Kampala (Ramaas) Feb 22,2012 - Jariirada labaad ee loogu akhriska badan yahay dalkan Uganda (Dailly Monitor) ayaa mid ka mida bogageeda hore kusoo qortay maqaal aad u xiiso badan kaas oo uu kaga faaloonayo shirka Londan iyo gaar ahaan kaalinta Somaliland kaga aadan.
Maqaalkan oo laga soo xigtay wariye kamida xarunta BBC qaybteeda la hadasha caalamka oo dhawaan booqasho ku tagay dalalka Somaliland, Uganda iyo Kenya ayaa soo bandhigay warbixin uu ugu magac daray “ In somalia: Nowhere to Hide” ama ma jirto meel aad ku dhuuman karta gudaha Somalia isagoo barbardhig maskaxiyana ku samaynaya dalka Afghanistan.
Wariyahan ayaa Somaliland aad ugu amaanay wuxu ugu yeedhay “Home made System”, ama nidaam ay dadka deeganku ikhtiraaceen kaasoo inta badan naadir ku ah caalamka, kuna salaysan hab beeleed loo dhan yahay, isago xusay in arintani tahay waxay kaga duwan yihiin dhul-waynihii Somalia qaybihiisa kale, Somaliland-na ku tilmaamay dhul tilmaam ahaan u dhaw saxare, wadoyinka casrigina ku yar yihiin balse ku socoda xawaare fiican, isagoo soo qaatay xawaaladaha, gaar ahaana Dahabshil iyo shirkada Coca Cola oo dhawaan laga furay duleedka Hargaysa.
Wariyaha ayaa xusay qodobada ugu waawayn ee shirka Londan kuwaasoo uu ka carabaabay: a) xoojinta iyo meel ku tiirinta qarashka Amison b) meel dhigida qorshihi lagaga bixi lahaa cahdiga ku meel gaadhka c) xal u helida arimaha budhcad badeeda iyo xag-jirnimada d) tayeynta iyo dabagalka mucaawinada beesha caalamka ee dalka Somalia e) fursad siinta qadiyada Somaliland in aduunku maqlo iyo ugu danbayntii raadinta xal waara oo khuseeya dalalka bariga Africa ee qadiya Somalia.
Wariyaha ayaa soo bandhigay Waraysiyo uu ka qaaday madaxda ciidamada Amisom, gaar ahaan Kenya iyo Uganda kuwasoo dhamaantood ku muujiyey horumarka fiican ee ay ciidamada African ka sameeyen muqdisho, isagoo xusay in 80 askari oo Ugandan lagu dilay mudadi 5-ta sano ahayd ee uu socday hawl galka Amisom
Ramaasnews Desk
Hargeisa



