa Laba qodob oo halis ku haya amniga dalalka Reer galbeedka oo hore maare loogu waayey, waxaana ka mid ah:-

A). Baa'biinta BUDHCAD BADEEDKA.

B). Baa'biinta ARGAGIXISADA. 

Labadan arrimood oo halis weyn galiyey arrimaha amniga iyo dhaqaalaha ee dunida gaar ahaan reer Galbeedka,oo maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya, wuxuu Caalamku garowsaday baadhis dheer kadib in ay sabab u yihiin Maamuladii daciifka ahaa ee kala dambeeyey ee caalamku u dhisayey Somalia, ee ay ugu dambaysay tan iminka uu hogaamiyo Sheekh Shariif.

Sidaa awgeed shirka London wuxuu u muuqdaa in uu noqon doono Maxkamad caalami ah oo soo saarta go'aamo kama dabays ah oo lagaga gudbo labada arimood ee halista ah ee aan kor ku soo sheegnay, iyadoo la qaadan doono qaar ka mid ah qodobada soo socda:-

1. In loo dhiso Somalia wax loogu yeedho Dowlad qaran, oo Maamulkeeda gacanta loo galiyo dad lagu tilmaamo maamul yaqaano oo laga soo xulo caalamka iyo qaar ka mid ah dadka Somalida.

2. In Dhulka Somalia Bad iyo bariba nabad galyadiisa gacanta loo galiyo ciidamo shisheeye oo caalamku qaadhaanto, si looga sifeeyo Argagixisada iyo Budhcad badeeda dhulka somalida.

3. In dhaqaale loogu yabooho dadka somalida ah ee ay dishoodeen dagaalada maamul, xumada iyo qaxootinimadu si aanay u dareemin dabinka gumeysiga cusub.

Su'aashu se waxay tahay madaama Somaliland ay dibadda ka ahayd labaatankii sanno shirqooladaa iyo dhibaatooyinkaa ka dhacay somalia, isla markaana ay dhisatay maamul dowladnimo oo ilaahay kaga badbaadiyey dhibaatada ku habsatay somalia, Somaliland ma ka badbaadi doontaa go'aamada caalamiga ah ee ka soo bixi doona shirka London, Maadaama aynu ka soo jeedsan doono safka Eedaysanayaasha. “Waxa la yidhi Riyuhu iyagaa Shabeelka lugahooda ku doonta”.

 

Allaa Mahad Leh

 

Cali Maxamed Warancade

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UDUB.  

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus