Hargeysa, (Ramaas), Dec, 4, 2012- Natiijooyinka hordhaca ah doorashaddii goleyaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoomay arbacaddii toddobaadkii hore ayaa illaa imika Komishanka doorashooyinka ee heer degmo ee degmooyinka dalka qaarkood shaaciyeen natiijooyinka hordhaca ah ee codadkii dadku dhiibteen.
Degmooyinkan illaa imika sida aan rasmiga ahayn Komishanka heer Degmo u shaaciyey oo ah kala badh Degmooyinkii ay dadweynaha reer Somaliland ka codeeyeen doorashadii Deegaanka oo tiradoodu ahayd 21 degmo, ayaa Ururrada Siyaasadda ee ku ololamayaa si weyn ugu kala horeeyaan.
Degmooyinka Ceerigaabo iyo Boorama oo iyagu muhiim u ah tartanka goleyaasha deegaanka, iyada oo uu urur waliba ku xisaabtamayo waxa uga soo bixi doona ayaa shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay.
Natiijooyinkan hordhaca ah ee Degmooyinka la shaaciyey oo aan iyaga ahayn kuwo rasmi ah, illaa inta Komishanka doorashooyina Qaranku ay si rasmi ah ugu dhawaaqayaan, ayaa waxa ay kala yihiin Degmooyinka la shaaciyey, Boorama, Laacsaanood, Ceerigaabo, Lughaya, Saylac, Saxalley, Balligubadle, Caynabo, Ceel Afweyn, Garadag, Oodweyne iyo Baki.
Degmooyinka la shaaciyey ayaa Ururrada Siyaasadda ee ku tartamayaa si weyn ugu kala horeeyaan natiijada iyo Kuraasta Goleyaasha Deegaanka, waxaanay u kala heleen Degmooyinka illaa imika lagu dhawaaqay sidan:
Degmada Ceerigaabo.
Waxa lagu tartamaya 21 kursi oo golaha Deegaanka ee Degaamadaasi ah, waxaanay u kala heleen Ururradu.
Waddani 6 kursi
Kulmiye- 5 kursi
Ummada 4 Kursi
Rays 2 Kursi
UCID 2 Kursi
Xaqsoor 1
Dalsan 1
Degmada Boorama
Waxa lagu tartamayey 21 Xildhibaan oo uu ka kooban yahay Golaha Deegaanka ee Degmada Boorame, waxa loo kala helay
Kulmiye 7
Waddani 4
Ummada 3
UCID 3
Rays 2
Dalsan 1
Xaqsoor 1
Degmada Laascaanood
Waxa lagu tartamayey 21 Kursi, waxa kala helay
Kulmiye 7
Xaqsoor 5
Waddani 3
UCID 3
Ummada 2
Dalsan 1
Rays Waxba
Degmada Lughaya
Waxa loo ordayey 13 Kursi, waxaanay Ururradu u kala heleen,
Kulmiye 6
Xaqsoor 3
Ucid 2
Waddani 2
Dalsan iyo Rays ayaan waxba ka helin Degmada Lughaya
Degmada Baligubadle
Degmada Balligubadle waxa loo tartamayey 13 Kursi, waxa loogu kala guuleystay sidan:
Xaqsoor 7
Kulmiye 2
Waddani 2
UCID 1
Dalsan 1
Rays 0
Umada 0
Degmada Oodweyne
Waxa loo tartamayey 17 kursi oo golaha Deegaanka ee Degmada Oodweyne ka koobantahay, waxaana loo kala helay.
Ummadda 7
Waddani 6
Kulmiye, 1
Xaqsoor, 1
Ucid, 1
Dalsan 1 Kursi.
Ururka Rays Waxba Kama Helin
Degmada Saylac
Waxa loo tartamayey 17 kursi, waxa loo kala helay sidan;
Kulmiye 6
Waddani 4
UCID 3
Xaqsoor 2
Umada 1
Dalsan 1
Rays waxba
Degmada Baki
Waxa la baratemayey 13 kursi, waxaana look ala helay sidan:
Kulmiye 5 Kursi
Waddani 3 kursi
Ummada 2 Kursi
Dalsan 2 kursi
Xaqsoor 1
UCID 0
Rays 0
Degmada Sheekh
Waxa loo tartamayey 13 kursi waxaanay u kala heleen sidan:
Wadani 4 Xildhibaan
Kulmiye 4 xildhibaan
UCID3 Xildhibaan
Dalsan 1 xildhibaan
Xaqsoor 1 xildhibaan
Umada waxba
Rays waxba
Degmada Caynabo
Waxa loo tartamayey 13 kursi waxaanay u kala heleen sidan:
Kulmiye 6 xildhibaan
Rays 4 Xildhibaan
Wadani 2 Xildhibaan
Umada 1 Xildhibaan
Dalsan, Rays iyo Xaqsoor ayaan waxba ka helin.
Degmada Ceel- Afweyn
Waxa loo tartamayey Degmada Ceel Afweyn 17 kursi, waxaanay Ururradu u kala heleen sidan:
Kulmiye 8
Rays 3
Waddani 3
Umada 1
Dalsan 1
UCID 1
Xaqsoor 0
Degmada Qorilugud
Waxa loo tartamayey Degmada Qorilugud 7 kursi, waxaanay Ururradu u kala heleen sidan:
Kulmiye 3
Rays 1
Waddani 1
UCID 1
Ummada 1
Xaqsoor iyo Dalsan waxba
Degmada Garadag
Waxa loo tartamayey 13 kursi waxaanay u kala heleen sidan:
Rays 8
Kulmiye 3
Waddani 2
Ummada 0
Xaqsoor 0
Dalsan 0
UCID 0.
Degmada Salaxley
Waxa loo tartamayey 13 Kursi waxaanay Ururada iyo Xisbiyadu u kala heleen
UCID 5
Kulmiye 3
Xaqsoor 2
Waddani 2
Rays 1
Dalsan 0
Umadda 0
Dhinaca kale, waxa weli si habasami ah weli tirintoodu u socotaan Codadkii laga dhiibtay Magaalooyinka waaweyn ee Burco, Hargeysa, Gebiley, Berbera iyo qaar kale.
Si kastaba ha ahaatee waxa saacadaha soo socda la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada Degmooyin muhiim ah oo ay dadka badankoodu ka dhur sugayaan.
Ramaasnews Desk
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it






