Hargeysa(Ramaas ) Feb. 4, 2012-Qaar ka mid ah madax-dhaqameedyada beelaha Somaliland ayaa baaq nabadeed iyo gogol ladqabo ah u diray Isimadda iyo wax-garadka beelaha Dhulbahante, xukuumadda Somalilandna u soo jeediyay in ay wax ka qabato tabashooyinka siyaasadeed ee Beelahaasi tirsanayaan.
Boqor ka beesha Magaado oo ka mid ah beelaha Somaliland Boqor Maxamuud Cismaan Nuur iyo Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo maanta Warbaahinta la hadlay waxa ay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo u soo jeediyeen inuu mar kale beesha Dhulbahante u fidiyo gogol nabadeed.
Boqorka beesha Magaado Boqor Maxamuud Cismaan Nuur, ayaa isagu baaqaasi ka dib ku dhawaaqay inuu gogol nabadeed u fidiyay beeshaas
“Anigoo ah Boqorka beesha Magaado waxaan ugu baaqayaa Garaadada iyo Isimada beesha Dhulbahante gogol nabadeed oo aan anigu u fidiyay, taasoo aan ugu garqaadayno iyaga iyo dawlada Somaliland, anigoo og in ay jirto tabasho ay qabaan, waxaan u damaanad qaadayaa in aan Xukuumadda kala doonayno waxay tirsanayaan” ayuu yidhi Boqorka Maxamuud Cismaan.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa isaguna Madaxweynaha u soo jeediyay inuu mar kale ku celiyo gogoshii nabada ee uu u fidiyay beelaha Dhulbahante
“Madaxweynaha waxaan leeyahay waa inaad ku celisaa gogoshii nabada ee aad u fidisay Beesha Dhulbahante”ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqadir.
Ramaasnews Desk
Hargeisa




