Addis Ababa(Ramaas) Jan, 27, 2012- Tartanka loogu jiro jagada xog-hayaha guud ee ururka Midowga Afrika, ayaa hadheeyay shirka madaxda Qaarada ugu socda Magaalada Addsi Ababa ee dalka ETHIOPIA, waxaana ay wadamadu bilaabeen isxulufaysi noqday mid xamaasad leh oo dibeda u soo baxay.
Hogaamiyaasha dawlada ka qaybgalaya shirka, ayaa la arkayay iyaga oo yeelanaya kulamo gaar oo ay ugu ololaynayaan murashixiinta tartamaysa, maadaama oo u dhamaaday mudda xilkeedii xog-haye Jean Ping oo markii labaad ah murashax la filayo in uu guulasyan doono, inkastoo aan la saadaalin karin marka codbixin la qaado cid guulasyan doonta.
Mr Ping, ayaa waxa tartanka kula jirta haweenayda ah wasiirka arrimaha gudaha ee wadanka Koonfur Afrika Miss Nkosazana Dlamini-Zuma oo hore u ahayd xaaska Madaxweynaha talada haya Jacob Zuma, waxaana weeye siyaasada caan ka ah dalkaas, iyada oo hore u soo qabtay xilal wasiirnimo.
Waxa ay noqotay wasiirka caafimaadka ee xukuumada Madaxweyne Nelson Mandela, wakhtigaas ka dib waxa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibeda ee dawladii Madaxweyne Thabo Mbeki, waxaana ay taasi sababtay in dawlada Koonfur Afrika ay urur goboleedyada Qaraarada ka jirta cadaadis dibulumaasiyadeed ku saarto in ay u codeeyaan murashaxadooda.
Ururka ay ku midoobeen wadamada Bariga iyo Geeska Afrika ee IGAD, ayaa la filayaa in uu taageeri doono Jean Ping oo la aaminsan yahay in uu taageero ka haysto madaxda dawlada gobolka oo ay ka mid tahay ETHIOPIA.
Si kastaba ahaate, waxa ay sannadkan Qaarada Afrika wajahaysaa ololihii siyaasadeed ee ugu xooga weynaa, kaasoo lagu dooranayo hogaanka ururka Qaarada , waxaana ay markii ugu horeysay soo ifbaxay isxulufaysi gobolayssan oo aan hore jirin.
Ramaasnews Desk
Hargeisa .



