Hargeysa (Ramaas) Dec 8,2012 – Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) oo ah Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa swax laga xumaado ku tilmaamay maatidii gadooday ee boolisku rasaasta u addeegsadeen.
Mujaahid Cali Guray, waxa uu Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) dusha ka saaray Masuuliyadda khasaarihii ka dhashay rabashadihii ka kacay natiijadii doorashadda ee degmooyinka Caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo laf qof ku naf waayeen.
Guddoomiye ku xigeenka UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf, ayaa doorashadda deegaanka ku tilmaamay tii ugu xumayd ee Somaliland ka dhacda, isaga oo tilmaamay inay guul daro iyo Magac xumo ku tahay Somaliland “Waxa inoo bilaabmay cahdi cusub waxaynu ilaali jirnay magaca (Magaca Somaliland), laakiin dad aan tudhayn oo aan dalkan lexe-jeclo ka lahayn ayay talladeenii oo dhami gacanta u gaashay oo waxa dhacaya oo dhan Masuuliyadeedda iska leh”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waa doorashaddii ugu horaysay ee Somaliland ay ku guul daraysato, guulna ii noqon mayso Guul darada Somaliland, laakiin waxay Guul u noqonaysaa kuwa guul daradda Somaliland ay guusha u tahay.
Mujaahid Cali Guray, waxa uu Tacsi u diray dadkii ku dhintay rabashadihii Taageerayaasha Xaqsoor “Waxaan aad uga xumahay oo aan tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay Rasaastii ay Ciidanku riddayeen”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo eedaynaya Wasiirka daakhiliga “Carruur yar yar oo aan wax hub ah siddan ayaa Wasiirka Arrimaha gudduhu inta uu Ciiddamo u diray ay rasaas laabta lagaga wadda dhuftay welina wuu hanjabayaa”
Cali Guray oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Muwaadinka Xasan Ciise Jaamac waxa alaale iyo waxa Xukuumadda ku jira isagaa uga lexeejeclo badan dalkan iyo dadkan, waayo inta isaga ka gashay kamay gelin, sidaa darteed anigu ma qabo inay Doorashaddani weli inay dhamaatay 7 Urur mid-na wixii xaqa uu u lahaa inuu helayo u malayn maayo waa wax loo buriyey iyo mid laga baabiiyey. Horta Jini Ninkii keenaa furdaamiya waxa waxan baabiiyey ee sidaan wax u galay waa Komishanka iyo Xukuumadda u malay-maayo intay kala guraan inay Cadaalada sugi-karaan, laakiin wixii ay wax ka qaladamaan xaq bay u leeyihiin inay dacwoodaan.”
Ramaasnews Desk
Hargeisa






