Ramaas News
News
Kusoo Dhawaada Bogga wararka iyo dhacdooyinka Ramaasnews.com. Kala soco boggan wararkii ugu danbeeyay ee dalka, gobol walba iyo degmo walba, wararka Mandaqada Geeska Africa, kuwa Qaarada Africa, iyo wararka Caalamkaba. War Huban iyo Wakhti ku Haboon!
Friday, 04 May 2012 19:36
Al-shabaab Oo Dr. Augustine Mahiga Ku Tilmaamay Madaxweynaha Dhabta Ah Ee Soomaaliya, Sheekh Shariifna Ku Sifeeyay Maqaar Saar.
Written by Abdirisak
Muqdisho (Ramaas) May 04, 2012 - Kooxda Al-shabaab, ayaa hadashay arrimo badan oo ay ka mid yihiin isbeddelka lagu sameeyey saraakiisha hoggaamisa ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo hadallo ka soo yeedhay dhowaan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo digniin loogu jeediyey siyaasiyiinta iyo xubnaha ka horjeeda dastuurka Soomaaliya. Maamulaha Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Maxamed Abuu Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka cidammada AMISOM uu astaan u yahay in ciidammadaas ku fashilmeen dagaalka ay ku jiraan xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. “Gaalada Afrikaanta ah markasta waxay beddelaan taliyihii hore, mid…
Published in
News
Friday, 04 May 2012 18:45
Urur Samo-fal Oo 54 Maxaabuus Oo Laga Hayo Maleeshiyaadka Reer Buuhoodle Gaadhsiiyay Deeq Lacageed Iyo Dhaqaaleynta Xukuumadda Ee Qas-wadayaasha.
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) May 04, 2012 – Urur Samo-fal oo Magaciisu yahay DAL-HAB, ayaa lacago deeq ah gaadhsiiyay Maxaabiistii ciidamada Qaranku ka soo qabteen Maleeshiyaadkii dagaalku ku dhex Maray Koonfurta Laascaanood iyo Sool-joogto. Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay 54 Maxbuus oo jiidaha kala duwan ee Maleeshiyaadku ciidamada Qaranka kula dagaalameen laga soo qab-qabtay ayaa ururka Dal-hab gaadhsiiyay lacago deeq ah oo uu ku soo hagaajiyey nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Jaamac (Wadaad). Maxaabiistan lacagta loo qaybiyey oo ku kala xidhan xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa iyo xabsiga Mandheera, kuwaasi oo xaalado kala duwan ku sugan, waxaana maxbuus kasta la guddoonsiiyay lacag…
Published in
News
Friday, 04 May 2012 18:00
Alle Ha U Sahlee Gabadh Shan Jir Ah Oo Miino Kula Kacday Duleedka Waqooyi Ee Gabiley Kuna Wayday Gacan Iyo Labadeedii Indhoodba.
Written by Abdirisak
Gabiley (Ramaas) May 4,2012 – Alle ha u sahlee gabadh yar oo shan sano jir ah ayaa labadeedii indhood iyo gacan ku wayday Miino ku Qaraxday Maanta oo Jimce ah. Gabadhan yar ee Miinadu ku qaraxday oo Magaceedu yahay Nimco Cilmi Guuleed ayaa khatartani soo gaadhay ka dib markii maanta ay ku qaraxday miino ku aasnayd gurigooda oo ku yaala deegaanka Waqooyiga Magaaladda Gabiley, gaar ahaan duleedka Xeradii Milatariga. Gabadhan ayaan la sheegin in Miinadu ku qaraxday iyadda oo gacanta ku haysa, balse waxa la sheegay in Miinada oo dhulka ku aasnayd ay ku dul-istaagtay, markaa ka dibna ay la…
Published in
News
Friday, 04 May 2012 14:34
Xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Inay Xus U Samayso 10 Guurada Geeridii Marxuum Cigaal Iyo Shacabka Oo Swaydiinaya Sababta.
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) May 4,2012 – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku fashilantay inay xus u samayso toban guurada Madaxwaynihii 2-aad ee Somaliland Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Toban guurada geeridii Madaxwayne Maxamed Ibraahim Cigaal oo ku beegnayd shalay (03.05.2012) ayaan ilaa hadda xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo aanay qabanin ama isku hawlin xus loogu baroor-diiqo Marxuum Cigaal oo ahaa masuulkii dhidibada u taagay Jamhuuriyada Curdinka ah ee Somaliland. Masuuliyiinta xukuumadda oo wakhtigii ay mucaaradka ahaayeen xukuumaddii Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ku dhaliili jiray inay si aan wanaagsanayn u xusaan baroor-diiqda sanad kasta loo sameeyo Marxuum Cigaal ayaa iyagu aan hadal…
Published in
News
Friday, 04 May 2012 14:18
Wasiirka Daakhiliga Somaliland Oo Jabuuti U Dhoofay Iyo Xidhiidhka Labada Dal Oo Adkaaday Ka Dib Wasiirradii Reer Jabuuti Ee Shalay Xuduudka Laga Celiyay.
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) May 4,2012 – Xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa xumaaday ka dib markii shalay wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) wefti wasiiro reer Jabuuti dib uga celiyay xadka Gobolka Salal la wadaago Jabuuti. Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maanta galinkii dambe u dhoofay dhinaca Magaaladda Jabuuti ee caasimada dalkaasi, waxaana la filayaa inuu halkaasi u tagay inuu dawlada Jabuuti la soo yeesho wada hadalo la xidhiidha xurgufta siyaasadeed ee labada dal soo dhex gashay. Ilaa hadda dawlada Jabuuti kama hadal wasiirradeeda loo diiday inay gudaha u galaan Somaliland,…
Published in
News
Friday, 04 May 2012 13:57
Qarax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Guriga Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Iyo Saddex Haween Ah Oo Ku Dhaawacmay.
Written by Abdirisak
Gaalkacayo (Ramaas) May 4,2012 – Magaaladda Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ee Somaliya ayaa maanta waxa a dhacay Qarax weyn oo sababay dhaawac ah saddex haween ah oo marayey halkii uu ka dhacay. Qaraxan oo wararka qaarkood sheegayaan inuu ka dhashay bamboo gacmeed la sheegay inay meel qashin lagu qubay ka soo qaaday haweenay ka ganacsatada biraha xumaaday ayaa waxa uu ka dhacay meel aan wax badan ka fogeyn guriga Madaxwaynaha Maamulka Galmudug. Qaraxan ayaa ku dhaawacmay 3-ruux oo dumar ah, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad marayay wadada, iyadda oo saddexdaasi haween ah mid xaaladeeda caafimaad laga darinayo. Goobta Qaraxu…
Published in
News
Thursday, 03 May 2012 21:41
Dawlada Somaliland Oo Wefti Wasiiro Reer Jabuuti Ah Dib Uga Celisay Xadka Labada Dal U Dhexeeya Iyo Xidhiidhkii Labada Dal Oo Xumaaday
Written by Abdirisak
Saykac (Ramaas) May 3,2012 – Xidhiidhka u dhexeeya dawladaha Somaliland iyo Jamhuuriyada ayaa aad u xumaaday ka dib markii maanta ciidamada ku sugan xadka u dhexeeya labada dal ee Gobolka Salal laga celiyey wasiiro iyo masuuliyiin kale oo doonayey inay gaadhaan Magaaladda Saylac. Ciidamada xuduuda ilaaliya ayaa weftigan reer Jabuuti u diiday inay gudaha Somaliland, gaar ahaan gobol Salal oo ay doonayeen inay yimaadaan Magaalo Madaxdiisa Saylac oo la sheegay inay doonayeen inay ka furan Mashaariic horumarineed oo ay hore uga halkaasi uga hirgaliyeen. Warka ayaa intaa ku daraya in Lowyacado laga celiyey wefti ka kooban Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo…
Published in
News
Hargeysa(Ramaas) May 03, 2012 - Maaha markii u horaysay ee wax hadal ah laga waayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo, iyadoo uu dalku ku jiro qalalaase iyo go’aamo cariksi ah oo u dhexeeya xukuumadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah. Waxa dalka ka aloosan muran siyaasadeed oo ka dhashay natiijadii ay guddiga diiwaangelintu ku kala reebtay ururada siyaasadda oo ay ururo badani qaadaceen inay aqbalaan. Waxa kale oo dalka ka taagan shirar doceedyo kala duwan oo siyaasadeed, waxa kale oo isa soo taraya naqdiga loo hayo siyaasadaha gudaha iyo dibadda ee xukuumadda uu hoggaamiyaha ka yahay. Dhamaan qodobadani waa kuwo qaranka…
Published in
News
More...
Rayiga Dadweeynaha
- Warbaahinta Caalamiga Ahi Maxay Ka Tidhi Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Iyo Xukunka Dilka Ah Ee Sida Deg-dega Ah Maxkamada Milatarigu Ugu Qaaday 17-ka Qof..?
- Maraykanka Oo Muhaajiriin Somali Ah Ka Daad-gureynaya Jasiirada Malta Iyo Tahriibta Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Aad U Kordhaya
- Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysiga Dacwada Masuuliyiinta Eedaymaha Musuqmaasuq U Xidhan Maanta Dib Ugu Dhigtay Codsi Uga Yimid Ciidamada Booliska
- Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo Xukuumada Talada Haysa Ku Dhaliilay Sidii Loo Maamaulay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dalka Shiinaha (Dhageyso).
- Ma Dhab-baa In Madaxwayne Axmed Siilaanyo Laba Maalmood Ka Hor Safarkiisa Shiinaha Afhayeenka Madaxtooyadda U Qoray Warqad Uu Xilka Kaga Qaaday….?
- Nuxurka Heshiiska Madaxwayne Siilaanyo Ku Soo Saxeexay Shiinaha Iyo Shirkadda Shidaalka Ka Soo Saaray Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorhe Hawleedkeeda + Dekeda Berbera Oo La Wareegaysa Hawlihii Dekedda Djabuuti.
Photo Gallery
Subscribe to Newsletter
Shaqooyinka Banaan
| Job Title |
|---|
| Assistant Engineer - Hargeisa |
| Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa |
| Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo |
Arimaha Diinta
Voting Poll
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?
Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%
Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00



