Qaahira (Ramaas), Dec, 09, 2012- Magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar waxa si weyn ugu sii fidiya rabshadaha iyo cadhada ka dhalatay go’aan uu madaxweynaha dalkaasi awoodiisa ku kordhisanayey oo ay shacabka reer Masar qaarkood si weyn uga cadhoodeen.
Rabshadaha iyo banaanbaxyada lagu diidan yahay go’aankan ayaa wali socda, iyada oo gaadhay heer ay mudaharaadayaashu Madaxtooyada dalkaasi laga difaaco.
Madaxweynaha Dalka Masar ee codka shacabka lagu soo doortay ayaa sheegay in uu dib ugu noqon doono go’aankiisan dhaliyey muranka aadka u badan.
Ramaasnews Desk






