Hargeysa (Ramaas) Jan, 22, 2012 – Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta ee Somaliland mFaysal Cali Sh. Maxamed, ayaa maanta furay qayb cusub oo Af ingiriisi ah oo lagu soo kordhin doono Television-ka qaranka SLNTV.
Xaflad loo sameeyay furitaanka qeybtan cusub oo lagu qabtay xarunta TV-ga ee magaalada Hargeysa waxa ka qeyb galay agaasimeyaasha wasaaradda iyo shaqalaha TV-ga qaranka,
Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka hadlay ayaa sheegay sheegay in ujeedada koowaad ee laga leeyahay qaybta af ingiriisigu ay tahay in dhalinyarada da’da yar ee reer Somaliland ee Qurbaha ku dhaqan ay ka dhegaystaan Tv-ga waxa dalkoodii ku sugan yahay iyo waxa uu ka soconaya maadaama aanay badi dhalinyaradaasi fahmaynin Luuqadda Soomaaliga.
Waxa kale oo uu xusay baahinta qeybta Ingiriisiga ee TV-ga loo dan leeyahay sidii uu beesha caalamka ugu gudbin lahaa marxalada Somaliland marayso.
La taliyaha wasiirka warfaafinta Xuseen Cali Nuur oo isku dubariday qaybta af ingiriisiga ee TV-ga ayaa isna ka hadlay kulankaasi waxaanu sheegay in furitaanka qaybtan tahay mid bilow ah isla markaana uu u rajaynayo inay midho dhasho mustaqbalka dhow.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Faysal Cali Sheekh oo kulanakasi ka hadlay ayaa ku dhawaaqay furitaanka qaybta af ingiriisiga ee TV-ga qaranka, waxaanu ka waramay sida wasaaraddaasi ugu guulaysatay baahinta qaybaha kala duwan ee wasaaradda sida Televisionka oo la gaadhsiiyey qaaradaha Yurub iyo Ameerika.
Agaasimuhu waxa uu intaasi ku daray inay bilaabeen dhismihii la dhigi lahaa idaacada cusub o la filayo bisha fooda inagu soo haysa.
Md. Faysal Cali Sheekh waxa uu sheegay inay farxad u tahay qaran ahaan in SLNTV yahay Telefishankii u horeeyay ee Soomaali ku hadla ee yeesha qeyb af- Ingiriisi ah.
Ramaasnews Desk
Hargeysa.




