Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

"Qorshaheennu Waa Inaan Soomaaliya Ka Tirtirno Magacyada Xunxun Sida Xerada Qoxootiga Adduunka Ugu Weyn Soomaali Ayaa Leh” Xasan Sh. Maxamuud

Muqdisho (Ramaas), Dec, 10, 2012- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa sheegay in qorshayaasha dawladdiisu doonayso inay hir galisaa ay ka mid yihiin in magac xumada Somaliya ay ka qaaday dhibaatada dagaal ee mudada dheer ay ku jirtay laga tir tiro, waxaanu sheegay in magac xumadaasi ay ka mid yihiin in xerada qoxoontiga aduunka ugu weyn la tilmaamo inay Soomaali leedahay, waxaanu sheegay in sidoo kale budhcad badeeda aduunka ugu khatar badan la tilmaamo inay Somali yihiin, isaga oo sheegay in qorshohoodu yahay inay waxaasi oo dhan tir tiraan.

Madaxweynah Somaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa hadalka ka sheegay mar uu madaxtooyada dalkaasi kula hadlayey ururada bulshada rayidka, waxaanu uga xog waramay xaaladaha dalka iyo meelaha ay marayaan, isaga oo ishaareeyey qorshayaasha xukuumaddiisu horumarinta ugu talo galashay iyo talaabooyinka ay qaadeen ee guulaystay.

Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlaya talaabooyinka ay qaadeen ee guulaystay waxa uu yidhi “Lixdan isbaaro ayaa magaalada Muqdisho taallay, Alle mahaddiis-na dhamaantood maanta waa la qaaday - waana arrin lagu faano, inaanay dib u soo labanna waa mid mas'uuliyadeeddu ay na saaran tahay”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi  "Waxaa Muqdisho ka socda qorshe lagu dhisayo xarumo ciidan, taasoo looga dan leeyahay in magaalada dhexdeeda looga mamnuuco in askari qori wata lagu arko" .

Madaxweynaha oo ka hadlaya qorshaha xukuumaddiisa waxyaabaha ka midka ah waxa uu yidhi
"Qorshaheennu waa inaan Soomaaliya ka tirtirno magacyada xunxun sida xerada qoxootiga adduunka ugu weyn Soomaali ayaa leh, budhcadbadeedda adduunka ugu khatarta badan Soomaali ayaa leh, argagaxisada adduunka Soomaaliya ayaa leh iyo weliba dowladda ugu musuqmaasuqa badan Soomaali ayaa leh, waana kuwaas kuwa aan doonayno inaan xaqiijinno”.

Ramaasnews Desk

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Voting Poll

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Waxa Ku Haboon Inuu Majaraha U Qabto

Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), - 23.3%
Guddoomaha wakhtigan Muuse Biixi Cabdi - 30.7%
Wasiir C/Casiis Samaale - 20.7%
Muj: Maxamed Kaahin Axmed - 6.3%
Masuuliyiin Ku Cusub Saaxada - 19.1%

Total votes: 971
The voting for this poll has ended on: 25 Mar 2013 - 16:35

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus