Hargeysa (Ramaas) Feb. 5, 2012- Socdaal uu dalka dib ugu soo laaban lahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo ku nool Magaalada Paris dalka Faransiiska , ayaa dib u dhac ku yimid, ka dib markii sida la sheegay uu ku mashquulay arrimo u gaar ah.
Socdaalka Daahir Rayaale ayaa la xidhiidha sidii la soo afjari lahaa khilaafka xisbiga UDUB ee guddoomiyaha ka yahay labada garab u kala qaybiyay, kaasoo ka bilaabmay murashax ay doorteern koox u hogaamiyo guddoomiye ku xigeenka xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin, iyada oo labada dhinac ay baaqyo kala duwan u direen guddoomiyaha xisbiga ee isna soo jeediyay in la laalo murashaxnimada xubnaha isa soo taagay, ilaa doorashada golayaasha deegaanka ka dib si loo ilaaliya midnimada xisbigaas.
Maanta oo Axad ahayd, ayaa la filayay in Rayaale soo gaadho dalka, iyada oo dhinac iska soo horjeeda ee xisbigu ay abaabulayaan xaflado gooni- gooni ah oo ay ku qaabilayaan Madaxweynihii hore, si dhinac kasta uu kasbado kalsoonidiisa oo jaan goyn karta mustaqbalka xisbigaas, laakiin Mr Rayaale ayaan la ogayn dhanka uu raaci doono, inkastoo garabka uu hogaamiyo Cali Maxamed Waran-cade ay ku doodayaan in ay haystaan taageeradiisa.
Dhinaca kale af-hayeenka garabka Cali Waran-cade Pro Axmed Xasan Cigaal oo maanta u waramayay shabakeda wararka ee Ramaasnews, ayaa sheegay in Madaxweynihii hore uu ku sugan yahay Magaalada Duba ee wadanka Imaaraadka Carabta, isla markaana uu halkaas joogi doono dhawr maalmood, laakiin Magaalada Hargeysa iman doono toddobaadkan gudihiisa.
“ Daahir Rayaale Kaahin wuu iman doonaa toddobaadkan, waxa aan ogahay in uu Paris ka soo duulay uu Dubai ku sugan yahay, laakiin dano u gaar ayuu ku mashquulsan yahay, ka dibna inta aanu toddobaadkan dhamaan ayuu iman doonaa Somaliland, soo dhaweyntiisa waa lagu guda jiraa si sharaf lehna oo milgonimo ku jirto, ayaa loo qaabilayaa , waa ninka dalka u soo shaqeeyay, iska daa xisbigan UDUB, khilaafka jira isagaa soo afjaraya oo dhankayaga anagaa u baaqnay markii sharcigii xisbiga lagu tuntay, waana uu naga aqbalay. Waan hubaa in uu imanayo Daahir Rayaale guddoomiyahayagii aad baanu ugu faraxsanahay” ayuu yidhi af-hayeenka garabka Cali Waran-cade ee xisbiga UDUB Axmed Xasan Cigaal.
Imaatinka Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si weyn loo sugayay maalmahan dambe, iyada oo rajaynayo in uu wax ka qaban doono khilaafka ragaadiyay xisbigiisa UDUB oo guuldaro laxaad leh ka soo gaadhay doorashamada madaxtinimada ee dhacday badhtamihii sannadkii 2010-kii, xilligaasoo uu ahaa Madaxweyne.
Ramaasnews desk
Hargeisa



